Home » Warar »

Walad Cabdalla: Warqad ku socota xubnaha Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku nool (No. 23)

 Xafiiska Qarammadda Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS)

Nayroobi, 11 Maarso 2010

Al Salaamu Caleykum,

Iga gudooma salaam diiran idil ahaantiin,

1. Wararka ka imaanaya wadankiina mar walba waa mid qasan, hasa ahaatee sidaan waligayba ahaa waxaan jeclahay in aan ka fiiriyo dhinaca wanaaga-wanaagaas oo aan laba sheegin ama wax yar uun laga sheego-Waxaan isku dayeynaa sidaan mar walba arrinta Soomaaliya ugu riixi laheyn dhinaca wanaaga. Dadka kale ayaan u daynayaa in ay sheegaan waraka guracan-ama aan wanaaga laheyn. Waana hubaa kuwaasi in aysan ka tagi doonin sheegista warka xun.

2. Dowladdu waxay si joogto ah u wadaaa dadaal muhiim ah oo ay xiriir kula sameyneyso kooxaha iyo shakhsiyaadka daneeya nabadda, xasiloonida iyo sidii sharafkii Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa. Waxaan anigu mar walba oran jiray in arrinta Soomaaliya lagu xalin karo oo keliya dhinaca siyaasadda. Waxaana tusaalaha ugu dambeeyey noo ah: dadaalka loo galay in heshiis lala gaaro Ahlu Sunna wal Jamaaca wuxuu muhiim u yahay heshiiskan dhowr sababood dartood. Ahlu Sunna waa koox wadaniyiin ah aadna loogu xurmeeyo arigtidooda dhiimeed darteed. Isla markaasan waxay si dhab uga turjumayaan diinta saxa ah iyo dhaqankii Soomaalida ee dhabta ahaa. Waxaaan rajeyneynaa in heshiiskani uu noqdo talaabadii koowaad, isla markaasan uu noqon doona talaabo ay ku soo daydaan kooxaha kale si ay ugu soo biiraan ulana shaqeeyaan dowladda. Wax wanaagsan in la sameeyo waa arrin mar walba loo baahan yahay, haba lala soo daahee samaynta wanaaga aan sheegayno. Intaas waxaa dheer, Heshiiska Ahlu Sunna wuxuu waafaqsan yahay Heshiiskii Jabuuti iyo bayaankii wada jirka ahaa oo dowladda iyo Ahlu Sunna gaareen, gacanna uu ka geystay xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya bishii la soo dhaafay ee Juun.

3. Dhanka kale, howl muhiim ah ayaa ka socota qoritaanka dastuurka. Kulan aqoon iswaydaarsi ah ayaa hadda uga socda Jabuuti xubnaha Guddiga Maddax Banaan ee u xilsaaran qoritaanka Dastuurka cusub. Si ay u dhameeyaan qoraalkooda kowaad ama ‘Draaftiga’ koowaad bisha Juun ee sannadkan, Guddigi wuxuu ku heshiiyay in ay xaqiijiyaan in qoraalkkodu uu ahaado mid adag, oo qeexan , oona kooban. Waqtigaan hadda la joogo looma baahna in laga arrimmaha aad u tafaftiran ee dastuurka sida sharciga haga ganacsiga iyo arrimmaha qooyska. Dastuurkaani wuxuu ka kaalmeynayaa wadankiina qabsoonida doorashooyinka laga filaayo in ay ka dhacaan dalkiina sannadka soo socota. Gudigii caalamiga ah ee u xilsaaran arrimmaha dastuurka waxay u muuqdaan in ay ka go’an tahay in ay isbedel ku sameeyaan habkii qoritaanka dastuurka ee mudado dheer qaatay.

