Bishii agoosto ee sanadkan ayay jariidada ugu wayn uguna qaddiimsan dalkan Sweden ee Aftonbladet xoogaa yar xustay eed foolxun oo ay Falastiinida kasheegteen Yuhuudda. Jariidada ugumana balaadhna oo uguma wayna oo qudha dalkan iswiidhan ee waxay dhinaca kalena kutiirsan tahay xisbiga iyo ururrada ugu awoodda badan dalkan……
Waxaa qoray: Axmed-shiil Muxumed
Borlänge, Sweden
ahmedshil@yahoo.com
Bismillaahi wassalaatu wassalaamu calaa rasuulilaahi
Adduunyada waa lakala dhaqan duwanyahay lana kala diin duwan yahay, sidaa awgeed qolo walba waxbaa u bannaan waxna waa uu ka reebban yahay. Dalalkan Yurub iyo Maraykanka waxaa kamid ah waxyaabaha aan la ogolayn aadna u reebban tusaale ahaan; in Yuhuudda khalad ama dulmi ay gashay laxuso ama lasoo bandhigo. Ha ugu wacnaato Yuhuudda oo awood badan oo xagga siyaasadda ah kuleh dalalkaas aan xusay sidoo kale ayagoo awood qotodheer kuleh saxaafadda oo qolodii iskudayda inay xusaan khaladaadkooda ama gardarradooda meel fog ugasoo hadhi.
Waxaa kadhacay marka dalkan iswiidhan bishii agoosto ee sanadkii tagay qiso dadka intooda badan kaga yaabisay, qisadan waxay ahayd qoraal yar oon saa usii qoto dheerayn oo jariirad kusoo baxay kuna saabsanaa eed la eedeeyey Yuhuudda oo lugu eedeeyey arrin aad ufoolxun. Waxyaabaha aadka loola yaabay waxaa kamid ah, sida ay dad badan oo isugu jiro madax sarsare iyo aqoonyahanno udhashay dalkan ay udhaqmeen ayagoo iskudayey inay si indha la’aana u difaacaan Yuhuudda, suuqana kaba saaraan wariyihii qoraalka qoray iyo jariiraddii qortayba, ayagoo daliil kadhiganayey waxyaabo dhacay 60 sano kahor oo kale oon markaa khusayn arrinta laga hadlayey.
Bishii agoosto ee sanadkan ayay jariidada ugu wayn uguna qaddiimsan dalkan Sweden ee Aftonbladet xoogaa yar xustay eed foolxun oo ay Falastiinida kasheegteen Yuhuudda. Jariidada ugumana balaadhna oo uguma wayna oo qudha dalkan iswiidhan ee waxay dhinaca kalena kutiirsan tahay xisbiga iyo ururrada ugu awoodda badan dalkan, walow ay jariidada iibsatay sanado kahor shirkad Norway laga leeyahay oo layidhaahdo Schibsted, haddana jariidada wali waxay ku lug xidhan tahay xisbiyada Hantiwadaagga iyo ururada shaqaalaha ee dalkan kajira. Markay xustay jariiraddu eeddaas iyada ah iyadoon sheegin inay runtahay iyo inkale ayaa halmar hawada laga qariyey oo weerarro isdabajoog ah cir iyo dhulba looga soo qaaday. Intaa xiisaddu kumayna ekaane waxay saammaysay xitaa xidhiidhkii labada dal kadib markay Yuhuuddu codsatay in jariirada foolxumada kasheegtay tallaabo laga qaado haddii kale ay ayagu waa Yuhuddee tallaabo kaqaadi Reer iswiidhan.
