Home » Warar »

Inkastoo Iska-hor-imaadyo jireen, MSF ayaa sii wadda hawlihii ay ka waday gobolka Galgaduud

Dhakhaatiirta aan Xuduuda Lahayn (MSF) ayaa wadaa howlihii ay ka waday Dhuusa Mareeb in kastoo ay sii kordhaysay amaan darida halkaas ka jirto oo ay sababeen dagalaadii ka dhacay sabtidii 2-da bisha January 2010. 

Xaalaado Abaaro ba’an awgeed ayay MSF bilowday biyo qeybin 23-kii December  si ay u daboosho baahida dadka ku nool tuulooyinka ku haree-raysan Dhusa Mareeb iyo Guri Ceel ee gobolka Galgaduud oo ku yaala bartamaha Somalia. 

Iska hor-imaadyadii dhex maray kooxaha hubaysan oo kala duwan dhabayaaqadii todobaadka ayaa nolosha sii adkeeyaysay dadka ku nool aagaasi.Dhibaatooyinka xoolaha iyo nolaleedkooda oo ay u dheereed in dad badan oo degganka ah ay ku soo qaxeen eheladooda kuwaas oo horaan ka soo qaxay meelaha aan amaanka ahayn. Hadda qoysas idil ayaa ka qaxay Dhusa Mareeb. 

“Waxaa inoo suurta gashay oo aan awood u yeelanay in aan sii wadno howlihii biyo qaybinta, waxaan ku rajo weyn nahay in aan biyo gaarsiino dadka ku nool Xiindheer iyo Dhusa Mareeb” ayuu yiri Kumar Chandiramani oo ah madaxa Hay’adda MSF ee Soomaaliya. 

Gobolka Galgaduud MSF waxay gacanta ku haysaa Cisbitaalka Istarliin, Waxaa intaas dheer qayb bukaan socod ah oo ku taala Dhusa mareeb iyo goob caafimaad oo ku taala Xiindheere. 

Cisbitaalkan oo ka kooban 80 sariirood , MSF waxay ka fidisaa adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah oo ay ka mid yihiin la tashi bukaan socod iyo qaliin. Sanadkii 2009, MSF kooxdeeda caafimaad ee Soomaalia waxay fuliyeen 732 qaliin, 709 dhalmo iyo 40,190 la tashi caafimaad oo laga sameeyay qaybta bukaan socodka. 

Cisbitaalka istarliin oo hada la gu daweeyo dhaawacyadii dagaalka wuxuu u furan yahay dhamaan dadka u baahan daryeel caafimaad eyaga oo aan loo egin qabiilkooda, diintooda iyo xiriirkooda siyaasadeed. 

MSF waxa ay ka shaqaysay Soomaaliya laga bilaabo 1991, haddana waxay ka wadaa mashaariic caafimaad siddeed gobol oo dalka waxaana ka mid ah Banaadir, Baay, Galgaduud, Hiiraan, Jubada Hoose, Shabeelada Dhexe, Shabeelada Hoose iyo gobolka Mudug 

Ka urur samafal ahaan, MSF waxay ugu wada baaqaysaa dhinacyadda dagaalamaya in ay dhowraan dhex-dhexaadnimada dhismooyinka caafimaad, gawaarida ambalaaska oo lagu  daad guraynayo dhaawacyada,gawaarida biyaha lagu qaado iyo in ay u ogolaadaan bukaanada ka yimid goob kasto in ay helaan daryeelka caafimaad oo muhiimka ah.

Nayroobi 6-da Janaayo 2010: 

—————————

In kabadan 1,500 shaqaala soomaaliyeed, oo ay kaalmeynayaan ku dhowaad 90 shaqaala oo jooga Nayroobi, ayaa ka shaqeeyaa mashaariicda MSF ee soomaaliya, kuwaas oo bixiyaa daryeel caafimaad, daaweynta nafaqa xumida, iyo kaalmeenta dadka barakacay, qaliin, qaybinta biyaha iyo gargaarka. Kaalmada ay MSF ay bixiso waxay ku salaysanyihiin baahida caafimaad ee u baahanyihiin bulshada. Lixdii bilood ee 2009 kooxda MSF waxay bixisay 376,114 latashi bukaan socod ah, 22,000 daryeelka dumarka uurka leh iyo 3,373 qalliin ayaa la sameeyay, 1,975 oo ahaayeen dhaawacya ka soo gaaray dagaalada.  

Waxaa soo tebiyey

Ahmed Dahir Noor
Somalia Information Officer
Medecins Sans Frontieres
East & Central Africa Regional Information Office
Email:msf-press-somalia@msf.org
Tel: +254 20 444 4474/444 0536
Mobile: 0733665424

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.