Home » Faallo, Warar »

Muqdisho: Hoobiye iyo Horumar

Daawo Sawiradda

Muqdisho 20 sano ayaa waxaa ka socday dagaalo aan hakad laheyn kuwaas oo galaaftay naf iyo hanti badan ilaa iyo hadana ma jirto saansaan looga bixi karo dhibaatadaasi gaamurtay, waxayna dagaaladaasi ay keeneen in ay dalka yimaadaan ciidamo shisheeye oo kala duwan marka laga soo bilaabo 1992-dii iyo waqtigaan, hase yeeshee dadka Soomaaliyeed cabaqad kuma aysan noqon dagaaladaasi iyo dhibaatadaasi, waxayna juhdi u galeen sidii ay noloshooda u maareyn lahaayeen dalka u gaarsiin lahaayeen horumar, waxaa dalka laga furay isgaarsiin casri ah, warshado iyo ganacsi is daba joog oo aan u dhutin qalaalasha wadanka ka jira.

Daawo Sawiradda

Dadka qaar ayaa la yaaba marka ay arkaan qof hantidiisa gelinaaya dal sidaan u burburay, waxayna ku tilmaameen ganacsi biimo ah oo la mid ah qamaar, hase yeeshee ganacsatadaasi arrintaasi dhex jalaq uma siin, waxayna maskax iyo dadaal dheeraad ah geliyeen sidii dalka u gaarsiin lahaayeen horumar uu kaga kabsado dhibaatada ka taagan, waxayna ganacsatadaasi ay yiraahdeen “Haddii dalka waxoogaa nabad ah laga heli lahaa horumar intaan ka balaaran ayaan dalka u horseedi laheyn”, si kasta oo ay ahaataba iyadoo madfaca Soomaaliya uu ka dhaco ayay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ku guuleysteen in ay taagan guryo dhaadheer oo bilic u soo jiiday Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, markii la helay rag geesiyaal ah oo aan ka baqaynin waxa ka dul dhacaya, waxaa soo baxay in kale oo qarsooneyd oo iyana ku dayatay isla markaana dhankooda ka wada horumarka dhanka dhismaha iyo waliba qaybo kale, waxaa Magaalada Muqdisho ka xusi karnaa sanadihii ugu dambeeyey ee ay dagaalada lixaad ka socdeen in Suuqa Bakaaraha lagu guuleystay in la dhiso guryo aan qaabkooda ama naqshadooda oo kale horey Soomaaliya looga arag.

Tartankii waa uu labalixaadsaday, haddey mareysay in meel ganacsi la dhiso ama Guri lagu hoydo, hadda waxaa meel xasaasi ah maraya Hotel aan noociisa horey Soomaaliya looga arag, waxa uuna dhismihiisu ka socdaa Deegaanka Dayniile oo ah meesha ugu saameynta balaaran dhanka Dagaalada, waxaana dhismahaasi loogu magacdaray (Tropical Village), sida aad magaca ka garan karto waa Tuulo yar oo Hotel ah oo aad ka heleyso wax walba oo aad u baahato, waxaana haatan ku socda balaarin, haddii aan wax yar idinkaga faaloono. “Markaan dhex istaagay waxaan u qaatay in aan dhex taaganahey Hotel ku yaala dalka dibaddiisa, markay is soo jiiteen qaybaha kala duwan ee uu Hotelkaasi ka kooban yahay, meesha laga dhisay waa meel laga fekeray oo waa Taag sare oo dabeyl macaan leh, dhismayaashiisu waxay isugu jiraan kuwo dhaadheer iyo kuwo gaagaaban, waxa uu leeyahay Baraago lagu dabaasho, qaybo nasashada loogu talagalay, intii aad ku jirto haddii aad caajis dareento gaaroonka waa kuu diyaar sida K/cagta, Kolleyga, Laliska iyo Miiska, sidoo kale waxaa iga yaabiyey oo uu hoteelkaani qaar u leeyahay marka loo fiiriyo kuwa hadda Muqdisho ku yaala in uu hoteelkaani leeyahay Xerooyin ay ku jiraan Ugaarta noocyadeeda kala duwan, waxaa sii dheer xerooyin ay ku jiraan Xayawaanka la dhaqdo sida Geela, Lo’da, Ari iyo Fardo qurux badan oo la soo xulay, meel lagu xanaaneeyo Digaaga, qaybo waxbarasho loogu talagalay, haddii aan gudaha u soo laabto indhaha qofka wixii quruxoon ayaa u wanaagsan, hoteelkaan dhirar kala duwan ayaa lagu beeray, Cagaar, Gaduud, Jaale, Buluug iyo Midabyo kale oo qurux badan oo qaar ka mid ah laga keenay dibadda halka qaar kalana dalka laga helay, intaa waxaa ka muhiimsan oo uu hoteelkaan leeyahay Masjid aad u weyn oo la qurxiyey, waxaana dhismihiisa la bilaabay hoteelkaan mudo aad u fog welina waa uu socdaa isagoo heer gebagebo ah ku dhow, waxaa hoteelkaan dhismihiisa hirgeliyey nin ganacsade ah oo degan dalka Canada oo lagu magacaabo Max ‘ed Cali Jiisow”.

