Home » Warar »

Kullankii Madaxwayne Sh. Shariif iyo Hillary Clinton maxaa ka soo baxay

Kullankii Madaxwayne Sh. Shariif iyo Hillary Clinton maxaa ka soo baxay?

* Madaxwayne Shariif “Ibraahim Su’aasha aad I waydiisay waa raqiis”.

Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka Hillary Clinton ayaa maanta Kullan ku yeeshay Magaaladda Nairobi, labadan Mas’uul ayaa ka wada hadlay xaalada dalka Soomaaliya iyo sidii xiriirka labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya sidii loo xoojin lahaa.

Kulanka oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa waxay labada dhinac isku weydaarsadeen fikrado kala duwan, waxaana Madaxweyne Shariif u gudbiyay warbixin ku saabsan Xaalada dalka iyo baahida ay Dowladda u qabto sidii ay taageero ballaaran u heli laheyd.

Shir Jaraa’id oo ay si wada jir u qabteen Kulanka kadib ayaa waxaa ku horeysay Hillary Clinton Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka, waxaana ay cadeysay inay taageerayaan Dowladda uu hogaamiyo Sheekh Shariif.

Hillary Clinton ayaa cadeeysay in Maamulka cusub ee dalka Mareekanka ee uu Hogaamiyo madaxwayne Barack Obama ay taageero hiil iyo hool ah la garab taagantahay dowladda Somalia.

“Aniga iyo Madaxwayne Obama waan sii balaarin doonaa taageerida Dowladda Somalia”. Ayay tiri Hillary Clinton iyadoo intaasi ku dartay “Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada dowladood ee ugubka ah, ujeedadeena waxay tahay inaan gacan ka geysano duruufo keena xasilooni, dalalka deriska ay joojiyaan fara gelinta ay ku hayaan Soomaaliya”.

Hillary Clinton ayaa inta badan hadalkeeda u badisay in ay kaga hadasho ururka Al-shabaab oo ay ku tilmaamtay in ay doonayaan in ay Somalia ay noqoto meel ay gabaad ka dhigtaan waxa ay ku tilmaamtay Argagixisada Caalamiga ah. Clinton ayaa Al-shabaab ku tilmaamtay in ay yihiin koox Argagixiso oo Firkado shisheeye fulinaya.

Faragalin aan la aqbali Karin…

Hillary Clinton ayaa dalka Eritrea ku eedeeysay in ay faragalin aan loo dulqaadin Karin ku hayso dalka Somalia. Cilinton ayaa dowladda Eritrea ku tilmaamtay in ay hubeeynayso Kooxaha Islaamiyiinta ee Somalia iyadoo ugu hanjabtay Eritrea haddii aysan joojin Faragalinta ay ku heyso Somalia in talaabo cad laga qaadi doono.

Intaasi kadib Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay Dowladda Eritrea inay joojiso dhibaateynta ay ku heyso Soomaaliya hadii ay wax qabtana ay miiska hadalka timaado.

“Dowladda Eritrea wali waxay heesataa fursad ay khaladaadkii ay gashay ay isaga sixi karto” ayuu yiri Madaxwayne Shariif Sheikh Axmed.

Kulanka labada dhinac oo ahaa mid inta badan diirada lagu saarayay Soomaaliya iyo sidii dowladda Soomaaliya ay dalka oga xoreen lahayd kooxaha kasoo horjeeda.

Hillary Clinton ayaa sidoo kale ka dhawaajisay inay laba jibaarayaan taageerada ay siiyaan AMISOM, iyadoona cadeysay in 150-milyan oo doolar ay ku bixiyaan AMISOM sidii ay u caawimi lahaayeen Dowladda Soomaaliya.

