Home » Warar »

Muuqaalka iyo Naqshadda Cusub ee SomaliTalk.com Ku soo dhawaada….

Bahda SomaliTalk waxay markale akhristayaasha u soo bandhigayaan website-ka oo la casriyeeyay, waxna laga badelay muuqaalka. Laakiin xogtii ku jirtey websiteka ay sideedii ugu kaydsan tahay (Xogtii 10-kii sano ee la soo dhaafay).

Haddii aad u baahatid kaydkii qoraaladii hore waxaad eegtaan dhanka midid ee shaashadda meesha ay ku qoran tahay:

  • Archive/Maalinle
  • Archive/Bilkasta

Sidoo kale waxaad xogta ka baari kartaa isla dhanka midig meesha ay ku qoran tahay

  • Archive 99-2009

Halkaas oo aad ka baari kartid qoraaladii hore loogu qoray website-ka tobankii sano ee la soo dhaafay.

Sidoo kale dhanka hoose ee website (meesha ay ku qoran tahay Weli Ma Akhriday) waxaad sidoo kale ka heli kartaa qoraallo kayd ah ee hore loogu qoray SomaliTalk, sida  qoraallo diini ah, sida Siiradii Rasuulka (Nabad galyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee), salaadda, sakada, soonka iwm.

Maxaa ku cusub muuqaalkan:

Waxyaabaha ku cusub muuqaalkan waxaa ka mid ah in midabka la isu dheeli tiray si akhrisku boggu u sahlanaado.

Xagga wararka waxaan ka dhignay dhawrka qodob ee wararka ugu muhiimsan in ay kor xigaan, wixii wararkii hore ahaana ay galaan khaanadda wararka (EEG meesha ugu saraysa bogga ee ay ku qoran tahay WARAR, ee dhanka sare ee bogga, bartaas ayaad markasta ka heli kartaa wararka wixii ka badan dhawrka war ee ugu dambeeyay. Sidoo kale waxaa linkiyada dhanka sare si fudud uga heli kartaan MAQAALLADA, CILMIBAARIS IWM.

naqshad2

Dhanka ugu saraysa website waxaan ku xiriirinay bog akhristayaashu ay aad u daalacdaan oo ah QURAANKA, halkaas oo ay ku jiraan linkiyo laga dhegeysan karo Quraanka Kariimka.

Wax kale oo aan ku soo kordhinay JADWALKA SALAADAHA, oo ah link aad si fudud uga heli kartaan xilliyada salaadaha. Gaar ahaan dalalka Woqooyiga Ameerika iyo Yurub oo waqtiga salaadu uu markasta is bedelo. Jadwalka waxaad markasta (Insha Allah) ka heli doontaan Linkiga dhanka sare ay ku qoran tahay JADWAL. (Sidoo kale waxaad link ka heli karta dhanak hoose ee bogga hore ee website-ka meesha ay ku sawiran tahay saacadda).

Sidoo kale naqshadda cusub waxaan ku soo siyaadiney link loo yaqaan RRS FEED oo ah hab qoraalada bogga aad ugu xiriirsan kartid Browser-kaaga (Internet Explorer, Firefox, iwm.

zhadda

Haddii aad adeegsatid FireFox, qaybta RRS Feed waxay ka muuqanaysaa meesha uu ku qoran yahay cinwaanka websiteku, sidan oo kale:

Waxa kale oo aan hal bog ku ururiran qaar ka mid ah Video-yada aan hore u faafinay, waxaad ka eegi kartaa linkiga ay ku qoran tayay VIDEO.

Bahda SomaliTalk naqshadda cusub ee ay bedeleen waxay badankeedu ka timid ra’yiga akhristayaasha iyo sida ay u arkeen muuqaalkii kan ka horeeyey, taas oo talooyinka akhristayaasha aan aad u tixgelinay si ay u sahlanaadaan akhrista qoraalada lagu qoro websiteka iyo kaydintiisa.

Waxaa xusid mudan in SomaliTalk ay u sahasho akhristayaasha in si fudud ay u daabacan karaan ama PRINT uga samaysan karaan qoraallada, taas oo qoraalka oo kaliya u daabacmayo (iyo dabcan jawaabaha qoraalkaas laga bixiyey ee ku hoos qoran), oo aysan la socon linkiyada iyo qoraalada dhinacyada.

Muuqaalo dhawr ah ayuu soo maray website-ka SomaliTalk mudaddii tobanka sano ahayd, waxaana ka mid ah saddexda muuqaal ee hoose:

nhore2

nhore3

nhore

naqshad

Bahda SomaliTalk waxay akhristayaasha ugu mahad celinayaan talooyinka joogtada ah ee ay na soo siiyaan.

Fadlan wixii talo ku saabsan sida aad u aragtaan naqshadda iyo muuqaalka cusub ee SomaliTalk.com ku soo dir emailka: somalitalk at gmail dot com.

Mahadsanidin.

Bahda SomaliTalk.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Muuqaalka iyo Naqshadda Cusub ee SomaliTalk.com Ku soo dhawaada…. "

  1. mohamed says:

    Asalaamu Calaykum Wa raxmatullaah.
    Waa ficanyahay. Waa muuqaal akhrinta aad u ugu fiican.
    Gaar ahaan de’eda cuslaatay, aad buu aniga iila fiicanyahay, dhalinyaraduna wexey ku diidi karto magaranayo, intii siiga case ka yar wxaan qabaa in ay soodhoweyndoonaan. Somalitalk shaqa fiican baad qabateen. welldone.Excellent job.
    mohamed

  2. cabdiqani says:

    asalaamu calaykum,

    maashaa- allah, waan soo dhaweynayaa naqshada cusub, annigoo rajaynaya inay noo sahli doonto inaan si fudud u daalacano somalitalk,
    marka kheyr allah ha idin siiyo hana ka daalina xaqiiqo raadinta & nabadeynta dadka soomaaliyeed.

    waxaan idiin rajaynayaa horumar insha allah

    cabdiqani