Home » Warar »

DFKMG Soomaaliya iyo Idoniisia oo Kala Saxiixday Heshiis Ganacsi

iyo Xildhibaan Abdi Abshir oo kala hadlay Qurbojooga reer Toronto… iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalalka Pakistan & India oo ka qeyla dhaamiyay qorshe Dowladda FKMG Soomaaliya ku xireyso Safaaradaha wadamadaasi.

Soomaaliya iyo Idoniisia oo Heshiis ka gaaray Ganacsiga Labada dal

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya, Mudane C/rashiid Maxamed Cabdi (Cirro) oo casumaad rasmi ah ka helay Wasiirka Ganacsiga Indonesia Marwo Marie Elka ayaa wuxuu soo gaaray magaalada Jakarta 14/01/2010, iyadoo ay weheliyaan xubno ka tirsan Wasaaradiisa iyo Ganacsato Soomaaliyeed, waxaana ku soo dhoweeyay madal saharafeedka (VIP) garoonka Caalamiga ah ee Jakarta Md. Maxamuud Colow Barow, Danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia, Xubnaha Jaaliyada iyo Madax ka socotay Wasaaradaha Ganacsiga iyo Arrimaha Dibedda ee Indonesia, isagoo loo soo galbiyay hotelkii loo diyaariyay. 15/01/2010 ayaa waxaa wadahal u bilowday labada wasaaradood oo si aad ah uga dooday qaabka loo kordhin karo wax wada qabsiga labada dawladood iyo shacaba, waxaana maalinimadii Isniintii 18/010/2010 heshiis si buuxda u wada saxiixday labada Wasaaradood oo ay kala matalayeen labada Wasiir, heshiiskaas oo ka dhacay wasaaradda ganacsiga ee dalka Indoniisiya.  

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Heshiiskan ayaa imanaya ka dib mudo dheer oo aynan labada wasaaradood yeelan wada shaqeyn rasmi ah, waxaana ugu muhiimsanaa qodobada la wada saxiixday in: 

  1. Diraasad rasmi ah lagu sameeyo ganacsiga ay isdhaafsan karaan labada dawladood, lana dhiirigeliyo qeybaha ganacsatada ee kordhin kara sare u qaadista wax wada qabsiga labada dawladood;
  2. Si loola hormariyo arrintaasna, waxay Soomaaliya soo jeedisay in ay Indonesia ogolaato in ay soo galaan wadankeeda badeecadaha Soomaaliya leedahay ee u baahan farsamo warshadeed, si loogu faa’iideeyo dadka iyo dalka, sida: nool, Hargaha, suufka IWM, waana laysku raacay, iyadoo la faray hay’daha ku shaqada leh caafimaadka xoolaha in ay ka shaqeeyaan arrimaha farsamo ee hortaagan;
  3. Ka qeybqaadashada dib u dhiska wadanka, iyadoo ay Indonesia kaga qeybqaadaneyso qaab khubaro, qalab iyo waxwalbo oo  qeyb ka ah dib u dhiska;
  4. Laga faa’iideysto muhimada bankiyada ay u leeyihiin fududeynta horumarinta ganacsiga, waxayna labada dhinac ku dhiirrigelinayaan hay’adaha dhaqaalaha in abuuraan wada shaqeyn;
  5. Meel marinta arrimahaas loo xilsaaro guddi farsamo oo ay soo magacaabaan labada wasiir, si ay uga shaqeeyan meelmarinta iyo horumarinta heshiiskaas.

Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga C/rashiid Cirro wuxuu ka codsaday wasiirradda ganacsiga ee Indoniisiya in la taageero oo fursado loo abuuro sidii ganacsatada Soomaaliyeed ay iyaguna badeecooyin uga keeni lahaayeen dalka Soomaaliya. “Maadaama aan badeecooyin kala duwan ka qaadano dalka Indoniisiya, waxaanu codsaneynaa inay iyaguna naga soo qaataan badeecooyinka dalkooda looga baahan yahay ee laga heli karo Soomaaliya” ayuu yiri Md. C/rashiid Cirro oo ay dhinac fadhiyeen wafdiga ganacsatada Soomaaliyeed. Mar uu ka hadlayay kobcinta ganacsiga labada dal ayuu Wasiirku ka codsaday dawladda Indonesia in ay fududeyso dal-ku-galka ee ganacsi ee ay u baahan yihiin ganacsadata Soomaaliyeed (Visa-on-Arrival). 