Max’ed Cali Jiisow waxaa lagu tilmaami karaa Geesi jecel in uu dalkiisa horumar gaarsiiyo, waana shaqsi ku dayasho mudan, waxaa la arkaa Soomaali badan oo lacag fara badan geliyey dibadaha isla markaana dhismooyin ka sameeyey, hadadba Soomaalidaas miyeysan la gudbooneen in ay ku tusaale qaataan Max’ed Cali Jiisow oo hoteelkaan casriga ah ka dhisay Muqdisho, qof walba taariikhda xusi doonta, Soomaalida hantida haysata waxaa wanaagsan in ay dhar ugeliyeen dhulkooda qaawan uu marshada u baahan isla markaana ay taageere weyn ka gaystaan horumarinta Waxbarashada, Ganacsiga, Caafimaadka iyo waliba Amniga.

Waabaa nin boqor ah xukunkiisii la dhaafiyey laga maroojiyey Boqortooyaddii, waa uu cararay, waxa uuna dhex galay god weyn oo ku yaala keyn dhexdeed, isaga oo meeshii ku jira oo fekeraya si aad ahna u niyad jabsan ayuu arkay Quraanyo yar oo tafeysa darbi dheer, marka ay Quraanyadu ku dhawaato qarka darbiga ayay ka soo dhacdaa sidaas ayay mudo dhowr jeer ah ku jirtay ilaa iyo markii dambe ku guuleysatay in ay fuusho darbigii oo ayka gudubto, ninkii ayaa ku waano qaatay dhibka ay martay quraanyo markaas ayuu yiri “Doqonsaniyaa Quraanyaduba dhibkaan ayay martay maxaa niga mar qura oo aan jabiyey I niyad jabiyey”, waxa uuna goostay in uu dib u laabto oo ay dib duulaan ugu qaado boqortooyadii laga faramaroojiyey waxaana u suuragashay in uu ku guuleysto oo uu mar kale dib u noqdo boqor, sheekadaan xikmadda leh qofkii caqli u saaxiib ah waxa uu kala bixi karaa xigmad iyo caqli aad u balaaran, haddii aan jilciyo sow uma eka xaaladda Soomaaliya hadda quraanyo darbi koreysa oo dib u dhaceysa sidaas oo kale Max’ed Cali Jiisow mudo fog ka hor ayuu bilaabay dhismaha hoteelkaan dhowr jeerna dagaal ayaa ka dhacay goobta hoteelka laga dhisayey haddana uma dhutin waa taa hadda dhameystir uu ku kow dhaw yahay lagana gudbay howsha intii ugu badneyn sidaas oo kale ummadda Soomaaliyeed waxba yeysan ka baqanin xaalada cakiran ee Soomaaliya balse horumarka wadanka waxa uu u baahan yahay geesinimo, haddii horumar la gaaro waxaa laga yaabaa in ay yaraato dhibaatadu, haddaba ballanteena waa Shaqo.

WD: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Muqdisho: Hoobiye iyo Horumar "

  1. ASCWW,

    Salaan ka dib, waakaa hadaad garateen reer SomaliTalk masiirka saxa ah ee Warbaahinta Soomaalida looga baabahan yahay, halkaa ka sii wada Umadda u soo gudbiya waxyaabaha wanaagsan, sida maqaalkan oo kale oo runtii ah mid qalbiga Muwaadinka Soomaaliyeed soo jiidanaya, hala daayo ka hadalka arrimaha qalafsan ee Websaadyada Soomaaliyeed ay had iyo jeer u soo gudbiyaan shacbigan masaakiinta ah ee dagaalada Ahliga naafeeyeen, waxaan idinku dhiiri gelinayaa in aad halkaa ka sii wadaan wanaagga umadda loo soo gudbinayo.

    Wabillaahi Towfiiq

    Abukar Abanur

  2. ramadaan says:

    waa arin muhim ah in dalka la maalgeliyo waana u mahad celiyan dadka xaaladaan qatar ah u quuray in geliyaan hanti aad u balaaran way mahadsanyihiin waana wadaniyiin intii k