Home » Warar »

Muqdisho: Siminaar ku saabsan sidii looga hortegi lahaa cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka

 Cudurka dilaaga ah ee AIDS waxaa qaba 22.4 million oo qof oo ku nool dalalka Afrika ee Saharaha ka hooseeya. Sannadkii 2008 waxaa lagu qiyaasay in 1.4 million oo ku nool dalalka Saxaraha ka hooseeya, waxaana xilligaas cudurkaas dilaaga ahi ku dhacay 1.9 million oo ku dhaqan Sub-Sahara Afrika. Qiyaastii 14 million oo carruur ah ayaa waalidkood uu galaaftay cudurkaasi. Warbixintaas waxaa lagu sheegay in 2008 tirada Soomaalida qabta AIDS-ka in ay gaaraysay 24,000 qof, waxaana xilligaas cudurkaas u dhintay 1,600 qof, waxaana ku agoomoobay 8,800 carruur ah ( EEG HALKAN).

Hore waxaa loo sheegay in QAADKA (JAADKA) uu faafiyo AIDS-ka, waayo waxaa dhici karta dadka qaadka guraya (haddii uu ku dhaco cudurkaasi) in haddii dhacaankooda sida dhiig uu ka gaaro qaadka, isla markaasna isagoo qoyan lagu duubo caleen Moos/Muus, durbadiina loo dhoofiyo Muqdisho, Hargeysa, Boosaaso iyo goobaha ay cagadhigtaan diyaaradaha yaryar ee qaadka wada in caleentii oo qoyan hore laga cuno, wixii cudur ah ee ay xambaarsanaydna uu qofkii cunay u gudbi karo.

Hay’adda SCAC oo Siminaar ku saabsan Sidii loo Maareyn lahaa Cudurka AIDS-ka u qabatay xubno ka kala socday 11 Gobol
 
Halkan ka daawo sawirada dadka ka qayb galay Siminaarka
 
Hotelka Saxafi 2 waxaa dhawaan lagu soo gebagabeeyey tababar aqoon kororsi ah oo ay ka qaybgaleen ilaa iyo 40 xubnood oo ka kala socday 11 Gobol oo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya kuwaas oo ka shaqeeya ka hortagga  Cudurka Aids-ka , waxaana tababarkaan isku soo dubariday hay’adda SCAC oo ah Hay’ad qaabilsan dhinaca ka wacyigelinta Bulsha cudurka AIDS-ka, iyadoo xubnaha ay u qabatay ay ahaayeen kuwo hoos yimaad Hay’addaasi.
 
Siminaarkaan ayaa waxaa lagu baranayey sidii loo maareyn lahaa cudurka AIDS-ka oo maalmahan dambe ku soo kordhayey dalka Soomaaliya, waxaa kale oo lagu bartay sidii loo xanaaneyn lahaa dadka la nool cudurka AIDS-ka, waana  markii ugu horeysay oo dad qaba cudurkaasi ay ka qaybgalaan tababarkaasi aqoon korosiga ah, waxayna halkaasi ka jeediyeen hadalo dhiirigelin oo ku saabsan sida loola macaamali karo dadka cudurkaasi qaba iyadoo ka qaybgalayaashii uu aad dareenkoodii u kacay kadib markii ay arkeen dad sameystay dallad lagu magacaabo (Dadka la nool Cudurka AIDS-ka), waxayna sheegeen ka qaybgalayaashu in ay martiqaadyo u sameyn doonaan dadka qaba cudurka HIV-AIDS-ka si bulshada kale ee ku nool gobolada Soomaaliya loogu dhiirageliyo in cudurkaani yahay cudur ka mid ah cudurada ka jira adduunka, loona baahan yahay in dadka qaba aan la faqooqin, isla markaana la xanaaneeyo.
 
Siminaarkaan oo socday mudo saddex maalmood ah ayaa waxaa cashiro ka bixinayey macallimiin ka socotay hay’adda SCAC oo iyagu si aad ah ka qaybgalayasha ugu faahfaahiyey sida loo maareyn karo cudurka AIDS-ka, waxayna ka qaybgalayaashu codsadeen in aysan saddex maalmood ku filneyn balse loo baahan yahay in la kordhiyo maalmaha si ay u helaan macluumaad fara badan, waxayna ugu dambeyn u mahadceliyeen intii isku soo dubariday siminaarkaasi oo ay ugu horeyso hay’adda SCAC, waxayna sheegeen in ay mar kasta la shaqeyn doonaan Hay’addaasi oo ay sheegeen in ay tahay mid u taagan ka wacyigelinta bulshada Cudurka AIDS-ka 
 
W/D  Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com  

Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah…
Guji

Digniin Laga  Bixiyey Cudurka AIDS-ka oo Ku Faafaya Soomaaliya::

 Sidoo kale Akhri http://www.somalitalk.com/shifo/1.html

JAWHAR::: Waraysi: Gabar Soomaaliyeed oo Qabtey AIDS& ka Akhri Halkan

MINNESOTA: 18 Soomaali ah ayaa Qaba Cudurka AIDS-ka.. GUJI…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.