Home » Warar »

Dowladda Federaalka oo soo dhaweysay hadalka ka soo yeeray Dowladda Mareykanka ee ahaa kala qayb-qaadashada Dagaalka

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay ka qayb-qaadaneyso dagaalo la doonayo in lagu qaado goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka kuwaas oo ka taliya inta badan koonfurta Soomaaliya, waxaana hadalkaan si weyn u soo dhaweeyey Dowladda Federaalka oo sheegtay in uu dhiiragelin u yahay ciidamada Dowladda Federaalka oo iyagu si aad ah uga niyad jabsanaa dagaalada ka socda Muqdisho.

Dowladda Mareykanku waxa ay sheegtay in dagaalada la doonayo in lagu qaado kooxaha mucaaradka ah ay uga qayb-qaadan doonto dhanka Cirka iyo waliba Saadka, hase yeeshee dadka Soomaaliyeed ayaa isweydiinaya waxa ay dagaaladaasi soo kordhin doonaan waayo 1992-dii ciidamo gaaraya 40 Dowladood oo uu horkacayay Mareykanka ayaa soo gaaray Soomaaliya hase yeeshee ciidamadaasi waxay la kulmeen dagaalo aad u xoogan waxayna arrintaasi keentay in Mareykanku u isaga baxo Soomaaliya, sidoo kale ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u xoogan ayaa soo gaaray Soomaaliya iyana waxay la kulmeen dagaalo aad u qaraar waxayna iyana aakhirkii sababtay in ay ciidamadii Itoobiya si dhaqsi leh uga baxaan Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya waxay soo tababareen ilaa iyo 15-kun oo Ciidamo ah kuwaas oo markii ay soo gaareen Soomaaliya kala firxaday qaarkoodna ay isku dhiibeen kooxaha Dowladda ka soo horjeeda, sidoo kale hubkii ay wateen waxa uu gacanta u galay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda, ciidamadaasi waxa ay noqdeen kuwa dhibaato u gaysta bulshada Soomaaliyeed oo isugu jira dil iyo dhac, waxayna taasi keentay in marka la arko askari xiran dareeska ciidamada ay shacabku ka cararaan.

Hadda waxaa wadanka Soomaaliya ku sugan ilaa iyo 5-kun oo ciidamo u ka kala tirsan wadamada Uganda iyo Burundi kuwaas oo aan soo dhaafin gobo mucayin ah oo ku yaala Magaalada Muqdisho ilaa iyo haddana ma jirto wax ay ka qabteen nabadgelyada Muqdisho, waxayna bulshada Soomaaliyeed sheegayaan in dagaal lagu qaado kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ay keeni karto fashil haddii aan la helin ciidan nidaamsan oo aadaabtiisu aad u sareyso.

Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda sida Xarakada Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam ayaa iyana waxay maalmihii ugu dambeeyey Muqdisho keeneen ciidamo uu tababar u soo dhamaaday kuwaas oo iyana ugu talagaleen in ay ka hor tagaan dhinaca Dowladda iyo Ciidamada Shisheeye.

Isku soo wada duuboo xaalada Soomaaliya ayaa haatan u eg mid marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareereysa mana muuqato xiligaan saansaan looga bixi karo dhibaatada Soomaaliya, waxaana taas lagu macneeyey in ay tahay faragelinta Shisheeye ee ka imaaneysa dalalka dibadda kuwaas oo aan dooneyn in Soomaaliya cagaheeda isku taagto

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Arday Ka Qalin jabiyey Cilmiga Saxaafada oo Shahadooyin lagu Godoonsiyey Qardho.
 
Magaalada Qardho- Munaasibad Shahaadooyin lagu gudoonsiinayo dufcadii Labaad ee ka qalin jabisa barashada cilmiga saxaafada, oo mudo 6 bilood wax  ku baranayay Mac’hadka Al-Imra ee Magaalada Qardho , ayaa manta xaflad loogu qabtay xarunta Machadku uu ku leyahay qardho.
Ardaydaa dhamaysatay kooraskaa 6 bilood ah ee cilmiga Saxaafada la Xiriira oo tiradoodu ahayd 20 Arday, waxaa Xaflada Qalin jabintooda ka qayb galay Guddomiya Waxbarasha Gobolka Kan Degmada iyo Duqa Degmada Cismaan Buux Cali., Maamulka iyo Macalimiinta Mac’hadka Al-Imra, xubno ka socday Ururada Bulshada iyo Marti sharaf kale oo lagu casuumay.
Saciid Maxmed Fahiye Guddomiyaha Waxbarashada Degmada oo ugu horayn halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Saxaafadu tahay mid muhiim ah, isla markaana ay dunida ka dhigtay Tuulo qura, qaybna ay ka tahay isgaadhsiinta, horumarkana qayb ka qaadan karto, laakiin ay leedahay qaladaad, isla markaana waxa uu ka sheekeeyay wakhtiyadii kala duwanaa ee ay saxaafadu soo martay gaar ahaan kuwii wakhtiyadii uu gumaysigu joogay Somaliya iyo dadkii abwaaniinta ahaa ee wakhtigaa joogay,
 
