Home » Warar »

Wararkii ugu danbeeyey ee xaalada Magaalada B/weyne ee xarunta u ah gobolka hiiraan .

Xaalada Magaalada ayaa haatan u muuqa mid ka wanaagsan sidii ay aheyd maalmihiiaan ka soo gudubna oo magaaladu noqotay goob dagaal dad badanine ay ku waxyeeloobeen bale weli ma aha meel nabadgalyada ka jidha la isku haleynkaro .

Magaalada ayaa 3 qeyboo u qeybsantay waxaana jiro goobo ay isku horfadhiyaan qeybihii ku dagalamayey gacan ku heynta magaalada B/weyne oo kala ah ciidamada Xsibul islaam iyo Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo isku dhinac ah ,ciidamada ahlu sunah waljameeca iyo maamulkii hore ee Gobolka hiiraan oo gacansar aan sidaa u buurneyn la lah dhanka dowlada Fadaraalka KMG somaliya waxaana xalay oo dhan la maqlayey xabado goos goos ah oo meelaha qaar ka dhacayey .

Beriga Magaalada B/weyne oo ay hore gacanta ugu hayeen ururka xisbul islaam ayaa haatan waxaa joogo ciidamo kuwa ahlu sunah waljameeca ah waxaana ka dhaxmuuqda Maamulkii hore ee gobolka hiran ee dowlada fadaraalka KMG somaliya sida Adan cabdi ciise ( adan Garaso ) yuusuf Dabageed iyo rag kale oo gashaday malyada Ahlu Suna waljameeca sida ay sheegeen ka dib markii xaga dowlada Fadaraalka KMG somaliya ay ka gaabisay gurmadkii ay ka filayeen oo ahaa hub iyo saanad milatari .

Yuusuf Dabageed ayaa saxaafada u sheegay in raga haatan gob olka hiraan ka dagalayo ay yihiin dadka deegaan oo isku tashaday mana jiraan wax ka yimid dagmooyinka kale ee dalka iyo dibadiisa isaga oo ku adkeystay in ay dagaalamayaan reer hiiraan oo kaliye .

Risaasta goos goos ah ayaa weli laga maqalyaa qeybaha ay isku horfadhiyaan cidamada ku dagaaladamay Magaalada B/weyen ee gobolka hiiraan sida buundada liiqliiqato oo isku xirta daanta galbeed iyo xaga bari ee magaalada B/weyne .

Magaalada o kala qeybsantay aawadeed ayaa cidamada ahlu sunah waxaa ay gacanta ku hayaan dhanka galbeed ee Magaalada iyada oo ay isku xirto buudada liiqliqato oo ay laba dhinac ka kala fadhiyaan buundada taasoo keentay mararka qaar in ay tacshiirad is weydarsadaan dhinacyada is hor fadhiya
Dhanka galbeed ayaa haatan waxaa gacanta ku haaya xarakada Mujaahidiinta alshaab iyo xisbul islaam oo markaan sidii hore isaga soo dhawaaday,ururka xisbul islaam ayaa waxaa ay dagan yihiin qeybo ka tirsan galbeedka iyo dhinaca bari ee magaalada .

Xaafadaha Dagaalada ugu danbeyey ee ka dhacay Gudaha Magaalada B/weyne ayaa waxaa saameyn weyn ku yeesheen dadka dagan xaafadaha ku yaal dhanka bari ee magaalada sida xaafada kooshin,nuur xawaad ,raadeerka iyo qeybo kale oo ka tirsan Magaalada B/weyne ee gobolka hiraan oo saaka dananaasho aan caga badan ku taagneyn laga dareemayo.

Xaafadahaan ayaa maalmihii ugu danbeeyey food la isku darey kuwaas oo ka dhigay dadka deegaanka ku dushoda lagu dagaalamay waxayna awoodi waayeen in ay guryahooda ka cararaan balse shalay ilaa xalay iyo saaka ayaa waxaa ka socdo barakac lixaadleh oo guryahay iyaga oo albaabadu u balaqan yihiin qaar kood laga cararayo iyaga oo doonayo in ay ka nabad galaan risaasta culus ee la is weydaarsanyo
Dagaaladii ka dhacay gudaha B/weyne ayaa lashegayaain ay ku dhinteen ilaa 15 qof halka dhawacuna u kor u dhaafay 30 kuwaas oo u badnaa dadka deegaanka oo ay ku dhaceen madaafiicda iyo risaasra la isk weydaarsanayey .

Ispitalka Magaalada B/weyne ayaa haatan waxaa jiifa ku dhawaad 20 oo ah dad rayid ah

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.