Home » Warar »

Xildhibaan Abdi Abshir oo warbixin siiyey reer Shefield/UK.

Kullan aad loo soo agaasimay, oo ay soo qabanqaabisay Restore Hope Somali Community kana dhacay maanta bartamaha magaalada Shefield ayaa xildhibaan Abdi Abshir Dhoore oo dhowaan ka yimid dalkii ku siiyey warbixn balaaran dadka degan magaalada, ayadoo halkaas eey ka muuqatay in dadka oo dhami eeysan dowlada taageersaneeyn hadana xildhibaanku wuxuu ka dhaadhiciyey sababha kalifaya ineey dhacaan dhaliilaha la soo jeediyey.

Waxaa dadka badankiis eey tabanayaan in aan waxba amniga laga qaban, halkaas oo dood dheeri ka dhacday, xildhibaankuna sheegay in ciidanka eeysan amni sugi karin ilaa loo hello waxyaabaha eey u baahan yihiin oo dhan, howshaasna faraha ayaa lagu hayaa hada.

Xildhibaanku wuxuu sharaxay in qurbajoogtu fahmaan, aqbalaana in ugu yaraan wadanku maanta leeyahay hogaan isbedbedela oo waqtigiisa kadib si doorasha ah midkale ku imaan doono. Lana fahmo in taasi eeysan sahal ku imaan, oo la xasuusto waqtigii 1991-2000, oo soomaliya eeysan laheeyn haba yaraatee wax hogaan ah.

Iswersi maleh dhaliili waa jirtaa, oo weli dil iyo dhac baa socda, taasna waxaa looga bixi karaa ayadoo garbaha leeys qabsado, xukuumadunu karti dheeraada la timaad, ayuu xildhibaanku warkiisa ku soo gabagabeeyey.

Xildhibaanku wuxuu markaa ugudbay inuu soo jeediyo cashar lawada filayey qiimahiisa oo ku saabsan xaalada Somalia iyo “casriga argagaxisada caalamiga ah”. casharkaas oo maqal iyo muuqaalba lahaa waxaa la fahmay in Somalia eeysan gacanta Soomaalida oo kaliya ku jirin, oo gacmo badan eey saameeyn ku leeyihiin mustaqbalka dalkeena, xaalada soomaaliyana eey ka culustahay sida loo dhayalsanayo.

Waftiga Xildhibaanka waxaa la socday, ku xigeenka xariirka Somaaliyeed ee Kubbada Koleyga Maxamed Cali Jimcaale iyo Gudoomiyaha ururada Somaliyeed ee Birmingham Sharif Maxamed Sharif

Kullanka wuxuu ku dhamaaday ayadoo xildhibaanka laga codsaday inuu mararkale ku soo noqdo magaalada.

Abdi Dorre
Email: abdi_dorre@yahoo.se

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.