Waxayna qisadu udhacday si taxane ah:
17 kii bishii agoosto, ayuu wariye Donald Boström oo katirsan jariidadda Aftonbladet ee kasoo baxdo dalkan uu kuqoray qaybta dhaqanka inuu jiro tuhun ah inay yuhuuddu kala baxdo dadka dhintay ee Falastiinida ah xubnaha jirkooda amaba inay ciidamadoodu udilaan Falastiinida si’ay kadib xubnaha jirkooda uga bililiqaystaan. Bodström wuxuu waraystay qoysas Reer Falastiin ah oo kacabanayey in ehelkooda ay Yuhuuddu laysay kadibna usoo celisay maydadkooda oo meelo badan inta lajeexjeexay haddana latolay taasoo muujinayso in wax lagala baxay jidhkooda. Waxaa jirtay iyana in dhacdooyinkaas oo kale horey in lugu ogaaday Yuhuudda sagaashammeeyadii. Waxaa iyana jirtay dhaleecayn caalami ah oo lugu eedeeyey Yuhuudda inay wax isdabamariyaan markay gacanta kuhayaan dadka dhinta jirkooda. Waxaa iyana jirto dacwo hadda kasocoto gobol kuyaallo Maraykanka oo kusaabsan dad madax ah oo intooda badan Maraykanka joogo laakiin qaarkood ay yihiin baadariyo Yuhuud ah oo lugu haysto inay kaganacsan jireen xubnaha dadka dhinto, waloow aan wali lasoo gabogabayn lana faahfaahin illaa iyo hadda dacwadaas.
19 kii agoosto, haweeneey safiir uga ah dalkan Iswiidhan Yuhuudda ayaa canbaaraysay qoraalka kusoo baxay jariidada, waxayna dhaleecaynteeda kudaabacday bogga safaaradda Iswiidhan ee kutaallo Yuhuudda, sidoo kale jariidada Sydsvenska Dagbladet ayaa isla maalintaa iyana canbaaraysay Aftonbladet uguna yeedhay inay jariiraddu Yuhuudda necebtahay.
20 kii agoosto, Wasiirka Arimaha Dibadda ee Yuhuudda Avigdor Lieberman ayaa asagoo xanaaqsan sheegay inuu layaabanyahay waxa ayna Dawladda Iswiidhan waxba arrintan uga qaban, asagoo hadalka sii wato ayuu yidhi; waxay arrintan na xusuusinaysaa siday udhaqmeen Iswiidhishka dagaalkii labaad ee adduunka. Wasiirka Arimaha Dibadda ee iswiidhan Carl Bildt ayaa ujawaabay sheegayna inayna qorshaha ugu jirin inay faraha lagalaan arrimaha wargaysyada iyo waxyaabaha ay qoraan.
21 agoosto, jariiradda Sydsvenska Dagbladet ayaa markale intay burisay haddana furka tuurtay oo tidhi Aftonbladet waxay soo uraysaa nacayb Yuhuud. Safiirka Yuhuudda ujoogo Iswiidhan Benny Dagan ayaa looga yeedhay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee iswiidhan (macnaha cabasho ayaa farta laga saaray). Sarkaal uhadlay Xisbiga ugu wayn dalkan Socialdemokradiga ee mucaaradka ah Urban Ahlin ayaa ku eedeeyey inuu Carl Bildt Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iswiidhan uusan waxba kadhihin xadgudubkii ay kukacday Safiiradda dalkan ee Yuhuudda joogto gafkii ay sammaysau oo ahaa inay weerartay jariiradda Aftonbladet qoraal ay qortay dartii. Wuxuuna Urban kudaray inuu dacwo kadhan ah arrintaa ugudbinayo Guddiga Baarlamaanka Iswiidhan uqaabilsan Arrimaha Sharciyada. Wuxuu sheegay Urban in waxna loo dhimmay farahana lalasoo galay xoriyadda saxaafadda ee dalkan uu dhaqanka uleeyahay.
22 agoosto, Ra’iisalwasaaraha dalkan Fredrik Reinfeldt ayaa sheegay inayna dawladdiisa faraha lagali karin waxa jaraa’idka ay qoraan maadaamma uu sharciga dalkan mamnuucayo arrintaa. Gunnar Hökmark oo xubin ka ah Baarlamaanka EUda iswiidhishna ah, kana tirsan urur saaxiibtinimo oo ay leeyihiin dad Yuhuud ah iyo kuwa Iswiidhish ah ayaa asagana sheegay in qoraalka kusoo baxay Aftonbladet ee eedaynayey Yuhuudda uu lamidyahay propaganda Naziyiin oo kale, asagoo ula jeeda qoraalka wuu lamid yahay dacaayadda ururada neceb Yuhuudda aragtidooda, wuxuuna sii raaciyey inay jariiradda Aftonbladet kamid noqotay awoodaha madmadoow.
23 agoosto, Ra’iisalwasaaraha Yuhuudda Benjamin Natanyahu iyo madax badan oo Yuhuud ah ayaa dalbaday inay dawladda iswiidhan canbaarayso jariidadda Aftonbladet qoraalka ay daabacday dartii.
