Home » Warar »

War saxaafadeed HANOOLAATO ka soo saartay goaankii UN ka ee dhul badeedka Soomaaliya

Waxaanu soo dhoweynaynaa go’aankii Qaramada Midoobay ku laashay Is-afgarad ku sheeggii ay wada gaareen Kenya iyo TFG da Somalia

Ref: DQ/HNL/15/03/2010
15/03/2010

Haddii aannu nahay Xisbiga HANOOLAATO waxa aannu soo dhoweynaynaa war murtiyeedkii ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee lagu laalay heshiis ku sheeggii is af-garad ee dhex maray xukuumadda Kenya iyo TFG-da Somalia.

Is af-garad ku sheeggaasi wuxu ahaa nasiib darro la soo deristay ummadda Soomaaliyeed oo dhul-badeedkoodii si ku talo gal ah faraha looga saaray Kenya.

Sidaa darted xisbigu wuxu soo dhoweynayaa go’aankaas UN-ku ku laalay is-af garad ku sheeggaas 12kii bishan. Waxa kale oo xisbigu ammaan iyo bogaadin u jeedinayaa intii ka qayb qaadatay halgankii lagu soo celinayey dhul-badeedkaas la bixiyey.

Xisbi ahaa waxa aannu halkan hambalyo ugu diraynaa waddaniyiintii is xilqaamay ee u guntaday soo dhicinta dhul badadeedkeenna oo ay ugu horrayso shabakadda Somali-Talk oo maamulkeedu xil gaar ah iska saaray is-hor taagista is-af garad ku sheeggaas aan sharciga iyo caqliga toona waafaq-sanayn. Sidoo kale waxa aannu halkan ku xusaynaa 334kii xildhibaan ee 1dii August 2009 codkooda dheer ku sheegay in heshiiskaasi yahay waxba kama jiraan (Null and Void).

Xisbi ahaan anagu marnaba kama aanaan seexan soo dhicinta dhul-badeedkeenaas la dhaxal wareejinayey anaga oo si gaar ah ugu xilsaarnay Amaal Cali oo ka tirsan madaxda sare ee Xisbiga HANOOLAATO tallaabooyinkii ay qaaddayna waxa ka mid ahaa qaylo-dhaan (petition) ay ka saxeexaysay hal milayn oo Soomaali ah oo ay rabtay in ay u dirto UN ka si la isu hortaago wareejinta dhul-badeedkeennaas. Iyo sidoo kale iyada oo Madaxweynaha TFG-da Shiikh Shariif gole loo dhan yahay ku weydiisay su’aashii dhul-badeedka.

Warsaxaafadeedka oo dhan halkan ka akhri: http://hanoolaato.org/MoU.htm

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " War saxaafadeed HANOOLAATO ka soo saartay goaankii UN ka ee dhul badeedka Soomaaliya "

  1. Siciid Omar says:

    Waad ku Mahadsantihiin, Akhyaarta Somalitalk sida Wadaniyad iyo Dadnimada Wanaagsan ee ay Mujtamaca Soomaliyeed ugu iftiimasay arintaan Bada somaliya ee la damcay in si sahlan oo Faramarooqsado, maadama somali ay maanta Tabar yartahay, Alaha idinka Abaal mariyo Wanaagaas.

  2. xoosh says:

    aad baan ugu faraxsanahay guushaan u soo hayatay dhamaan shacabka somaaliyeed. waxaa runtii Aamaan aan la koobi karin u soo jeedinayaa website kaan Somalitalk oo runtii qayb libaax ka qaatay soo celintii dhulbadeedka.

  3. taariikhdu waa lama himaamaane nin waliba wax uu galo waa loo ogsoonaanayeeye hadii aad tihiin ku halgamayaasha bada somaliya taariikhdu idin hlmaami mayso
    kuwa ugu horeeyana waa somalitalk
    ogoow waxaad jaanis u haysataa dukaan aan cidkale u furayne ka faaiidayso oo ah sumcadii iyo wax tarkii soomaaliya
    by shawr

  4. Hamza Yusuf says:

    Well done Hanoolaato !

  5. somalitalk waxaad tihin wadaniyiin xalaaal ah , waajibkiinii waad gudateen maasha allaah waad ku guulaysateen heshiis ku sheegii sharci daradaa haa axad websiteka kaliya ee arintaa dhexda u xirtay intay qar ka mida websiteyda somaliyeed ku mashqulsanayeen colaad somaliya ka socota hurunteda iyo holo aan loo bahnay guulaysta somalitalk horumar iyo kheeryr baan ale idiinka baryin