Home » Maqaallo »

Islaamka …oo u dhaxeeya khaladaadka dhallintiisa iyo Tashwiishka Cadawgiisa (2)

Waxaa noo soo socotay Muxaadaraddii Shiikh Umal ee uu ku radinaayey Al-shabaab
iyo xulufoonyinka dagaalka wada ee Islaamka khaladka ka faafinaaya ee aan sumcadda Islaamka bininaaya.
Wali waxaan ku jirnaa Daliiladdii uu shiikhu ku cadeynaayey sida uu Nabi Maxamed NNKH uu ugu dulqaadan jiray Munaafiqiintii ku dhex nooleyd dhibaatooyinkii ay u geysan jireen.

( F) Wuxuu kaloo Shiikhu soo daliilsaday dhacdadii Dagaalkii Uxud uu C/llaahi binu umayah uu Nabiga Ciidankiisii kala jabshay oo Seddex meelood meel la noqday ciidan lagu qiyaasay 300 oo nin .
Dhacdadaas oo uu Sameeyey markii laga diiday in uu Magaalada dhexdeeda lagu Dagaalamo, Markaas ayuu yiri Annaga Arrinka waxba kuma llihin, ee na cesha .

Sidaas ayuu kula soo noqday 300 oo qof oo reerkiisii Khazrajiyiin ahaa, Markaas ayaa waxaa ka soo daba cararay Saxaabigii C/llaahi bin xaraam, Jaabir aabihiis oo ku yiri :

( Waar hooy Nabiga dhabarkiisa ha ka bixina, Waar hooy Ciidambuu u baahan) se wey diideen oo waxay yiraahdeen Haddii aan dagaal aqoon laheyn waa idinla dagaalami laheyn.

Markaas waa tii Quraanku ugu jawaabay: ( kuwaasi kufrinimo ayey maalintaas iimaanka uga dhow yihiin ) macnaa waa gaalnimo.

Dagaalkaas waa la jabshay Nabiga iyo Saxaabaddiisa, 70 saxaabi ayaa lagu dilay uu ku jiro Xamza Nabiga Adeerkiis R.C . Kadib Saxaabaddu waxay isku Khilaafeen waxay ka sameyn lahaayeen Munaafiqiintii jabisay ee ka soo noqotay ???? Se Allaah baa Quraan ku soo dajiyey oo yiri : ( Maxaad Munaafiqiinta iskugu khilaafeysaan ,Ilaahbaaba ceshaye…).

2) Midda labaad ee uu Shiikhu ka hadlay waxaa waaye in Tashwiishka cadawga aan loo nuglaanin ee la iska cesho, wuxuuna u soo qaatay labo Aayadood oo kala ah:

Midda kowaad ee ah Aayadda Suuratul Baqrah ee Allaah ku leeyahay :

( Waxay ku warsan Dagaalka Bisha xurmeysan [ Rajab iyo wixii la mid ah] Waxaa dhahdaa Dagaalka dhexdiisa waa weyn yahay,ka celinta jidka Eebe iyo ka gaalowgiisa iyo masaajidka xurmeysan iyo ka bixinta celintiisa yaase kaga weyn Allaah agtiisa,Gaaleynta dadka yaana ka weyn Dilka , kama tagaan gaaladu in ay idinla dagaalamanayaan intay idinka celinayaan Diintiina hadday karaan,Ruuxii ka Ridooba Diintiisa oo dhinta asagoo gaal ah ,kuwaasi waa kuwa uu buray camalkoodu adduun iyo Aakhiroba kuwaasina waa naarta ehelkeeda, weyna ku waari naarta dhexdeeda ).2:217.{1}.

Shiikhu aayadan wuxuu u soo daliilsaday Ciidankii Saxaabigii C/llaahi bin jaxshi ee uu Nabigu u Diray xogta cadwga soo ogaadaan ama waxa la yiraahdo Sariyada taas oo dhacday Maalintii ugu danbeysay Bisha Rajab, oo si kadis ah ayey Saxaabadaasi kula kulmeen Baayac mushtar ay Qureyshi laheyd markaas ay dagaal ku qaadeen oo ay labo ninna dileen midna ka baxsaday oo reer Makkah u Qeyla Dhaanshay .
Taas ayaa Reer Makkah ay Nabiga Dacaayad ka fidiyeen in uu Dagaal qaaday Bilihii Xurmada lahaa, Taas oo Allaah ugu Jawaabay Dagaalka Bilaha xurmada lihi waa Danbi weyn, Se waxaa ka daran oo ka weyn in dadka Diinta loo diido iyo in la gaaleysiiyo iyo in Masjid Xaraamka dadka laga cesho !!! Taas ooy Sameyn jireen Qureyshi.

