Home » Warar »

Dowlada Spain oo hormuud ka noqoneysa howlgalada ciidamda DFKMG tababar logu siinayo dalka Ugaandha

saraakiil sar sare oo ka socdo Wasaarada Gashandhiga Spain ayaa sheegay in ay hormuud ka noqonayaan howlgalka ciidamada DKMG Somalia loogu tababa rayo wadanka Uganda.

Wasaarada Gashandhiga Spain ayaa sheegtay in ay hormuud ka noqoneyso howlgalka ciidamada DKMG Somalia loogu tababa rayo wadanka Uganda.

Wasiirka gaashaandhiga ee wadanka Spain Carme Chacon oo warfidiyeenada kula hadashay magaalada Palma de Mallorca ee wadanka Spain halkaasoo kulan labo maalmood soconayay ay ku yeesheen wasiirada gaashaanidhiga ee Midowga Yurub ayaa waxay shaaca ka qaaday in dowlada Spain ay horyaal ka noqon doonto howlgalka ciidamada DKG Somalia loogu taba barayo wadanka Uganda.

Midowga Yurub wasiiradada gaashaandhiga ee midowga Yurub ay ka doodeen qorshayaal/agendayaal ay ka mid yihiin hab sami u socodka howlgalka Atlanta ee la dagaalanka burcad badeeda Somalia,isagoona carabka ku adkeeyay in dowladda Spain ay hormuud ka noqon doonto howlgalkaasi ciidamo ay leedahay DKMG Somalia loogu tababaryo wadanka Uganda kaasoo bilaaban doono bisha May.

Wasiirada Gaashaandhigga waxay hoosta ka xariiqday in dowlada Spain ay aad ugu qanacsatahay mara loo eego habsami u socodka howlagalka caalamiga ee loogu magic daray Atanta operation ee lagu dagaalamayo burcad badeeda Somalida ee ragadisay bad weynta hindiya iyo gacan biyoodka cadmeed, isagoona ugu baaqay dowlasaha midoga Yurub in sii xoojiyaan howlgaladooda ku aadan ilaalinta biyaha Somalia si loo xajkameyoo howlaalada burcad badeeda Somalida.

Si kastaba ha haatee, qorshahani midowga Yurub uu ku doonayo in uu tabab bar ugu bilaabo ciidamo ka tirsan DKMG Somalia kuwasoo tiradooda lagu qiyaasay ilaa iyo 2kun ayaa lagu sheegay in ulajeedkiisu uu yahay amaan ku soo dabaalida wadanka Somalia.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.