Home » Warar »

Jaaaliyadda Australia oo deeq qalab caafimaad ah soo gaarsiisay isbitaalka dhexe ee Degmada Garoowe.

Waxaa maanta gudaha Isbitaalka weyn ee degmada Garoowe si rasmi ah loosoo gaarsiiyey qalab caafimaad oo isugu jira qalabka lagu dabiibayohooyadda uurka leh iyo caruurta yar yar si ay ugu sahasho hooyooyinuurka leh dhalintaanka oo inta badan u dhiman jiray dhiig joojinla’aan.

Halkan ka eeg sawiro dheeraad ah

Munaasabada deeqdani oo ay goobjoog ka ahaayeen Masuuliyiin sar sareoo ay ka mid yihiin Wasiiradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska iyoWasiirka kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka DPL iyo dhamaanmasuuliyiinta isbitaalka dhexe ee degmada Garoowe

Ugu horeyntii waxaa munaasabada qalabkani lagu gudoonsiinayeyisbitaalka weyn ee magaaladda Garoowe ayaa waxaa ka Hadley AgaasimahaIsbitaalka Garoowe Dr Carab isagoona ugu horeyn u mahad celiyey DrIdil Cabdi Cismaan oo iyadda deeqdani caafimaad soo gaarsiisayisbitaalka caasumadda puntland ee Garoowe.Sidoo kale waxaa isana halkaasi ka Hadley Wasiirka KuxigeenkaWasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Dr Maxamed Xirsi Ducaale ooisana sidaasi si la mid ah mahadcelin balaaran nadashaasi uga jeediyeyJaaliyadda Reer Puntland ee Australia oo iyaga isbitaalkooda oo ay kujiraan dad walaalahood ah soo gaarsiiyay qalabka caafimaad oo muhiim uah hooyadda dhalaysa una sahasha qeybta dhalista.

Waxaa kaloo iyana munaasabaddaasi deeqda caafimaad lagu gudoonsiinayeyisbitaalka Garoowe ka hadashay Wasiiradda Haweenka iyo HorumarintaQoyska Marwo Caasho Geele Diiriye oo iyaduna sheegtay in ay si aad ahugu faraxsan tahay in maanta jaaliyadda reer Australia soo gaarsiiyaanisbitaalka magaaladda Garoowe deeqdani caafimaad oo ah mid baahiweyn loo qabay iyadoona baaq u jeedisay dadka kale ee reer puntland eeku dhaqan dibadda in ay ku daydaan walaalahood oo maanta deeqdani soogaarsiiyey isbitaalka degmada Garoowe.

Ugu danbeyntii waxaa xafladaasi ka hadashay Dr Idil Cabdi Cismaan ooiyadda ah dadka deeqdani soo gaarsiiyey isbitaalka gudaha magaaladdaGaroowe iyadoona xustay in ay deeqdani tahay mid ay soo uruuriyeenjaaliyadda reer Puntland ee Australia kadib markii ay arkeen dayacaxoogan ee ka muuqda isbitaalka weyn ee Garoowe kuwaasi oo Hooyooyinfaro badan caruurtoodu ugu geeriyooto marka ay foolanayaan qalabkaniawgiis.

Ma ahan deeqdii ugu horaysay ee la soo gaarsiiyo isbitaalka weyn eedegmada Garoowe iyadoona ay jireen dhowr jeer oo ka horaysay oo ayqaar ka mid ah hay,addaha muxaliga ah soo gaarsiiyeen isbitaalka weynee magaaladda deeq caynkan oo kale ah.

Xuseen Cabdulaahi Xasan
E-Mail Xuseen339@hotmail.com
Garowe Puntland Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Jaaaliyadda Australia oo deeq qalab caafimaad ah soo gaarsiisay isbitaalka dhexe ee Degmada Garoowe. "

  1. koshin says:

    A/c
    thanks Dr idil
    ilaahay haku siiyo waxad jecshahay adiga iyo jaliyada rer puntland ee ka qaybqaatay cawinaadan kan deeqda ah wali aadka umiihsan waxaal leeyayy dadka somaliyeedaw ku dayda byyyyyyy