Home » Warar »

Siminaar looga hadlay Jihaadka oo lagu qabtay Muqdisho

Siminaar ay soo qaban qaabisay Hey’adda CCD oo ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda FKMG oo Muqdisho ka furmay
 
Siminaar ballaaran oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda Center For Cummunity Dialogue (CCD), isla markaana ay ka qeyb galeen Wasiiro ka tirsan Dowladda KMG, Xildhibaano, Saraakiil, Culumaa’udiin, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha Bulshada ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotelka Naasahablood 2.

Halkan ka daawo sawirada siminaarka
 
Siminaarkan oo looga hadlayay soo saarida Nabada iyo fahamka Jihaadka ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Kaluumeysiga C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi, Wasiirada Horumarinta Reer Miyigiga Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir C/risaaq Maxamed Nuur (Eng Nuune), Afhayeenka Booliska C/llaahi Xasan Bariise, Xildhibaano Ku simaha Golaha Sare ee Ahlu Sunah Waljamaacah ahna Afhayeenka Shiikh C/qaadir Soomow Gudoomiyaha Hey’adda CCD Ciise Axmed Cumar.
 
Ugu horeyn siminaarkan oo ah wajigiisa saddexaad ayaa waxaa furay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Eng. C/risaaq Nuune oo sheegay in siminaaradan ay wax tar u yihiin sare u qaadida bulshada iyo fahamka guud ee ku aadan dhinaca wacyiga, isagoo u mahadceliyay Hey’adda CCD oo uu ku amaanay doorarka muhiimka ah ee ay ka qaadato sare u qaadista aqoonta bulshada iyo wacyi gelinta.
 
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Nuune ayaa sheegay in loo baahan yahay in nabada laga shaqeeyo, isagoo xusay in hadii aanay nabad jirin aan la noolaaneyn, waxaana uu ugu baaqay bulshada in ay ka qeyb qaataan yagleelida Nabada sida uu yiri.
 
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Ahna Wasiirka Kaluumeysiga Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi ayaa isna sheegay in wadciga xilligan jira loo baahan yahay in Culimada door ka qaadato sidii bulshada loo fahamsiin lahaa wax tarka bulshada u leedahay Nabada, isagoo si gaar ah u tilmaamay in Jihaadka ka jira Soomaaliya aanu aheyn Jihaad, waxaana uu sheegay in Jihaadku uu hal yahay, isla markaana xataa ay tahay in qofka naftiisa uu ku jihaado, sidii uu u noolaan lahaa.


 
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dadka la gaaleysiiyo, hadana dhiigooda la baneysto, waxaana dhinacyada ka soo horjeeda dowladda ku tilmaamay kuwo dadka si macno daro ah oo aan diin ku jirin u gaaleysiinaya, hadana iska indha tiraya aayadaha quraanka ee ku soo arooray in qofka muslimka ah dhiigiisa la xalaaleysto.
 
Ku simaha Gudoomiyaha Golaha Sare Ahlu Sunah Waljamaacah Sheekh C/qaadir Soomow ayaa isna sheegay in Dowladda KMG ay tahay dowlad sharci ah oo ay xaaraan tahay in lagu jihaado ama lala dagaalamo, waxaana uu cadeeyay in ay qaadatay Shareecada Islaamka sida uu hadalka u dhigay.
 
Waxaa uu sheegay in Culumaa’uudiinka Ahlu Sunah aanay xil doon aheyn, isla markaana aanay qori caaradii wax ku raadineyn, waxaana uu sheegay in mudadii labada sano aheyd ee ay wadeen wacyi gelinta isla markaana ay taaba gelisay Hey’adda CCD ay ka qaateen muhiimad weyn, isla markaana ay bulshada siiyeen wacyi gelin ballaaran.
 
Wasiirada Horumarinta Reer Miyiga ahna Ku simaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa tilmaantay in doorka Culimada uu yahay wax muuqda, iyadoo tibaaxday in Culimada ay ahaayeen kuwo hore looga dambeyn jiray warka, isla markaana ay dadka oo idil soo wax bareen.
 
Ugu dambeyn ka qeyb galayaashii Siminaarka ayaa ka dhiibtay fikradahooda sida ugu wanaagsan ee looga shaqeyn karo nabada si loo gaaro jawi dadka ay ku noolaadaan, waxaana lagama maarmaan looga dhigay in dadka ay noqdaan kuwo alle ka cabsiga badiya, isla markaana isu sabra mar walba.

Mahamud Ahmed Hassan
xuurshe114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.