Home » Warar »

Ugaas Maxamed-weli: “Ma aha inay shacabka simaan mujaahidiinta iyo ciidamada cadowga ee dalkeena ku soo duulay”

Ugaaska beesha Sade ahna afhayeenka Salaadiinta beelaha Daarood Ugaas Maxamed-weli Sheekh Axmed-Nuur oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu uga hadlay arrimo dhinacyo badan taabanaya, wuixuuna baaqyo u jeediyey Mujaahidiinta, shacabka iyo qabaa’illada Soomaaliyeed wuxuuna shirkiisa Jaraa’id ku bilaabay sidatan:

“Xaaladda dalka Soomaaliya ku sugan yahay waa mid marba marka ka dambeysa ka sii dareysa, waxaana loo baahan yahay in dadku arrimahooda ka tashadaan si ay uga baxaan dhibka 19 jirsaday ee ay ku jiraan, waxaana ugu baaqayaa Mujaahidinta iyo shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah qodobadan:-

1. Mujaahidiinta waxaan ugu baaqayaa in ay mideeyaan cilmigooda, caqligooda, maalkooda iyo muruqooda, si looga baxo mushkiladda 19 jirsatay loona badbaadiyo dalka, dadka iyo diinta.

2. Shacabka soomaaliyeed ee muslimiinta ah waxaan ugu baaqayaa inaysan ka tegin cadaaladda, iskana daayaan simitaanka ay simayaan ciidamada cadowga iyo Mujaahidiinta. Waxyaabaha layaabka leh waxaa ka mid ah waxaad maqlaysaa dad dhahaya “Mujaahidiinta iyo ciidamada cadowga ee soo duulay waxaa gardaran mujaahidiinta, iyagoo yiraahda Mujaahidinta iyaga ayaa daandaansada ciidamada cadowga oo xabadda ku bilaaba” ogaada Mujaahidiintu kuma aysan duulin ciidamada jooga Kampala iyo Bujunbura ee waxay weeraraan ciidamada dalkeena, dadkeena iyo diinteena ku soo gardarooday iyo kuwa difaaca ee dabadhilifka u ah, weyna ku saxsan yihiin middaas. Marka waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay kala gartaan cadowgooda iyo saaxiibkooda, isla markaana ay garab istaagaan Mujaahidiinta u taagan difaaca dalka iyo diinta.

3. Sidoo kale waxaan baaq u dirayaa dhammaan qabaa’ilada Soomaaliyeed, gaar ahaan Culimaa’udiinka, odayaasha dhaqanka, aqoonyahannada, waxgaradka iyo dhalinyarada waxaana u sheegayaa inay ogaadaan inaysan jirin gobollo lakala leeyahay oo si gaar ah ay qolo u leedahay, sidoo kale ay ogaadaan inaysan jirin dowlad Soomaaliyeed oo metesha dalka iyo dadka Soomaaliyeed, sidaa darteed waa in dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah laga daayo dilka, garaacidda, dhaca, gaalo u gacan gelinta iyo tarxiilka, waana wax ay taariikhdu xusi doonto, waxaana qabaa’ilada Soomaaliyeed leeyahay ka qeyb qaata dagaallada lagula jiro cadowga si dalka looga saaro kuwa nagu soo gardarooday ee dalkeena iyo diinteena ku soo duulay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Ugaas Maxamed-weli: “Ma aha inay shacabka simaan mujaahidiinta iyo ciidamada cadowga ee dalkeena ku soo duulay” "

  1. Daahir Faarax Afdheere says:

    Waxaan leeyahay Amiin Yuusuf Qasaaro oo ah ninka qormadaan qoray haddii aadan hubin inuu yahay maxamed wali ugaaska beesha sade yahay. ha oran waa ugaaska beesha sade.Ee bal marka hore dadka warayso! waayo waxa aan runta ahayn Dhibaataa ka imaanayso.waydhici kartaa inuu isaga sidaa kuu sheegtay laakiin “hubsiimo halbaa la siistaa”

    La yaabse malahan waayadaan dambe suxuufi ama qoraa walba wuxuu doono ama dantiisu ku jirtuu sheegaa.

  2. UGAAS MAXAMED-WELI ILLAAHOW KOR KA YEEL
    WUXUU KU HADLAY CADAALAD , SOOMAALIYANA ISAGA OO KALE AYEY U BAAHAN TAHAY IN
    ALLAAH HOGGAANKA UGU DHIIBO, 20 SANO
    WAXAY KU BUUXSAMEYSA DEC.2009, SILACA
    IYO DAR XUMIDA MEEL KASTA KU HAYSATA
    SOOMAALIYA WAXAA U SABAB AH DADKA HOR
    TAAGAN OO ISKU SHEEGAYA ISIMADA IYO
    IWM.

  3. caadil says:

    Ugaas sidee Alle kuu galey Cadaaladdaadu ma tii dawacada, waraabha iyo libaaxa dhexmartey baa.

    Ma cabsi ba kuu geysey hadallada xikmadda yar ee kaa soo fulaaya.

    Mujaahidku xagguu joogaa, ma kuwa dhiigga iyo cadaabta masakiinta baneystey baad mujaahid ku sheegeysaa.

    Diinta wax kama taqaanid baan u maleynaya waliba ruux badaw ah ayad u muuqataa.

    Shacabkan qofkii dhiiggooda badbaadiya ayaa u walaal ah, u garab ah galo iyo muslimba. Galo lala jihaadayo ma joogto Soomaaliya. waxa gaalo ah kuwa arxan lawiyaasha halaagga ummaddan loo soo direy