4. Dhab ahaantii, waxaan ka xumaaday khilaafaadka macno darada ah ee kajira Mogadishu, gaar ahaan xubnaha baarlamaanka dhexdooda. Waxaan ku amaanaaya sida geesinimada leh ee ay ugu shaqeynayaan Caasimaada, waxaanna la socda in aysan helin gunnaddii sidii ay aheyd in ay u helaan. Weli aragtideydu waa in ay u dhaqmaan sida dad hogaamiyaal qaran ah intii ay uga hawl gelilahaayeen in midba midkale boqna gooyo, sidoo kalena ay boqna gooyaan hogaanka dalkooda. Arrimahaas waxaa kaliya oo ay wax ku biirinayaan ama kaalmeynayaan kuwa doonaaya inay idin afgambiyaan, kuna haayaan dalkiina xalaad jaahwareer ah iyo isqaderin laa’anta ka dhalan karta. Waxaan ugu baaqayaa xildhibaanada in ay xooguudu saaraan nabadeynta dalka muujiyaana dulqaad. Dhamaanteena waxaan daneyneynaa xildhibaanada, waxaana sii wadeynaa sidii xal waara loogu heli lahaay dhibaatada heysata.

5. Dhinaca nabadgelyada, waxaa u socda tabar booliiska iyo ciidamada Soomaaliyeed, qaar badan oo saaxibadiina ahna waxay ka shaqeynayaan sii loo xaqiijin in loo helo mushaaro joogta ah ciidamadaasi. Waxay ku guda jiraan shaqo adag, waxayna markasta la kulmaan weraro xaq daro ah. Ciidamadaan iyo madaxdoodoba waxay mudan yihiin in ay helaan taageerida iyo dulqaadkaanaga. Taliyaha cusub ee ciidamada wuxuu mudan yahay in uu helo taageeradiina iyo dhamaan taageerida saaxibadda dhab ah ee Soomaaliya.

6. Waxaa aad ii soo jiitay horumarka laga gaaray dhinaca war baahinta. Wariyaal cusub ayaa iyaguna bilaabay in la dhagaysto fikradooda iyo codkoodaba. Dad badan ayaa iyaguna bilaabay in ay dhagaystaan Radio Muqdisho iyo idaacadoa kale, inkasta oo caga jugleen xoog leh ay ka imaanayso dhinica xag- jirayaasha. Waxaan fahansanahay in kuwiinaan jooga dibadda ay maqli karayaan Radio Muqdishu ayaga oo addegsanayaa setelaydayada iyo internedka. Dagalka dhinaca warbaahinta waa mid aad u muhiim ah sidaas darteed waa in aan ku dhiirri gelinaa xukumadda iyo dadweynaha Soomalliyeed in ay baahiyaan fikradahooda ilaa iyo inta suurta gal ah. Dadkani waa in ayna ku hab-qanin warka been abbuurka ah ee meelaha kale laga sii deynaayo. Waxaan ku guubabinayaa bulshada caalamka in ay soo dhex galaan arrintaan kalmana ka geystaan arrimaha warbaahinta maadama kaalmo yar oo lacageed oo ay bixiyaan ay yeelanayso wax tar weyn. Waxaa la doo nayaa in la maqlo taalooyinka iyo fikrado wax dhismo leh.

7. Madaxweyne Shariif ayaa isbuucaan joogo London si uu ula kulmo Raisul Wasaare Gordon Brown iyo Waasirro kale iyo qurba joogta Somaliyeed. Arrintaani aniga waxaan u arkaa in ay tahay calaamad muhiim ah oo muujinaysa sida joogtada ah ee Dowladda Ingariiska oogu lug yeelanayso arrimaha Somaaliya, iyo sidii ay meel oogu yeelan lahaayeen ku wiinaan ku nool dalka Ingariiska. Waxaa mar walba wax tar leh in uu madaxweyne uu saxiib la ahaado waddan ka mid ah xubnaha joogtada ah ee Golaha Amaanka. Dhab ahaantii, madaama aad dowlad haysataan, fikrad kasto oo aad ka qabtaan xibnaha dowladda iyo wax qabadkeedaba, hadana qabitaanka aad qabtaan dowladdaas ayaa u suura gelinayso bulshada caalamka in ay idiinla dhaqanta dad la siman shucuubta kale ee ka jirta dunida. Intaas waxaa dheer, dowladdu waxay waddanka u diyaar garaynaysaa in uu ka gudbo xaaladdii ceebta lahayd oo la oran jiray Soomaaliya waa “waddan guuldaraystay or (failed state).