19 september, Madaxa ugu sarreeyo dalkan Iswiidhan ilaalinta sharciyada (Justitiekanslern) ayaa guddoomay laba dacwo oo lagasoo gudbiyey Aftonbladet qoraalkii ay daabacday dartii. Masuulkan wuxuu sheegay baadhis kadib inayna jariiraddu wax danbi ah galin qoraalkaas ay daabacday dartii, asagoo sii raaciyey inuusan qoraalku kamuuqan dulmi iyo xadgudub lugula kacay Yuhuudda dad ahaan.
18 december, Professor Nancy Shepard-Huhges oo Maraykanka joogto waxna kadhigta Jaamacadda Berkeley ee California kutaallo ayaa sii daysay cajalado ay kaduubtay 1998 dii, dhakhtar layidhaahdo Yehuda Hiss oo madax ka ah isbitaal la yidhaahdo Abu Kabir oo kuyaallo dhulka ay Yuhuuddu haysato oo ka sheekaynayo sida ay xarun maydka lugu baadho oo isla dalkaas ah ay maydad badan oo kala duwan xubnaha ugala bixi jireen ayagoon ogolaasho kahaysan qaraabada maydadka. Kadib markii cajaladdaa lagasii daayey Tv2 ga dalka Yuhuudda ayey Ciidanka Yuhuudda qirteen inay maydadka xubnaha ka guran jireen ayagoon ogolaasho kahaysan qaraabada maydadka.
Dadkii iyo madaxdii qaylada afka goostay markay Aftonbladet daabacday eedda Yuhuudda la eedeeyey markan markay arrintii rumowday caddaynna loo helay oo waliba kuwii la’eedeeyey ay qirteen, afka ayey qabsadeen oo illaa iyo hadda cid juuq dhahda lamahayo. Waxaa intaa sii dheer jaraa’idka garabka midig ee Iswiidhan kasoo baxa afkana sidii digsi karkaray kaburinhayey shanqadhoodaba lawaa iyagana, iskadhaaf inay khaladkooda ay khaldameen ay qirtaane waxaad moodaa inayba madaxa buste kudateen.
Beennna ha sheegin runna ha sheegin waxaad sheegtana hawaayin:
Yuhuuddu waxay billowday inay kuddooddo arrintaas way dhacday waxayse dhacday wakhti hore oo arrintaa hadda waa lajoojiyey iwm. Arrinta jirtase waxay tahay hadalkooda wax macno ah sammayn mahayo sababo jiro awgood:
Arrinta markii lugu eedeeyey isma ayna dajin oo wax baadhis ah mayna sammayn bal say wax uhubsadaan ee inkiraad iyo idho adayg iyo aflagaaddo ayey lasoo istaageen.
Haddayna ahayn haweenayda Maraykanka ah ee caddaynta keentay waligoodba mayna qirteen sida muuqata, waayo horeba looma arag ayagoo khalad qirta.
Illaa iyo hadda mayna soo bandhigin wax lugu qanco macnaha arrinta dhaca xubnaha dadka goortay billaabatay, intay dhammayd baaxad ahaan, cidda kadanbaysay iyo sababta keentay in labillaabo ama lajoojiyo.
Waxaa jiro waxyaabo badan oo Yuhuudda lugu ogyahay sida; dilka iyo xasuuqa Falastiinida, dhaca dhulka Falastiinida, Boobka guryahooda, Xatooyada biyahooda iyo khayraadka kale ee dabiiciga ah iwm.
Laakiin waa waxaanba meesha lasoo dhigan inay xitaa kuwa dhintay ugaadhsato kana ganacsato xubnahooda.
Taloow maxaa u hadhay oo foolxumo ah oyna sammayn illaa iyo hadda.
”in laga qaato xubno kamid ah jirka dad dhintay oodna u aragto inuu cadawgaaga yahay ood waliba xubnahaa kudayactirto ciidankaada, waa wax aad la’isu waydiiyo ficil iyo calaamad ahaan” Professor Nancy Sheppard-Hughes, Barkley Universitay, California, USA.
Waxaa qoray:
Axmed-shil Muxumed
Borlänge, Sweden
ahmedshil@yahoo.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.