Home » Maqaallo »

Lacagta cusub ee TFG soo saarayso ma dalkaa loogu danaynayaa mise waa lagu danaysanayaa?

Aslamu caleykum waraxmatulaah wabarkaatu salaan ka dib waxaa baryahan isa soo tarayay lacag cusub oo dawlada federalka ah ee Soomaaliya ay soo saarayso taasoo ay la kaashatay dawlada sudan, lacagta ayaa lagu qiyaasay in ay u dhiganto lacag gaadhaysa ilaa iyo 5 billion oo dollorka maragenka ah.

hadaba maqaalkini waxaa uu egayaa bal lacagtan cusub ee dawlada uu hogaamiyo sh.shariif ay soo saarayso ma waxay damacsantahay in ay lacagtan cusub ugu danayso dalka Soomaaliya mise waa arin ay ku danaysanyaa inta ku jirta maamulka sh. Shariif , hadaba dalka soomaaliya ayaa waxaa uu ku jiraa xaalad aad u adag oo ay dalkii hadheeyeen dagaalo ay sikaga soo horjeedaan dawlad federalka soomaaliya iyo kooxaha islaamiyiinta ee alshabaab iyo xisbul islam,suaalaha muhimka ah ee meesha ku jirta ayaa waxa ay yihiin ma ku haboontahay xaalada uu marayo dalka soomaaliya in loo soo sameeyo lacag cusub ? dawalda lacagta cusub soo saaraysaa dhulka ay ka talisaa intuu lega yahay? Ma jiraa bank dhexe oo dalka soomaaliya ka shaqeeyaa maadaaba uu yahay baanka dhexe ka ku shaqada leh in uu soo saaro lacagta cusub? Soo saarida lacagta cusub ma lagala xaajooday baanka aduunka? Dawalda federalki gacanta ma ku haysaa dhaqaalaha dalka? Waa maxay sababta ku dhalisay dawalada federlak ah in ay soo saarto lacag cusub?

Su,aalahaas kor ku xusan ayaa u baahan jawaabo cad cad oo waafi ah, Hadaba waxaa la ogsoonyahay in ay Wakhatigan Soomaaliya ay ku jirto xaalad aad u dag oo ay dalkii ka jiraan dagaalo iyo colaado baahsan ,dalkii intiisa badan waxaa gacanta ku haya kooxah islaamiyiinta, dawlada federalka aay jogtaa meelo aad u baaxad yar oo ay ka mid yihiin airportka iyo dakada meelqahaas oo waliba ciidamada AMISON ay ku ilaalinayaa dawlada, dhulkaa aadka u baaxad yare ee dawlada federalki ka taliso ma suurtoobi karto in ay gaadhsiiso lacagta cusub dhamaan dalka soomaaliya oo ay badankeeda ka taliyaan xoogag islaamiyiinta iyo waliba dawlada gobeleedka puntland oo arintan ka soo horjeeda sida uu wasiirkeeda maaliyadu cadeeyay

Waxaa kaloo xusid mudan in ayna soomaaliya laheyn bangi dhexe oo shaqeeya oo iskagu awood u leh in uu soo saaro lacag cusub oo dajiya sayaasado lagu baajin karo sixir barar ka dhaca dalka(inflation) iyo waliba bangiga duunka oo aan wax wada xaajooda ah lagala yeelan arinta soo saarida lacagta cusub

Arinta kale ee muhamka ah ayaa waxaa ay tahay in ayna dawlada federalki gacanta ku hayn dhaqaalaha dalka balse ganacasata soomaaliyeed ay aygu maamulaan dhaqalaha maadaama ay agu soo dajiyaan badeecadaha isla markaana ay dhoofiyaa wax soo saarka dalka , sidda la wada ogsoonyahana dawlada federalki wax ay kala socoto ma jiraan dhaqaalaha dalka iyo waliba qadarka lacagta taala suuqyada dalka.

Si kastba ha ahaatee lacag cusub soo saarida yaa aydu ah mid adag oo u baahan in la dajiyo siyaasado lagaga xortagi karo sixir barar, soo saarida lacagta cusub ayaa u baahan in dalka laga hirgaliyo wakhti go,an oo ay dadku ku badalaan lacagtii hore ay uhaysteen ,ayagoo isticmaalaya baananka taas oo aan suurta gal ka ahyan soomaaliya wakhtigan xaadirka ah

Dhamaan arimahaas aan kor ku soo xusnay waxay cadeynayaaa in dawlada federalka ah ee uu hogaamiyo sh.shariif ay ku danaysanayaan soo saaritaanka lacagta cusub oo ay ayadu ka leedahay ujeedooyin ay ku doonayso in ay ku burburiso dhaqaalaha shacabka soomaaliyeed ee ay dagaaladu ragaadiyeen iyo waliba in ay dawalda federalki ay ka macaashto lacagna ka hesho.

Abdiqani Ahmed Hassan Golle

MBA-Finance and Accounting

Kampala –Uganda

Tel:+256783457442

Tel:+256718225932

Email: meerqani@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Lacagta cusub ee TFG soo saarayso ma dalkaa loogu danaynayaa mise waa lagu danaysanayaa? "

  1. i am extensively happy and very excited the way you are creative, bacause i have met many articls which your have wrote in the websites and i am congratulating you and keep up the good work. furthermore, am i going to tell other brothers who are interested to discuss and deliver message to their respective readers in any website to take into consideration to be updated and put the pressure the current issue that is happing in their era, and that is the quality of the good writers. and this message emphazise the most current burning issue in somalia and we are in need to talk and write alot about it to avoid it’s trerrible. thz……..bro…. thank you alot.