Home » Warar »

Shiikh Shariif oo ka Hadley arimaha Burcad Badeeda , Kooxaha ka soo horjeeda , Qurba Joogga iyo Go’aankii ka soo yeerey Dowladda Ingiriiska

Madaxweynaha dowladda kmg ah ee Somaliya Md Sheikh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu shir jaraa’id ku Qabtay Xarunta Villa Somalaiya ee magaalada Muqdisho kaas oo oo uu kaga hadlay arimo badan oo dhowr ay ka mid ahaayeen Burcadbaeedda,Soomalaiya iyuo qarbudaadda ay ku hayso Maraakiibta caalamka, Kaalinta Beesha Caalamka kaga aaddan, iyo Kooxaha ka soo hor jeeda dowladdiisa iyo doorka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ku dhaqan kaga aadan Samatabixinata dadkoodda iyo dalkoodda.

Madaxweynaha DFKMG waxaa uu sidoo kale shirkiisa Ja’raaid kaga hadlay arrinta burcad Badeedda Soomaalida ee afduubka markaakiibta iyo dadkaba ugu geysanaya xeebaha Somaliya,taas oo uu sheegay in ay sumcad xumo weyn u soo jiiday dalkooda iyo dadkoodaba,wuxuuna ku boorriyay in ay si shuruud la’aan ah ku sii daayaan Maraakiibta iyo dadka ay afduubka u heystaan.modadda dheer ee ay ku gorgortamayaan si ay u helaan lacag baad ah

Shariifku waxa uu Tilmaamay in falalka Burcad badeednimadu sii laba laabmatay xiligaan iyadoo ay xeebaha Soomaaliya soo buux dhaafiyeen Wax uu ugu yeeray Ciidammo Caalami ah oo loogu tala galay in ay la dagaallamaan Kooxaha burcad badeedda.Soomalida

Madaxweynuha DFKMG waxaa uu beesha caalamka ugu baaqay kana codsaday in ay gacan siiyaan Hay’adaha Dowladda Somaliya si xal loogu helo burcad badeedda

“waxaa uu sidoo kale Yiri shariifku Xalku kuma imaanaayo oo kaliya in maraakiib dagaal loo soo diro xeebaha Somaliya ee wuxuu ku imaanayaa in la xoojiyo mu’sasaadka saldhigga u ah dowladda” ayuu yiri madaxweyne Shariif sheikh Axmed oo dhinaca kale Sheegay in lacagaha la siinaayo Kooxha burcad badeeddu ay khatar ku yihiin Amniga dalka iyo dadka soomaaliyeed.

“ Lacagaha faraha badan ee la siinaayo waxay khatar ku yihiin ammaanka dadka soomaaliyeed iyo dowladdaba, waxayna sii kordhinayaan oo sii dhiirri galinayaan, dhallin yaro badani in ay u jeheystaan kuna biiraan Kooxaha burcad badeeda sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in la helo qorshe kale oo ballaaran oo leh wacyi galin , baraarujin iyo nolol abuurid”lagu jaheeyo dhalinyaradaasi ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha dawladda federaalka soomalaiya md Sheikh Shariif.axmed

Madaxweynaha dawladda Federaalka saomaliya md Sheikh Shariif , ayaa sidoo kale ugu baaqay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee nool Dalka dibadiisa sidii ay kaalintooda ka qaataan lahaayeen badbaadinta Dadkoodda tabaaleysan,ee haatan baraakaca ku ah banaanyadda magaaladda mugdisho.

“ dadka soomaaliyeed ee qurbaha ku nool xil weyn ayaa ka saaran dib u dhiska iyo isku xirka dadkooda, waana in ay ogaadaan in duruufihii adkaa ee ay dalkooda uga carareen ay eheladoodii iyo dadkoodii wali ku nool yihiin” ayuu yiri madaxweynaha dawladda federaalka soomalaiya md Shariif. Sheikh axmed

“ waan hubaa in dad badan oo soomaliyeed ay niyad weeyn u hayaan in ay gacan ka geystaan, laakiin ay is weydiinayaan halkii ay u mari lahaayeen.. waxaa jira wasaarado dhowr ah oo dowladda ugu talo gashay Arrimahaasi sida wasaaradda gargaarka, Wasaaradda Jaaliyadaha, marka qof walba waxaan diyaar u nahay in lacagtiisa halka uu jecel yahay in uu galiyo aan u galinno”

“waxaa hubnaa in 10 dollar oo ay bishii bixiyaan ay dad badan badbaadineyso iyaguna ay awoodaan,sidaas darteed waxaan leennahay gacanta u fidiya dadka soomaaliyeed ee dhibaateysan , gaajeysan ee macluushu dileyso “ ayuu yiri madaxweyne Sheikh Shariif.

Madaxweynuhu mar uu la hadlayay kooxaha dowladda ka hor jeeda, wuxuu ugu baaqay Kooxaha Shabaab iyo Xisbul Islaam, wuxuuna sheegay in ay diinta islaamku tahay diin nabadeed oo shacabka soomaaliyeed aan ku soo gaarin qori caaraddeed sidaas darteedna loo baahan yahay in si xikmadeysan loogu sheego dadka.

Waxa uu ugu baaqay kooxaha dowladda diiddan in ay shacabka ka daayaan dhibaateynta,dilka, cabsi gelinta iyo boobka hantidooda.

“Diintu waa Cunsur wax kulmiya ee ma ahan mid wax kala geysa, waxaanna aamin sanahay in shacabka soomaaliyeed diyaar u yihiin in lagu dhaqmo shareecada islaamka” laakiin in fursaddaas la garan waayo oo dhiig la daadiyo , oo dhibaato la geysto waxaan aamin sanahay in ay tahay arrin ilaahey looga fogaanayo, taariikhduna ay xusi doonto” ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Madaxweyne Sheikh Shariif.

Su’aalaha Saxaafadda

Madaxweynuha DFKMG waxa uu ka jawaabay su’aalo dhowr ah oo wariyayaashu waydiiyeen.

Su’aal ahayd sida uu u arko tallaabada dowladda ingiriiska oo Alshabaab ku dartay kooxaha argagixisada? Waxa uu kaga jawaabay in ay ahayd tallaabo lala soo daahay.

Su’aal kale oo ku saabsaneyd lamaanayaasha u dhashay Britain ee lagu heysto Somalia, waxa uu ku gaabsaday” waxaan ku celinayaa in kooxaha heystaahi sii daayaan”.

Su’aal kale oo la xiriirtay shirkii dowladda iyo Ahlu sunna ee Adis Ababa, waxa uu madaxweynuha DFKMG sheegay in dowladdu tahay dowlad dib u heshiisiineed ayna dhankeeda ku dadaali doonto hir galinta waxyaabihii lagu heshiiyay

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.