Home » Warar »

Xaflad Loogu Magac Daray Somaali Achievement Award oo lagu qabtay magaalada London

 ADT: African Develpmnet Trust ayaa Loo Aqoonsaday Hay’ada ugu shaqada wanagaasaneed sanadkii 2009 ee lasoo dhaafay. Waxaa loo qiray African Development Trust (ADT) inay tahay Hay’ada kaliya ee muujisay wax qabad heer sare ah, xaga humanitarin caawinaad ah, gar gaaarka deg dega ah, caafimaadka iyo waxtar kale aan lasoo koobi Karin.

Madaxda Hay’ada ADT la gudoonsiineya AWARD

Sawirada Xafladda Halkan ka daawo

Abdirashiid Baaxeer oo kamid ah madaxada DAHABSHIIL oo ayaa ka mid ahaa dadkii qirey wax qabadka ADT.

Xafladaa waxay ahayd xaflad si heer sare ah losoo agaasimay. Badi waxaa isugu yimi dadka Somaaliyeed ee ku nool magaaladda London, waxaa kale oo ka soo qaybgalay Mayaaro, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Waddanka Ingririiska. Xafladan waxaa isku soo dubariday mid kamid ah ururada ugu caansan waddanka Britain, magaciisuna yahay (HAYA) qiimayn badan iyo guddi kala gedisan oo loo saaray cidii guulaysatay qiimayn badan kadib.

Xafladu waxay ku bilaabantay jawi degen dadkoo dhammaantod qurux laga dareemaayay wajigooda iyo farxad tiro badan.Ugu horrayn waxaa shirka furay agaasimaha Ururka HAYA Abdirashiid Aadan oo ku soo dhaweeyay dhammaan dadkii xaflada ka soo qaybgalay. Abdirashiid wuxuu sheegay in manta halkan lagu amaal marin doono cidii qiimaynta kadib la doortay, isla markaana Xafladu noqon doonto mid waxyaabo xiso badan lagu soo bandhigo.

Xafladu waxay ahayd qaybta hore oo barnaamij suganeed loogu talo galay, qaybta labaad oo shahadooyinka la gudoon sinaayay cidii ku guulaysatay, , Hay’ada ADT. Oo ah mid caawisa dadka. Iyo dadban oo caan ka ah waddanka Britain.

Sawirada Xafladda Halkan ka daawo

Dadban ayaa halkaas ka hadlay, oo isugu jiray aqoonyahano, dad caan ku ah Ciyaaraha, iyo waliba madax ka tirsan waddanka Ingiriiska. Hay’ada African Development Trust (ADT) ayey utahay guul weyn oo u soo hoyatay kadib markii loo aqoonsaday mida ugu horeysa Hay’ada Gargaarka ee ka shaqeeya somalia oo dhan, waxay ku timi qimayn lagu sameeyay dhammaan Dadka iyo Hay’ada wax u qabta somalida.

Ma aha markii ugu horeyasay oo African Developmnet Trust loo aqoonsaday amaba lasiiyay shahaado oo ah Kaalinta 1-aad waxayna ku mutaysateyn dadaal aad u weyn oo ay u geleen howlwadeenta hay’ada sidii ay u xaqiijin lahaayen sidii ay dadka iyo duunyada dhibeysan ay kacag usiin lahaayeen meel walbo oo ay ka joogaan Somalia intii awoodooda ah.

Sawirada Xafladda Halkan ka daawo

Abdelrahman Al-sheikh
 Managing Director
African Development Trust (ADT)
E-mail: info@africandt.org
www.africandt.org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Xaflad Loogu Magac Daray Somaali Achievement Award oo lagu qabtay magaalada London "

  1. Assalmoa ALiakom, Jimco Wanaagsan dhammantiin.
    Aad ayan ugu hambalynaayaa Walalaah ADT iyo umadda Soomaaliyed gaar ahaan dadka gar-gaar-ka samafal u baahan.

    Haddi an wax yar fkradyada ka dhiibto maqaalka ama faalada, waxaad moodda in qaab akhbaared loo soo qoray hayeeshee aanan laga hadlid dhinac yada kale ee akhbaarta(Munaasabada, qolooyinka kale ee wax la guddoonsiiyay, maamulka, misdaaqiyada abaalmarinta IW).

    si kato oo ay ahaato waa wax lagu farxo.

    Mahadsanidiin.

  2. Suad Ossoble says:

    Asalaamu Alaikum
    Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay ama uga dheregsanahay in aan helno dad wax qabat leh oo aan ku faani karno caruurta Somaliyeed ee qurbada jooga ay u noqoto tusaale wanaagsan.