Kulankan ayaa ah kii u horeeyay ee noociisa Madaxweyne Soomaaliyed uu la qaato Mas’uul sare oo ka tirsan Dowladda Mareykanka tan iyo markii ay dhacday Dowladdii hore

Anigoo ka mid ahaa wariyaashii Kullanka lagu casumay ayaan Madaxwayne Shariif oo markii uu Shirka Jaraa’id Dhamaaday gacan qaaday Hillary Clinton aan wax ka waydiiyay sida dadka Somaliyeed ay u arki karaan in uu gacan qaado Haweeney aan Islaam aheyn isagoo Madaxwayne Shariif iigu jawaab “Ibraahim Su’aashaadu waa raqiis” iyadoo wax hadal ah uusan intaas ku darin.

Ugu dambeyntiina, Kulankaas oo ahaa mid horay loo sii shaaciyay waxaa dhinaca Dowladda Soomaaliya ku weyliyay Madaxweyne Shiikh Shariif Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed C/llaahi Oomaar, Wasiirka Maaliyadda ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeen Shariif Xasan Shiikh Aadan, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Cali Axmed Jaamac Jengeli, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Ameeriko iyo Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi iyo xubno kale, halka Dowladda Mareykankana ay Hillary Clinton ku wehlinayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xildhibaanno, Safiirro iyo Diblumaasiyiin kale.

Ibraahim Da’ud Abdalle

Nairobi-Kenya

sayfudiin@hotmail.co.uk
ibraahim@journalist.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , , , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Kullankii Madaxwayne Sh. Shariif iyo Hillary Clinton maxaa ka soo baxay "

  1. safiya says:

    asc.aniga waxaan ku waye walahey dagalada shekha cilamey jihad galada waa cadowaga illaha waa cadowaga umada somaliyed soo jirenka kuwasoo ku shegay itobiya aweey cadowogi galada ku shegay u waye walahey illahey jihadkoda haka aqbalo iyaga iyo kuwi la socdeyba shekh sharif ilamaha aad agomeysey walidkoda jihadka gelisey maxaad u qabatey aan ka eheyn wadanaka argigixiso ayaa jogta markaad dagalameysey adigu maxaad ahayed lagu bursanaye tan iyo raaskanboni……..?

  2. cabdala salaad kugeey says:

    waxaan salamaya dhamaan umada soomaaliyeed inta aqliga u saaxiibka ah am inta qabyaalada ka nadiifka ah inta xasadnimo ka fog inta og manta masiibada wadankeena haysataahi inta aay la egtahay itas kadib waxa aalada internetka dureera is garab yacaayo wararka ay qorayaan wax magaratadu xumaan u joog ah dadnimo aan laheeyn haweyneydaasi waa gaal been mahan shiikh shariifna waa muslim salaanta islaamka iyo galada ayey ka dhaxeysa ninka leh naag ayuu salamay madaxweynaha haduu diidi lahaa maxa afaaido ku jiray su aal ayaan idin waydiinayaa .ninka dilay nin salaad qudba jimcaa kasoo baxay .ninka xoolaha masaakinta xoog ku haysto ninka dadka martida u ah qaranka afduubtay ayagu xumaan malahan miyaa maase la dhaleeceeyo waxan u arka somalida inteeda badan in garaadkii fahamkii hogo tusaaleeynti wanaagii iyo karamadii ay ka dhumeen by cabdala salaad kugeey dar es salaam tanzania

  3. Togane says:

    Sheekh Shariif Owliyo Allawaaye Banaanka halaga maro, xalka Soomaliya nin kadoonid og majiro… ee xarfaanta warrersan waranka joojiya

  4. war ninkaan aadleedihiin nagta waxa uu kasalamay gacanta waxaasi waxwayn mahin, war ninkaani waa gacanku dhiigle, marka nin dad dilay maxay latahay nag gacan laga salammo. waa lasocotan waxii uu dad uu ku lay sisii markii uu ladigalay nuur dagle.midakale tastuurkii uu shalay lahay dadka ku dhaqma waa gaalo rac ayuu qaatay asigoo ana wax kabadalin.a ismail