Xafladdii saxiixa oo uu sidoo kale goobjoog ka ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Indoniisiya, Mudane Maxamuud Colow Barrow. Wasiirka Ganacsiga C/rashiid wuxuu sidoo kale booqasho sharafeed ku tagay Wasaaradaha Beeraha & Xoolaha iyo Warshadaha ee dalka Indoniisiya, isagoo kala hadlay sidii ay labada dal ay uga wada shaqeyn lahaayeen dhinacyadaas. Wasiirka Ganacsiga C/rashiid Cirro ayaa ka codsaday wasaaradda beeraha iyo xannaanada xoolaha Indoniisiya inay oggolaadaan Haragga iyo suuf (cudbi) laga soo dhoofiyo Soomaaliya. “Haddii Indoniisiya ay naga soo qaadato xoolo nool, hilib ama waxyaabaha ka soo baxa beeraheena sida suufka, anagana waxaan kordhin lahayn waxyaabaha aan ka soo dhoosano dalka Indoniisiya” ayuu yiri Wasiir C/rashiid Cirro.   

Wasiirka oo horkacayay wafdi ka kooban 15 xubnood oo isugu jiray maamullada rugta ganacsiga Soomaaliya, rugta ganacsiga Puntland, iyo ganacsato Soomaaliyeed oo intooda badan ka yimid meelo ka baxsan dalka Soomaaliya.   

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Indoniisiya waxay ganasatada Soomaalida u soo qabanqaabisay kulamo mid mid ah oo ay la yeesheen shirkadaha Indoniisiya ee ay daneynayaan, kulamadaas oo ka dhacay wasaaradda ganacsiga dalka Indoniisiya.  

Si loo ambaqaado waxbaayabaha labada wasaaradood isla gaareen, waxaa isafgarad uu dhexmaray Rugta Ganacsiga dalka Indoniisiya iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliya, kuwaasoo ku heshiiyay inay ka wada shaqeeyaan sidii sare loogu qaadi lahaa ganacsiga ka dhexeeya labada dal, isla markaana meesha looga saari caqabadaha hortaagan in horumar laga sameeyo dhinacyadaas.  

Wafdigu intii ay joogeen Indoniisiya waxay soo booqdeen dhowr warshadood oo ay ka mid yihiin warshadaha dharka, saliidda, iyo suuqyada iskaashatooyinka.  

Waa booqashadii ugu horreysay oo nooceeda ah oo wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin ganacsato Soomaaliyeed ay booqasho ku tagaan dalka Indoniisiya. Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa aad u soo dhoweeyay tallabada ay ku dhaqaaqeen Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya iyo Safaaradda Soomaaliya ee Indoniisiya ee ay ku soo qabanqaabiyeen safarkan. “Nidamka baratalkoolka iyo soo-dhoweynta aan la kulanay waxay ahayeen kuwo noo muujiyay in dowladnimo wax la siisan karo aysan jirin” ayay inta badan ku soo celcelinayeen xubnaha wafdiga. 

(Jakarta – 19ka Jannaayo 2009)  

Somali Embassy JKT
somalirep_jkt@yahoo.com

……

Xildhibaan Abdi Abshir oo kala hadlay Qurbojooga reer Toronto 

Qurbajooga gobolada dhexe ee Somalia ee ku nool Toronto wuxuu xildhibaanku kalla hadlay sidii eey uga qeeyb qaadan lahaayeen nabadeeynta iyo horumarinta deegaanadaas, asagoo usheegay ineey hadii eey ku dhaqaaqaan arinkaas eey fuliyeen arin Soomaali oo dhan wax utareeysa. 

Toronto: Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Gobolada dhexe waxaa kunool, ayuu yiri xildh. Abdi Abshir, Soomaali farabadan oo kakooban qabaailo farabadan, eeyna haboon tahay ineey umada ubilaabaan in deris wanaagnimada iyo soomaalinamda ku saleeysnaan jirtay in inta ood wadaagta ahi eey xaliyaan khilaafaadka, kadibna eey ugudbaan Soomaalida kale. 

Waxaan xildhibaano unahay inaan umada heshiisiino, waana waajib nasaaran oon ka shaqeeyn doono, intii aan wax kale waqtiga ku dhumin laheeyn ayuu yiri xildhibaanku, meel kasto oo qurbajoogtu joogto waan ugu tageeynaa kallana hadleeynaa ineey dadkooda uhiiliyaan, heshiisiiyaan, isticmaalaan aqoonta iyo nabada alla siiyey,  eey dadkoodana udoonaan, kalla shaqeeyaan ineey helaan nolol uqalanata. 

