Home » Warar »

Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliya oo soo saaray warsaxaafadeed Xasaasi ah oo ku saabsan arrimaha soomaaliya

Xisbiga Midnimadda Jamhuuriya Soomaaliyeed ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku aadan xaaladda Soomaaliya, waxa uuna war saxafadeedkaasi qodobadiisa ka mid ahaa.

1. In Xaaluf ba’an lagu hayo Bariga iyo Badda Soomaaliya ayna gaysanayaan Dowlado shisheeye oo la yiri waxay badda soomaaliyeed u yimaadeen in ay ka ilaaliyaan burcad badeeda Soomaalida. Hase yeeshee iyaga ayaa maanta noqday burcad badeed, sida iyagoo jilaabanaya wixii kheyraad ah ee ku jira badda, halka dadkii iska lahaa ee donayey in ay ka kalluumeystaan badda loo diiday inay galaan badda, dad badan oo Kalluumeysato ah oo ay dhaheen waa burcad badeed ayay ku xirxireen wadamo kale oo ka baxsan gudaha Soomaaliya, waxay diyaaro ku ugaarsanayaan ugaartii gabaabsiga ahayd ee ay lahaayeen dadka Soomaaliyeed, sidaas owgeed waxaan ugu baaqeynaa beesha caalamka in ay soo farageliyaan arrimaha Soomaaliya ee ku wajahan ilaalinta Xeebaha Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed waxa uu xisbigu ugu baaqayaa in ay isku difaacaan sida ay isku difaaci karaan lagana hortago caddowgaas.-

2. Xisbiga Midnimadda Jamhuuriga Soomaaliyeed waxa uu u arkaa caqabadda keliya ee hor taagan Soomaaliya in ay tahay ciidamada Shisheeye ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, sidaasi owgeed waxaan ka codsaneynaa Midowga Afrika iyo wadamada soo diray ciidamadaasi in ay kala baxaan gudaha Soomaaliya si Soomaalidu u heshiiso arrimaheedana uga tashato, sidoo kale waxaan uga digeynaa wadamada kale ee doonaya in ay ciidamo u soo diraan Soomaaliya in arrintaasi ka joogaan, waayo kuwii hore ayaan wax faa’iido ah soo kordhin oo aan ka aheyn in ay dhibaato u gaystaan shacabka Soomaaliyeed.-

3. Xisbiga Midnimadda Jamhuuriga Soomaaliya waxa uu juhdi weyn geliyey sidii lagu sii deyn lahaa Lamaanaha u dhashay dalka Ingiriiska, waxaan la yeelanay Odoyaasha iyo Waxgaradka ka soo jeeda deegaanada lagu haysto dadkaasi, waxaana sameynay banaanbaxyo looga soo horjeedo in deegaankaasi lagu haysto dadkaasi, nasiib daro waxaad modaa in lamaanahaasi la geliyey siyaasad iyo arrimo ganacsi, waxaana jira guluf ay ugu jiraan dad sheeganaya in ay ka socdaan maamulada Somaliland, Puntland, Ximan iyo Xeeb, Galmudug iyo TFG, iyadoo mid waliba uu is leeyahay aad magic uga heshid Dowladda Ingiriiska, waxayna taasi gef ku tahay guud ahaan magaca Soomaaliyeed iyo mustaqbalka deegaankaasi. Ugu dambeyntii waxaan ka codsaneynaa cid kasta oo gacan ka gaysaneysa siideynta lamaanahaasi in aysan ku xadaaqin wax la yiraahdo madax furasho iyo lacag la siiyo burcaddaasi, jaaliyadaha dibadda waxaan ka codsaneynaa haddii ay Soomaalinimo ku jirto in ay caawiyaan dadka ku barakacay daafaha Magaalada Muqdisho ama ay gacan ka gaystaan sidii loo sii deyn lahaa dad fara badan oo Soomali ah oo ku xirxiran wadamo kale oo u baahan in gacan laga gaysto sidii qareeno loogu qaban lahaa dadkaasi, waxaana ugu baaqeynaa raga burcad badeeda ah in ay sii daayaan lamaanahaasi iyadoo aan la siin wax madaxfurasho ah.-

4. Xisbiga Midnimadda Jamhuuriga waxa nasiib daro weyn u arkaa hadalada muujinaya khilaafka ee baryahan ka soo baxay Xisbul Islaam iyo Xarakatul Shabaabu Mujaahidiin, waxaana leenahay waa arrin u daran dhegaha shacabka oo aan laga fileyn, waxaana ka codsaneynaa madaxa ma’suuliyiinta kala hogaamis labadaasi dhinac in ay midoobaan waxaas iyo wax la mid ah dhegaha shacabkana aysan soo gaarsiin-

Kusimaha Guddoomiyaha Xisbiga Midnimadda Jamhuuriyga

Ahna Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga

Cali Max’ed Nuux (Tima-Jilac)

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.