Home » Warar »

Xisbiga MJS: Warbixinta QM ee lagu eedeynayo DFKMG, Mucaaradka iyo Hay’adaha waa Nasiib darro u soo hoyatay Dadka iyo Dalka

Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliya ayaa kulan ballaaran oo ay yeesheen madaxda iyo xubnaha ka tirsan waxay uga hadleen guud ahaan xaaladda dalka Soomaaliya, waxaana shirkaasi oo socday muddo dhowr saacadood ah laga soo saaray warsaxaafadeed ku aadan dhammaanba go’aanada ay ka soo saareen qodobadii ay ka hadleen.

Md. Cali Maxamed Nuux Tima Jilic oo ah K/Xigeenka Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliya ahna K/Simaha ayaa Saxaafadda u akhriyay bayaanka ay ka soo saareen maanta magaalada Muqdisho.

“Ugu horeyntii Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliya wuxuu ku baaqayaa in la joojiyo dagaalada ka socda Bacadweyne iyo Camaara, dhinacyada ku dagaalamaya halkaasina waa inay u dhego nuglaadaan ergada nabadeed ee ka baxday Muqdisho” ayaa lagu yiri bayaanka Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliya.

Sidoo kale dadka magaalada Muqdisho ayaa loogu baaqay inay joojiyaan oo ay Alle SWT ka cabsadaan isla markaasina aanay buunbuunin dagaalada ka socda magaalada Muqdisho, hase yeeshee dhinaca kale XMJS ayaa bayaankiisa si qotto dheer uga hadlay warbixin dhowaan lagu daabacay wargeyska NewYork Times.

Bayaanka ka soo baxay xisbiga midnimada Jamhuuriga Soomaaliya oo uu ku saxiixnaa K/Simaha ahna K/Xigeenka Guddoomiyaha Xisbiga Md. Cali Maxamed Nuux (Tima Jilic) ayaa ka codsaday Q/Midoobay inay dib u eegto warbixinta ay ka qortay dalka Soomaaliya.

“Waxaan cambaareyneynaa oo aan ka xunahay warbixinta lagu daabacay wargeyska NewYork Times” ayuu yiri Md. Tima Jilic oo sheegay in Q/Midoobay ay mucaaradka Dowladda ku tilmaantay argagixiso, madaxda iyo wasiirada Dowladda ay ku tilmaantay kuwo tuugo ah oo iibsanaya dal ku galka, halka hay’adaha dalka ay ku eedeysay inay lunsadeen raashinka gargaarka ah.

“Anagu hadaan nahay Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed waxaan u aragnaa eedeymaha Q/Midoobay inay tahay gef loo geystay shacabka Soomaaliyeed dhammaantiis” ayuu yiri Md. Cali Maxamed Nuux (Tima Jilic) oo sheegay inaysan jirin cid la dhaafayo ee loo wada socdo dhammaan Soomaalida.

Xisbiga MJS ayaa bayaankiisa ka soo baxay Muqdisho waxa uu u soo jeediyay Dhinacyada Soomaalida inay ogaadaan oo arkaan arrimahaas, isla markaana ay muujiyaan iskaashi iyo midnimo oo kaliya inay tahay waxa looga gudbi karo dhammaanba caqabadaas

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xisbiga MJS: Warbixinta QM ee lagu eedeynayo DFKMG, Mucaaradka iyo Hay’adaha waa Nasiib darro u soo hoyatay Dadka iyo Dalka "

  1. Deeq says:

    warbixinta qaramaada xafiiska dabagalka ka soo baxdey inkiraad qayaxan iyo erayo canaan ah laguma beeneyn karo, sida ugu wacan ee loo duri karo waa ayadoo qaabdhaqana dhaqaale doonka ee madaxda Soomaalida la hakiyo, tanina tumbooryo fiican oo lagu dhuftey kuwo gacan togaaleysiga qaawan caadeystey ee wasiiro leh, xildhibaano leh, iyo waliba madax kale.

    waxaan heynaa marqaati dadkii laga gatey fiisayaasha oo qaarkood aan qaraabo nahey, taas awgeed raadiyaasha oo la tago oo laga bacbaceeyo waxba tari mayso.

    DEEQ