Home » Warar »

Horyaalkii Kubada Cagta Soomaaliya oo furmay

SomaliTalk.com, Muqdisho: Iyadoo cayaarta kubada cagta oo ah tan loogu jecelyahay dalka Soomaaliya ay wajahyso dhibaatooyinkii ugu darnaa ee abid soo mara taariikhda inta la ogyahay ayaa hadana xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu maalintii jimcaha ahayd Bishana ahayd 5/3/2010 dib u bilaabay horyaalkii kubada cagta dalka Soomaaliya kadib muddo sadex sanadood ah oo aan la qaban sababo amaan xumo awgood.

Munaasabada furitaanka horyaalka 38-aad ayaa waxaa ay ka dhacday dugsiga sare ee ciidanka booliska Soomaaliyeed halkaas oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin ka kala socotay xiriirka kubada cagta iyo dowlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya iyo dad weyne aad u farabadan oo u soo baxay in ay cayaarta daawadaan.

Guddoomiyha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Maxmuud Nuur Mugaabe oo ugu horeyn hadal ka jeediyay munaasabadii furitaanka horyaalka ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in maanta oo dhibaatooyin adagi ay dalka ka jiraan hadana xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu qabtop horyaalka.

Wuxuu guddoomiyuhu amaan balaaran u jeediyay madaxweynaha kubada cagta adduunka ee FIFA Joseph S. Blatter oo uu sheegay in uu wax kasta ku bixiyay sidii kubada cagta Soomaaliya ay u horumari lahayd.

“Amaan gaar ahaaneed ayaan u dirayaa aabaha kubada cagta aduunka Blatter oo gacan ka geystay in xilligan adag Cayaarta kubada cagta Soomaaliya ay shaqeyso,waxaana cod dheer ku sheegayaa in Blatter la’aantiis aanay waxba noo qabsoomeen”ayuu yiri guddomiye Siciid Mugaabe.

“Taariikhda kubada cagta Soomaaliya waligeed way xusi doontaa Mudane Blatter Taalo ayaana u dhisi doonaa”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed Mudane Siciid Maxmuud Nuur Mugaabe oo cod baahiyaha kusoo dhaweeyay kabtankii ugu horeeyay ee xul Qaranka Soomaaliya uu yeesho Maxamed Qalaf Shangole.

Shangole ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay isagoo ahaa kabtankii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed in uu maanta ka hadlo munaasabadan qiimaha badan, waxaana uu kula dar daarmay dhalinyarada kooxaha kala duwan in ay ku dadaalaan magaca dalkooda sare in ay u qaadaan, isagoo halkaasna bilado ku guddoonsiiyay Hey’ado ay ka mid tahay shirkadda isgaarsiinta Nation Link Telecom kaalinta ay ku leedahay horumarinta iyo gacan siinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

Intaa kaddib waxaa lagu soo dhaweeyay Agaasimaha guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo isboortiga Soomaaliyeed Mudane Saacid Maxamed Xasan oo sheegay in wasaaradiisu ay aad isugula weyn tahay wax-qabadka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo uu sheegay in uu yahay kan howsha ugu badan ee isboorti ka qabta dalka Soomaaliya lana oran karo waa dhidibaha isboortiga Soomaaliyeed.

Saacid oo horay u ahaan jiray Macalin qaran oo kubada koleyga ah ayaa ku dhawaaqay in cayaartu ay furan tahay waxaana kubadii ugu horeyay Tuurey kabtankii ugu horeeyay xulka qaranka Soomaaliyeed sanadkii 1955 Maxamed Qalaf Shangole.

Cayaartii ugu horeysay ayaa dhex martay kooxaha Bad baado iyo Dahabshiil oo 90-kii daqiiqadood isla dhaafi waayay bar bar dhac 0-0

Boqolal ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa la geeyay gudaha iyo daafaha garoonka si ay amaanka u adkeeyaan,waxaana howsha amaanka u xil saarnaa saraakiisha kala ah Col Cali Cabdi Maxamed Shiine iyo Col Cali Gaab.

Kooxda Muusikada ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan ayaa soo bandhigtay bandhig faneed aad u wanaagsan waxaana ka hor intii aanay cayaartu bilaaban ay fanaaniinta Heegan maadaalinayeen dadweynaha iyagoona halkaas ka qaaday astaanta calanka Soomaaliyeed oo cayaarta lagu furay.

Halkan ka daawo sawirada GUJI

Cayaaraha tartanka horyaalka Soomaaliya ayaa si isku mid ah uga kala dhici doona garoonka dugsiga sare ee ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo garoon ku yaala kulliyadii hore ee siyaasada Soomaaliya oo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagtu uu dayctiray dabayaaqadii sanadkii hore.

Horyaalka kubada cagta Soomaaliya ayaa hakad ku jiray sadexdii sanadood ee lasoo dhaafay iyadoo sababtuna ay tahay xaaladaha amaan darro ee magaalada Muqdisho iyo garoomadii heer caalami ahaa oo aanan u diyaarsanayn in cayaaro lagu qabto, maadaama garoonka Stadium Muqdisho uu isu badalay xero ciidan oo ay dagan yihiin boqoolaal ka tirsan ururka Alshabaab halka garoonka Stadium Banadir isna dhismihii lagu waday uu joogsaday iyadoo sababtuna ay tahay dagaalada maalinleyaasha ah oo ka dhacaya degmada cabdil Casiis oo garoonku ku yaalo.

Garoonka Banaadir ayaa waxaa dhex yaala bal doosaradii iyo qalabkii lagu dhisayay oo dhan waxaana garoonka dhankiisa koofureed fadhiya ciidamada dowlada ku meel gaarka ah halka dhanka barina ay garoonka ka joogaan dagaalyahanada Ururka Al shabaab.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Horyaalkii Kubada Cagta Soomaaliya oo furmay "

  1. yonis says:

    sory waan qaldamay walaalayaal waxaan u malaynaayay in wareegan qurbaha lagu qabtay balse hada ayaan arkay walaalayaa waxaan ka cudurdaaranayaa qaladka iga dhacay waxaan leeyahay hanbalyo iyo duco ayaan hawad idiin soo marinayaa somaaliya ha noolaato waligeed

  2. yonis says:

    ascww walalayaal anigu waxaan ahay shakhsi kubada cagta xiseeya balse waxaan somaaliya u rajaynayaa walaalayaal horu mar tayo leh waxaan se ka sii jeclaan lahaa wareegan hada dhulka qurbaha lagu qabanaayo oo lagu qabto somaaliya incha allaahu taasina waa ay inoo hirgali doontaa wscww

    waa walaalkiin yo-yo