Home » Warar »

Saleemaan Colaad Rooble oo Geeriyooday

Riyaad, Sacuudiga: Wasiirkii isportiga iyo dhalinyarada DFKMG, Saleemaan Colaad Rooble ayaa ku geeriyooday isbitaalku yaal Sacuudiga,  isaga oo ka mid ahaa dadkii waxyeelada ka soo gaartay qaraxii Hotel Shaamow ee ay ku dhinteen 3 wasiir , dhaqaatiir, arday qalin jabineysay,  waalidiin , saxafiyiin iyo marti sharaf kale oo lagu casumay kuwaas oo ka qeyb qaadanayey xaflad qalin jabin ah oo loogu sameeyey hotel shaamow Magaalada Muqdisho .

Wasiirka ayaa mudooyinkan waxaa lagu baxnaaninayey ispital ku yaal Magaalada Riyaad ee dalka boqortooyada  sacuudiga ka dib markii uu dhawac culus ka soo gaarey qaraxii  shaamow ee  weerarkii ismiidaaminta ahaa ee bishii diisambar 3dii ka dhacay Muqdisho.

Geerida wasiirkaan ayaa ka dhigay tirada wasiirada u geeriyooday qaraxaas 4 wasiir, waxaana la xaqiijiyey gerida saleymaan colood rooble wasiirkii isportiga iyo dhalinyara ee dowlad faradaalka KMG somaliya .

Wasiirkii amniga qaranka oo isna qarax lala beegsay dhamaan wasiirada ayaa noqonaya wasiirka 5aad.

Wasiiru dowlaha xafiiska raiisal wasaaraha Khaalid cumar Cali oo ayaa sheegay in wasiirka lagu daaweynayey halkaa ayna ku booqdeen raiisalwasaraha dowlada FKMG cabdirashiid Cumar sharmaarke iyo wafdi heer dowladeed ah oo uu hogaaminayey waxaa kale oo booqday intii uu marxuumku ku jiray ispitalka, waxaana xilligaas wasiirka shaqada iyo shaqaalaha maxamed Xayir Mareeye  sheegay in wasiirku xaaladiisa ay ka soo reyneysay islamarkaana ay is gacan qaadeen .

Wasiiru dowlaha xafiiska raiisal wasaaraha Khaalid cumar Cali waxaa kale oo uu shegay in ay warkaan gerida wasiirka ay u soo gudbiyeen qunsuliyada iyo safaarada dalka sacuudiga ee soamliya iyo qaar ka mid ah ehelada wasiirka oo helay aqbaarta gerida wasiirka .

Warka ayaa intaaku darayo in xirir uu la sameeyey raiisal wasaare Cumar cabdi rashiid Cali Shar maarke loogu cadeeyey in wasiirkii isportiga iyo dhalinyara uu ku geeriyooday ispitalkii u ku jiray.

Wasiirka ayaa markii uu ku dhaawacmay Muqdisho ka dib waxaa la geeyey magaalada Nairobi ispitalkaAgaKhan markii danbana waxaa dowlada sacuudigu ay siisay dhawacyadii oo dhan visooyin iyo daawo iyo qaliin lacag la.aan ah iyada oo in badan oo dhawacyadii ka mid ah ay halkaa ku soo bogsadeen.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Saleemaan Colaad Rooble oo Geeriyooday "

  1. URURKA BAD-BAADO says:

    ururka dhalinyarada soomaaliyeed ee bad-baado waxa uu halkan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehaladii,awlaadii,qaraabadii,asxaabtii,bahweynta sportiga soomaaliyeed, geerida Mudane Saleebaan Colaad Rooble.
    Naxariista Janno Iilaah Haka waraabiyo, innagana Samir iyo iimaan alla hanaga siiyo, AAMIIN AAMIIN.

  2. Waxan halkan tacsi uga diraya ummada somaliyeed, geerida naxdinta leh ee ku timid Wasiirkeeni Isbortiga Iyo Ciyaaraha Saleebaan Coolad Rooble, waxan allaah uga baryeyna inu naxariisti Jano ka Waraabiyo Amiin Amiin Amin