Hadii alla idmo xildhibaanku wuxuu sheegay ineey dhowaan dhaqdhaqaaqyadaas ka fulin doonaan dhamaan magaalooyinka waaweeyn ee Yurub iyo USA, eeyna ka codsanayaan in lala shaqeeyo, waayo in leeys cafiyo, deris wanaag la abuuro waa aasaaska nolosha iyo diinta. 

Kullankaas oo xoog looga soo qeeybgalay magaalada Toronto waxeey sheegeen inuu u yimid xildhibaan bisil, oo awood uleh inuu dadka isku soo dhaweeyo, lana garab istaago.

Abdi Dorre
abdi_dorre@yahoo.se

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalalka Pakistan iyo India oo ka qeyla dhaamiyay qorshe Dowladda FKMG Soomaaliya ku xireyso Safaaradaha wadamadaasi.
 
Jaaliyada Soomaalida ee dalalka Pakistan iyo India oo ah dalalka ugu badan ee Arday badan oo soomaali wax ku bartaan ayaa qeyla dhaan xoogan ka soo saaray qorshe ay Dowladda FKMG Somalia ku damacsan tahay in ay ku xirto safaaradaha wadankaas.
 
Qorshahan oo ay dhowaan daraasad ku sameysay wasaarada Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa waxaa kulan ka yeeshay Golaha Wasiirada Soomaaliya, kuwaasoo isku raacay in la xiro safaaradaha dalal ay ka mid tahay Pakistan, India, Tanzania, Turkiga iyo dalal kale oo aad u fara badan, taasoo caqabad ku ah Soomaalida halkaas ku dhaqan ee isugu jira kuwa wax ka barta iyo dadka qaxootiga ee qaarkood ku jira Xabsiyada.
 
Warqad qoraal ah oo ka soo baxday Jaaliyadaha Soomaaliya ayaa wax laga xumaado lagu tilmaamay qorshaha ay wado Dowladda, kaas oo ay ku xireyso Safaaradaha dalkaas, waxaana looga dalbaday in ay ka laabato go’aankaas.
 
Hadaba qoraal ka soo baxay Jaaliyadahaas ayaa waxay u qorneyd sida Tan:
 
“Run ahaantii dowladu dadaalkii ay rabtay wali waa gaari la’dahay marka laga fiiriyo amniga iyo dhamaan arimaha bulshada oo idil waxa la wada ogyahay in ilaa iyo hada wax talaab ah oo muuqda oo la dhihi karo waa hal talaab lama hayo tan kale hadiiba dowladu ay wax ka qaban weysay siyaasadda gudaha ma wanaagsanoo in la iska daayo tan dibada hadii guriga aas aas uusan laheyn kor malaga shubi karaa waa su’aal u baahan jawaab dadka soomaaliyeed waxaa uu u kala qaxay aduunka daafihiisa kala duwan iyagoo dhib badan ku qabo ku dhawaad 20-sano waxaa wax laga xumaado ah iyadoon xog laga soo qaadin in golaha wasiirada dowladu ay fariistaan isla markaana ay go’aamiyaan in la xiro safaarado gaaraayo ilaa iyo 8 safaaradood iyada oo aan la ogeynin dadka ku nool ama wax ka barta ama lagu xiray mar aan ka soo qaadno India iyo Pakistan dadka wax ka barto waxaa ay gaari karaan ilaa iyo 10;000 kun.

Qoysaska degan waa ilaa iyo 1000 qoys Tanzaniya waxa aad wada ogtihiin in lagu xir xiray dad somaaliyeed oo safaaradu ka sii deysay walina dadkii wada ayay hayaan oo siyaasad degan dalka kama jirto oo u saamixi karto in dadku dib u soo laabto waxa aan ka codsaneynaa dowlada soomaliyeed in arin hortood aan dadka somaliyeed horay loogu dhibin in ay ka daayaan maxaa yeelay dadku safaaradaha waa u wehel hadii boolis qabto iyada ayaa ka sii deyso hadii wax la baranaayo markasta warqad ayaa looga diraa si daas darteed hadii aan nahay dadka somaliyyeed ee ku nool aduunka sedaxaad waxa aan ka codsaneynaa dowlada somaaliyeed arintaas in ay joojiyaan gaar ahaan dalka Pakistan iyo India oo aad ogtihiin in aysan iska fududeeyn dadka meel la geeyo oo wax laga barto in loo helo waxa aan leenahay anagoo ah bulshaweynta ku nool dalalkaaas in go’aanka dib looga laabto.

Mahamud Ahmed Hassan
xuurshe114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.