Home » Warar »

Booqashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ku yimid Turkiga

Waxa Taariikhdu markay ahayd 16 bishan march 2010 kasoo dagay garoonka diyaaradaha  Esenboga Magaalada Madaxada Turkiga ee Ankara Wafdi uu horkacayay Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya  Md.Sheikh Adem Maxamed Nuur madoobe iyo xildhibaano kale oo oo safar kiisa ku wehliayay waxa maalintii 17 bisha march uu lakulmay Guddoomiyaha baarlamaanka Turkiga Mudane Mohmet Ali  SHahin waxa kale uu lakulmay Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Qaranka Mundane Hasan Kemal Yardimci, Waxa kale uu isla 17 lakulmay Wasiirka Deegaanka iyo Daaqa Mudane Veysel Eroglu
waxuu booqaday 17 bisha Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Madxafka Taariikhiga ah ee Mustafe Kamal Ataturk.
 
Waxa oo maanta taariikhdu tahay 18-march 2010 Guddoomiyuhu Booqaday Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Ankara isaga iyo wafdigii uu wehlinayay  Xildhibaano iyo saraakiil sare oo la socday.
 
Waxaa Safaaradda Ku soo dhaweeyey Danjire Hilal Mohamed Adem iyo Xogahye 1 aad Xassan Maxamed Cisman Xasanbeat iyo U qeybsanha  Arrimaha Ganacsiga Cabdifataax Warsame rooti.
 
Intii ay booqashada ku joogeen Safaaradda wuxuu Danjiraha iyo Diblomaasiyiintaba ay uga waribixiyeen xaaladihii kala duwanaa ay soo martay Safaaradda iyo xiriiradda kala dhaxeya Dowladda turkiga oo aan Walaalaha nahay kaasoo ah mid aan u wanaagsan

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah


 
xogaha koobaad Mudane Xassan beat aya uga waramay guddomiyaha xaalada adag ee ay la kulmaan dadka Soomaaliyeed oo u soo  haajiray qurbaha iyo markay dhibaatooyin la kulmaan sida ay Safaaradda iyo Dibmlomasiyiintaba ay uga saacidaan ama ay uga haqab tiraan baahida Shacabka.
 
U qeybsanaha Arrimaha ganacsiga mudane cabdifatax warsame rooti ayaa asaga uga waramay guddoomiyaha Xaalada ganacsi ee ka jira Turkiga isagoo u sheegay in xafiiska Ganacsiga intii la furay uu isbedel ku yimid ganacsiga Soomaaliya iyo kan Turkiga asagoo sheegayna  inuu sameeyey ganacsigii transitka ku ahaa dubai in hadda Soomaaliya Toos ay ganacsatada Soomaalida alaabahooda loogu geeyo taasoo ah horumar weyn oo uu soo kordhiyay xafiiska ganacsiga.
 
Gaba-gabadii waxa uu Guddoomiyaha amaanay wax qabadka Safaaradda sheegayna in Safaaradda oo muddo 2 sano ka yar furan ay dadaaal dheeraad ah muujisay kuna booriyay in ay sii laba laabaan dadaalkan oo ah mid ay Dowladda Soomaaliya Maanta ku faani karto marka la eego dhinaca Xiriiiradda dibedda oo ay Safaaraduhu qaabilsan yihiin.
 
Warıye;yabarow
yabarow07@live.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.