Home » Faallo »

Walaalo is Nacay way Xabaalo badiyaan wayna Xoolo yareeyaan.

Maqaalkaan halkaan aan ku soo bandhigi doonohalku dhigiisu , dhab ahaantii waa run haddii ay walaalo isnacaan in ay xabaalo badinayaan ayna xoolo yareynayaan. Aan dib u qooraansano taariikhda markii uu Islaamku ku faafay adduunka uuna xoogeystay ayaa waxa uu gaaray wadamo ku yaala Qaaradda Yurub gaar ahaan Andulus ayna ku jireen Wadamada Spain, Portugal iyo deegaano ka tirsan dalka France. Waxaana halkaasi ka dhashay dowlado islaam ah oo aad u xoog badan, gacantana ku hayey dhulkii la isku oran jiray Andulus, hase yeeshee quwaddaas aadka u xoogga badneyn ee la rabay in ay horey u socoto waxay biloway in uu dib u dhac ku yimaado kadib markii la isku diray Maamuladii Islaamiga ahaa isla markaana Maamul kasta uu u arkay midka kale in uu  cadow ku yahay, waxaana arrintaasi ka faa’iideysay cadowgii Islaamka, Dowladaha Islaamka markaa waxaa xakumayey dad aqoontooda sareysay  hase yeeshee waxaa galay adduunyo jaceyl iyo Saldano jaceyl, waxaana la yaab lahayd in Dowladihii islaamka ee dhulkaasi ka talinayey qaarkood ahaayeen dad si aad ah isugu dhawaa waxayna maamulada qaarkoodna  madax u ahaa dad walaalo ahaa oo Hooyo iyo Aabbe qura wada dhaleen, waxaana mid walba loo tusiyey kan kale cadowgiisa, midkii laga xoog roonaado ee xukunka laga tuuro waxa uu u carari jiray dhinaca Gaaladda, waxayna Gaaladdu ku oran jireen haddii aad rabto in walaalkaa aan kaaga hiilino waa in aad na siisaa qayb ka mid ah dhulkaaga, isna isaga oo aan labalabeyn ayuu bixin jiray dhulkaas isaga oo fiirinaya dantiisa khaaska ah sidaas ayaana dowladihii islaamka ee halkaasi ka jiray ula wareegeen dad kirishtaan ah, waxaana si tartiib tartiib ah halkaasi ugu burburay Dowladnimaddii Islaamka, waxaana ka dhadhasan kartaa in murtidaan la dhihi karo waxay ku qotontaa habkii loogu guuleystay Dowladihiii Islaamka.  