 waxaa kale uu Saciid Fahiye uu xusay in p/land ka mid tahay dalalka ugu xoriyatal qawlka wanaagsan ee dunida laakiin ay jiraan buu yiri khaladaad ay samaynayaan joornaalada kasoo baxa,
Guddomiyaha Waxbarashada Bilaal mar uu ka hadlayay wadaniyada iyo arimaha xasaasiga ah ee loo baahan yahay in aanay saxaafadu ka qorin oo uu ku tilmaamay sir ayaa waxaa hadalkiisi ka mid ahaa “Waxa loo baahan yahay in aad wararka iska hubiso, oo wararka aad qaadaysaa in yihiin in ay ka baxsan yihiin waxyaabaha Top Secret ka ah, dagaalkii labaad ee la galay ayaan caalamku wali sirtiisa wali sheegin, dagaalkii Ciraaq ee barigii dhawayd la galay in yar baa laga soo qoraa lama soo saaro sirtiisi, mid manta soconaya hadaad sheegto, dee waaba lays qabsanayaa, waa waxa Maraykanku saxaafada u laynayaa, waxay Ciraaq Meel walba farta gasheen Jaziira iyo wariyayaasheedi waa la laayay Maxaa loo laayay? Waxa loo laayay dagaalkaan guulaysanayn haday sidaa u qodaan, sirta dagaalkay sheegayaan ka kale ee ka soo horjeeda ka faa’iidaysanaya oo guulaysanaya”.
Waxaa kaloo Xaflaadaasi Ka hadlay Maamulaha Al-Imra Sharmaarke British waxaana Hadaladiisi ka mid ahaa
Maamulaha Machadka Sharmaarke British waxa uu tilmaamay in ay jiraan arimo badan oo lama taabtaan ah, oo aanay banaanayn in la qoro kuwaas oo sida uu tilmaamay fashilinaya Dawlada waxaana uu tusaale u soo qaatay sida marka ay ciidamadu guurayaan oo kale iyo marka ay dawladu soo saarto amar qof lagu qabanayo, labaad arimood oo wax u dhimaya hawshii isla markaana keenaya in cidii loo dan lahaa ka faa’iidaysato oo si dhib yar uga diyaar garowdo.
Sidoo kale waxa uu Sharmaarke uu kula dardaarmay Ardaydii qalin jabinaysay in ay ilaaliyaan Akhlaaqda ‘Ethicist’ ay Saxaafadu leedahay, waxaana mar uu arintaa ka hadlayay uu yiri “Waxa qura ee aan idinku dardaarayaa, ama Erayga qura ee aan idinku dardaarayaa wuxuu yahay ee aanu had iyo jeerna u dhigno ardayda ama ha ahaadaan kuwan qalin jabinaya ama kuwa wax ku barta, akhlaaqda saxaafadu leedahay in ay ilaaliyaan, waana waxa uu Mac’hadkani baro ardayda si ay uga duwanaadaan kuwa kale, markaa waxaan barnaa waa laba Eray oo kala ah Wadaniyad national enters iyo in ay ilaaliyaan Akhlaaqda saxaafada” Ayuu yiri.
Sidoo kale waxa uu ka waramay duruufihii kala duwanaa ee ay soo martay saxaafada dalku mudadii kala duwanaa, ee Puntland jirtay. Intaa ka dib waxaa shahaadooyin la gudoonsiiyay Ardaydii dhamaysatay Kooraska 6 Bilood ahayd ee ku saabsanaa Cilmiga Saxaafada ee Mac’hadka Al-Imra oo tiradoodu ahayd 20 Arday oo isugu jiray wilal iyo Gabdho, kuwaas oo intii aan la gudoonsiin shahaadooyinka halkaa ku soo bandhigay bandhig ruwaayadeed ka turjumaya aqoontooda, sidoo kale waxaa halkaa lagu soo bandhigay Ciyaaro hidaha iyo dhaqanka ah.
Guntii iyo Gaba gabadii Ayaa ay Xafladaasi kusoo Gaba –gabowday Jawi aad u degan……
 
Axmed Xasan Gooni
Gooni2009@hotmail.com
Qardho,Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dowladda Federaalka oo soo dhaweysay hadalka ka soo yeeray Dowladda Mareykanka ee ahaa kala qayb-qaadashada Dagaalka "

  1. Xassan Yare says:

    Marka u horeysa waa idin salaamay. Salaan kaddib aniga waxaay iila muuqataa in soo dhaweynta ciidamada cirka ee mareykanku aay dowladda kmg somaaliya aay ka faaideysaneyso si loo jabiyo qolyaha kasoo horjeeda oo aay ka mid yihiin AL-SHABAAB. Amerika midda aady doonayaan waa ayadoo geeska Afrika laga sifeey AL-SHABAAB.

    Haddaba waxaa isweydiin leh markii AL-SHABAAB la sifeeyo
    Dowlad ku sheega gobollada kale oo xorta ah sida PUNTLAN
    ma xoog bay ku qabsandoontaa ayadoo caawimaad ka heleysa Mareykanka .
    Soo dhaweyntani waxaa ka horreeya in baarlamaanku oggolaado, Amerikana aay hadda sheegto waxa aay ka damacsantahay gobollada kale oo aaysan dowladdu xukumin.

    xassan Yare