Shiikhu Wuxuu yiri Tan waxaa laga qaadanayaa in aad Khaladkaaga qirato haddana wixii kaaga maqan Gacanta Gaalada aad u cadeyso oo xumahooda aad tusto.

Wuxuu kaloo Shiikhu Soo qaatay Aayadda Labaad ee Suuratul AL-shucaraa ee uu ku leeyahay Fircoon asagoo la hadlaaya Nabi Muuse NNKH :

Siduu Quraanku soo arooriyey :

( Miyaanan kugu Barbaarinin dhexdanada adigoo yar oodan ku nagaadin dhexdayada cimrigaaga Sanooyin, ood Fashay wixii aad fashay adigoo diidan Samafalkayaga) .
Markaas ayaa Nabi Muuse ugu Jawaabay :

( Haa waan falay arrinkaas aad igu eedeyneyso anigoon waxba kaseynin, Waana idinka cararay markaan idinka cabsaday markaasu Eebe i siiyey Nabinimo , igana yeelay kuwa la diray Rasuul ).

(Taas ma nicmo aad igu maneysataybaa Haddaad Adoonsatay Reer Banii israaiil).

Labadaas Aayadood ayuu Shiikhu u soo daliilsaday in marka hore Cadawga Islaamka aan laga baqan in horta khaladkeena aan qirano ,markaas kadibna loo tilmaamo in khaladkoodu ka weyn yahay midka Muslimiinta ka imanaya sida Aayadda hore ay ku tilmaamayso in aan xadgudub lagu Sameynin Bilaha Xurmada leh se taas ay ka weyn tahay waxay Mushrikiintu Sameynayaa oo ah in ay dadka ka celinayaa Diinta iyo Masaajidka Xaramka .

Sidoo kale Aayadda labaad Wuxuu Nabi Muuse Qirtay in uu gaf galay markii uu yaraa se uusan Fircoon u daliilsan karin khaladkaas iyo soo korintiisii in uu ku addoonsado Reer Banii Israa’iil oo dhan, kadib markuu Muuse kaliyah badbaadshay.

3) Midda Seddexaad uu Shiikhu ka hadlay waxay aheyd in aan Caddeyno khaladaadka ay galayaan Dhallinteenu islamarkaasna aan Bari ka noqono waxa ay Sameynayaan si aan u dhawro sumcadda Dacwada.Taas oo uu u soo Daliilsaday Dhacdadii Khaalid bin Waliid markii uu laayey Reer Judayma markii uu weeraray ay yiraahdeen waa iilanay ooy ka wadeen waan Islaamnay se uu Khaalid la fahmi waayey Ereygaas oo uu laayey , Taas ayuu Nabigu markii loo sheegay uu yiri ( Ilaahoow Bari ayaan ka ahay ficilka Khaalid sameeyey ) sida Riwaayadaha qaarkood sheegayaanna wuxuu Nabiga bixiyey Magtii Dadkii Dagaalkaas ku dhintay.

Gabagabadii Wuxuu Shiikhu ka Hadlay Xaaladda Maanta Soomaaliya ka jirta iyoFalalka Dhallinta Al-shabaab(1) ay maanta ka dhex wadaan Dagaallada ka holcaaya Soomaaliya.

Wuxuu marka hore ka hadlay in maanta Dadku ay leeyihiin ( Waddaad aaaaa) oo ah in Sumcaddiisii sii xumaaneyso kadib markii uu qaatay Qori xalaaleystayna Dhiigii Muslimiinta oo la rabay in ay ayagu noqdaan kuwa dhawra oo dadka uga diga xurmadda Dhiigga Ruuxa Muslimka ah.

Dhallinta wuxuu ku tilmaamay in ay xaaladoodu tahay sida uu Xadiiskii Nabiga Sheegaayo
( Haddii Arrinka loo tiiriyo Ruux aan ehel u aheyn waxad sugtaaba waa Saacaddii) ama sidaas oo kale ayuu yiri.

Wuxuu Shiikhu yiri waxaan u sheegay Shiikh Shariif Dhawiil in Ragga ugu cadcad Qaadiyaasha Alshabaab uu yahay Ardaygiisii Hebel ahaa ,markaas ayuu Shiikh Shariif dhawiil yiri ( inaalilaahi wa inaa ileyhi Raajucuun) !!!!! Taas oo macnaheedu yahay in uu Shiikhu Ardeydiisa kala yaqaano oo haddiiba uu meeshaas ninkaasi ugu sareeyo in arrinku yahay Saacddii iska dhawra .