Boqor ayaa waxa uu ka talin jiray dhul aad u balaaran, waxa uuna lahaa Boqorkaasi nin cunte kariye ah oo Boqorka u sameeya cad aad u macaan, cadkaas ayaana duhur kasta loo keeni jiray Boqorka, Boqorku markii uu mudo loo keenayey cadkaa macaan ayaa maalintii dambe waxa uu martiqaad ka helay Boqor kale, waxa uu ka fekeray waxa uu ka yeeli doono cadkaan macaan ee duhurkii loo keeni jiray, waxayna u yeeray ninkii cunte kariyaha ahaa waxa uu ku yiri “Safar baa i soo galay, waxaana maqnaan doonaa mudo bil ah, waxaana kuu sheegayaa in aan xukunka ku sii wareejin doono walaalkey, laakiin waxaan kugula dardaarmayaa in Cadkii macaanaa ee aad ii keeni jirtay in aadan siin walaalkey inta aan maqanahay, waxaadna cadkaas siisaa Duhur kasta Eyga ii jooga”, ninkii cunte kariyaha amarkaas ayuu qaatay, waxa uuna bilaabay in Cadkii uu duhur kasta uu u geeyo Eyga, mudo kadibna Boqorkii ayaa soo laabtay waxaa meeshii looga bilaabay cadkii macaanaa hase yeeshee waxaa dhacday in Eygii uu hor istaagay in cadka loo geeyo Boqorka, waxa uuna ku yiri “Sinaba iima dhaafayo cadkaan” inta uu gadaal u laabtay Cunte Kariyihii ayuu boqorkii u tagay waxa uuna ku yiri “Boqorow Cadkaagii Eygii ayaa ku dhegan oo diiday in laguu keeno”, markaas ayuu ku yiri “Laabo oo cadka ii keen” dib ayuu u laabtay haddana Eygii ayaa weli wadadii taagan oo afka kala haya  doonaya cadka in uu cuno, mar kale ayuu boqorkii ku laabtay waxa uuna yiri “Nafteyda ayaan u cabsanayaa oo Eygii waa uu careysan yahay marka maxaa sameeyaa” Boqorkii gudaha guriga uyuu galay waxa uuna gacanta ku soo qabsaday Bistoolad waxa uuna u dhiibay Cunta Kariyihii waxa uuna ku yiri “Markaan haddii uu ku hor istaago shan ku dhifo” sidii ayuu yeelay oo Shan xababadood ayuu ku dhiftay Eygii halkaas ayuuna ku Bakhtiyey Eygii,  waxa uuna Cadkii u keenay Boqorkii. Boqorkii ayaa markii uu cadkiisii cunay ku yiri cunta kariyihii “Haddii Walaalkey aan waagii ku dhihi lahaa cadkaan sii, maanta sidaan ayuu ugu dhegi lahaa, waxayna arrintu noqon lahayd ‘walaalo is nacay way Xabaalo badiyaan’, marka hadda walaalkey iyo aniga sidaan ayaan ku kala badbaadnay. Bahasha Saldanadda la yiraahdana haddii lagu dheganaado waxay aakhirka ku biyo shubeyneysaa murtida aan kor ku sheegay, Boqorkuna wuxuu ahaa nin aqli badan balse dowladhii Islaamka ahaa raggii u talinayey  sidaa uma fekerin  

Haddii aan u soo laabano Soomaaliya oo aan si hoose ugu fiirsano waxay si weyn ugu eg tahay qaabka ay ku burburtay Dowladdii islaamiga ahayd ee mar ilaa iyo Yurub tagtay balse markii dambe jalaafo loo dhigay madaxa laysu geliyey walaalihii isugu dhawaa. Soomaaliya waxa uu burburkeeda ku bilowday markii Niyadda laga kala qaybiyey, markii dambana ay soo baxday in si muuqata ay u kala qaybsamaan taas oo ah midda ay rabeen dhagarqabayaasha oo iyagu mudo badan ku soo dadaalayey in ay walaalaha Soomaaliyeed Xabaalo badiyaan oo midba midka kale hajuumo.  

Soomaaliya waxay xabaalo badisay markii dhibaatadu gaartay in Marasta iyo Maatida la dooxay isla markaana Naf dhaafinta qof Muslim ah ay noqotay kabo biyo ah, waxaa daliil u ah oraahdii waa dhexe la wada hayey ee oraneysay “Soomaaliya Yaanyo Qaali, Naf  Raqiis”. Dowladdii Andulus ee aan soo sheegnay waxay caan ku ahayd in ninkii laga adkaado uu u cararayey dhanka Gaaladda, haddaba maxay uga duwan tahay Soomaaliya waa taas labadii wax isku qabataba mid waliba ku dadaalayo sidii uu dhanka gaalada uga xigsan lahaa kan kale.   
 

Walaalo is dilay meel ma wada degaan, sidaas oo kale Soomaaliya waxay noqotay qaybo qaybo, waxayna qayb kasta la baxday magac gooni ah iyadoo suratay calan gaar ah oo ay u aragtay in uu danteeda ka tarjumayo, waxaana ka dhex aloosmay cadowtooyo haddii hoos loo baaro aan loo helynin wax qiil ah. Sheekh Mustaf Haaruun ayaa sheegay in dhibaatada Soomaaliya ay ku qotonto labo arrimood, Faragelin Shisheeye iyo Jaahilnimo, haddii labadaas laga daawoobo waxaa in badan hoosta laga wada xariiqay in arrinta Soomaaliya xal loo heli karo. Isku soo wada duuboo xalka Soomaaliya wuxuu ku jiraa in si daacad ah loo qaato Diinta Islaamka, calooshana laysu fayoobeeyo, wixii khilaaf diimeed ah ee jirana midka toosan Allow nagu hagaaji.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.