8. Waxaan rajeynaynaa, arrimaha Somaaliya dartood, in aan u qabbano shir dib loogu dhisaayo laguna hoorumarinayo arrimaha Somaaliya ka hor bartamaha sanadkaan. Arrintaasi waa fursad labaad oo addunyadu ugu soo jeesanayso Soomaaliya oo markanna wadanka loo arkaynin (sidii waddan guul daraystay) balse loo arkayo Soomaaliaya waddan arrintiisu ay ‘jilicsan tahay’ oo keliya taasina uu la waddago wadanka waddama badan ee soo koraayo una baahan in dib loo dhiso. Faahfaahin dheeraad ah ayaan idinka siin doonaa goortu uu qabsoomo shirkaan.

9. Sida qaalibka ah, Dal haddii uu ka dhaco dagaal ahli ah, waxaa soo fara geliya wadankaasi waddamado iyo ururada aan Dowliga ahayn waana arrin aan lag baaqsan karin. Sidaas darteed waa in aan u arragnaa faragelinta arrin caadi ah. Hase ahaata ee, waxaa muqata dagaalka sokeeye ee u dheeraaday waddankiina dartiis, in faragelinta ajnabiga uu gaaray heer aan caadi ahayn. Intaas waxaa ka sii daran in faragelintu ay tahay mid macno darro iyo fowdo ku fadhida oo aan weliba ku qotomin wax istiraatijiya ah. Dadka qaar waxay faragelin u sameynayaan oo keliya si ay muujiyaan in waxa ay amiinsan yihiin oo kelia ay yihiin arrin muhiim ah. Kuwa qaarkoodna fara-gelintu waxay u tahay dabeecad manna garwaaqsan karaan waxa ka dhalan kara ficilkooda. Qaar kalena waxa ay faragelin u sameynayaan in ay qariyaan howlo sharci darro ah oo ay ku gudojiraan. Dhab ahaantii idinka oo Soomaali ah ayey idiinku xiran tahay in aad gacan ka geysataan sidii lagu dhameeyn lahaa xaladda hadda jirta idinkoo midaynaya dhamaan ficiladdiina. Haddii aad tahiin dadka qurbo joogta ah waxaad ka ciyaari karaan door hoggamin iyo waddaniyadba leh arrintan wax ka qabadkeeda. Wxaa loo baahan yahay in aad la timaadaan dulqaad, isu- tanaasul iyo ficil waddaniyad ku dheehan tahay.

Illahay wuxuu ku leeyahay Suraddiisa 8 V 53, Ilaahay ma badallo nicmad uu ku galadaystay ummad illa ay ummaddaasi xalladeeda bedesho.

10. Isbuucii la soo dhafaay Kanada iyo Ingariiska ayaa iyaguna ku biiray waddamada kale ee uu ka mid yahay Mareykanka waddamadaas oo ku daray Al Shabaab liiska argagixisada. Inkasta oo tallabadani ay jawaab celin u tahay ujeedooyin Heer qaran ah oo ay leeyihiin Kanada iyo Ingariiska, hadana go’aankani wuxuu caqabad ku abuuri karaa noloosha dadkiina sida nabbadda ah ugu nool waddamadaasi. Waxaa dhici karta in mar walba si aan loo baahnayn la idiin baraayo.

Walaalkiina,

Ahmedou Ould-Abdallah

English Version: Read Here

La xiriir:

___________________________________
Laila Ido-Elmahdy
Public Information Office
UN Political Office for Somalia (UNPOS)
Nairobi (Kenya)
+ 254 73 400 0576 (Mobile)
+ 254 20 762 6857 (Office)
laila.ido-elmahdy@unon.org

………………………………………………..

Addis Ababa: Sheikh Shariif oo Sannad Guuradiisii Koowaad la Qaatay Zenawi….

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.