Wuxuu kaloo sheegay haddii uu Ruux gaf ka galo dacwadda waa in aan lagu difaacin khaladkiisaa waa in khaladkiisa la cadeeyo lagana bari noqdo siduu nabiguba ficilkii Khaalid u inkiray, se ma haboona in la difaaco oo arrinku noqdo gardaro garab og.

Wuxuu sheeku ku soo gabagabeeyey in Dacwaddii 40 tanka sano la soo dhisaayey aan si macno daro ah aan Sumacdda looga dilin oon dadka Soomaaliyeedna lagu dirin.

Maqaalkaan oon ugu tala galay Baaraarujin dadka aan helin Cajalladahaas si ay u raadsadaan ayaan leeyahay wixii aan gafay waa aniga iyo nafyeyda Allaah thuma Shiikhiina Umalna bari ayey ka yihiin, wixii aan saxayna Allaah hanaga ajar siiyo .

fii amaanilaah.
Shiikh Saahid mohamed yusuf
USA,VA
sahid_yusuf@yahoo.com
MUTHASIS FIL XARAKAAT AL ISLAAMIYAH
(1) Shiikhu Al-shabaab ma magac dhabin se mowduucaa ku socda.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Islaamka …oo u dhaxeeya khaladaadka dhallintiisa iyo Tashwiishka Cadawgiisa (2) "

  1. cirsankayeer says:

    Ciddii war ka haysta waxa ka dhacaya halkaan (Muqdisho), waxay qiri lahayd kelmad kasta oo uu sheekhu muxaadaraas kusoo qaatay. Sheekhu waa qofka kaliya ee aan la yaabay sida uu waaqica u fahamsan yahay, waa ninka kaliya ee fikirkiisa usoo bandhiga si cilmi ku dhisan.

    Ciddii u baahan inay si fiican wax u fahamto ha dhegeysato muxaadarada asalkeeda, iyadoo aan la dhaliilin qoraaga wax tarjumay.

    Qasab maaha in la carrabaabo koox ama shakhsi, laakiin shekhu dadka uu u jeedo ma qarsoona, qofkii ay taasi ka qarsoontahayna, maaha inuu isku wareeriyo jawaab iyo wax akhrin!

  2. Asc Wr Wb intaas ka bacdi qoraaga siduu wax u qorey hadaysan ahayn Dafle adiguna ma qori kartaa sida uu sheeku shegay amaba u ka hadley iyo ujeedka qudbada in layska doodana ma fiicana
    Wa Billaahi Towfiiq

  3. scwxwb:
    Anigoo ah qoraha Maqaalkan ayaan waxaan diyaar u ahay in aan ka jawaabo cajalladihii shanta ahaa oo uu Shiikh Umal duubay ee ku saabsanaa akhadhaa’u abnaai’hi.
    oon Maqaalkan ka soo diyaariyey haddii aan khalad ka sheegay sida uu dafle leeyahay, in aan gar baxoayaan diyaar u ahay.
    Shiikhu Muxaadarada Al-shabaab kuma carab dhabin sidaan maqaalkaygaba ku sheegay se macnaha iyo nuxurka Muxaadarada ayaa sidaas ku socda waana kooxda kaliyah ee Sumcadda diinta maanta ku dheelaysa, waana tan uu Shiikhu ka hadlaayo ee uu u adkaysan waayey.
    Haddaan su,aal kooban weydiiyo wallaalkay Dafle: yuu shiikhu ula jeeday su,aashii uu weydiiyey Shariif dhawiil ma cid aaan Al-shabaab aheyn baa xuduud xukunta bal dafloow taasna ka jawaab.Dooduna waa inoo furan tahay keeneebaa khaldan aniga iyo Dafle ???Akhristayaasha ayaan u daayey.

  4. dafle says:

    yab badanaa war yaarahee ben intaan la eg uu nin somali ah qoro weligeen ma ragteen ninka la baxay sahid koleey fakarkiisa ayuu ku sahiday lakin sheekha been buu ka sheegay sheekhuna sidaa uma usan dhigin warka wuuwna ka hadlay haben saladi cishaha kadib ee fakarka qofka iyo sida sheekhu u dhigay isma waafaqsana sahid wuxu doona yuwsan sheeginee ha u fiirsado sheekhana ha weydiisto cafis ileyn waa been abuur baahsan