Home » Warar »

Boqolaal Qoys Oo Barakacaal Ah Oo Guryahooda Dab Qabsaday Kadib La il Daran Xaalad Hoy La’aaneed Iyo Mid Nololeedba

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Ilaa boqol iyo lixdan qoys oo barakacayaal ah ayaa dab qabsaday guryahoodii oo ka samaysnaa jawaano iyo baco, ayadoo aan la ogayn sababta dhabta ah ee ka dambaysa dabkaas ay ku shuf beeleen ilaa Boqol iyo Lixdan Bush.

Dadkan barkacayaasha ah ee deganaa deegaanka xaafada buulo xuubey ee agagaarka Schoolka Hoose dhexe jabuuti ee degmada wadajir ayaa cabasho xoogan ka muujiyey xaalada nololeed ee ay iminka galeen taasoo ay shaaca ka qaadeen in iyagoo markoodii horeba ay daala dhacayeen noloshooda ay iminkana ugu soo darsantay Hoy la’aan xoogan .

Gudoomiyaha dadkan barakayaaha ah Ardo maxamud siyaad oo saxaafada kula hadlaysay goobta ay masiibadani ka dhacday ayaa tibaaxday inay dadkan oo markoodii horeba ka koobnaa 230-qoys ay iminka guryahoodii gubteen ilaa 160-qoys taasina ay sababtay inay dhirta hoostooda iyo derbiyada habeenkii ku hoydaan .

Ardo maxamud siyaad ayaa intaasi ku dartay inay iminka ugu sii daran yihiin caruurta ,haweenka iyo weliba dadka da,da ah ee aan u adkaysan karin dhaxanta iyo weliba gabaad la,anta taasoo ay tilmaantay inay jiraan dad dhaawac kazoo gaaray dabkaasi .

Sidoo kale mid ah Hooyooyinka deganaa Guryaha gubtay ee ka samaysnaa jawaanada iyo Bacaha ayaa sheegtay inay dhaawac dab qabsaday gurigeeda dhaawac kazoo gaaray islamarkaana tilmaantay inay markeedii horeba ku noolayd xoogsi ay ka xamaasho suuqyada ku dhow balse ay iminka dhaawacu waxyeeleeyey oo aanay awoodin inay xoogsato.

Dadkan barakacayaasha ah ee dabku qabsaday ayaa iminka la il daran xaalad hoy la,aaneed oo ay usii dheer tahay mid Nolol Xumo taasoo aysan muuqan Cid ilaa iyo Iminka isu xil qaantay inay gar gaar u fidiyaan .

Yaasiin faytin
Yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.