Home » Maqaallo »

Shaqaalihii Caafimaadka Ee Lagu Diley Soomaaliya 1992 – 2009

Shaqaalihii Caafimaadka Ee Lagu Diley Soomaaliya

1992 – 2009 

Laga bilaabo 1991 oo aheyd markii ay bur burtay dowladii dhexe ee Soomaaliya waxa inta badan gobolada koonfureed ee Soomaaliya ka holcayey dagaalo sokeeye oo bur burkii ay keeneen ka sokow galaaftay nolosha kumanaan Soomaali ah oo la diley iyagoon waxba galabsan. Si kastaba ha ahaatee kumanaankaas shacabka ah ee ku dhintay dagaaladaas weli socda waxa ka mid ahaa xirfadley caafimaad oo iskugu jirey dhaqaatiir iyo kal kaaliyeyaal caafimaad oo Soomaali iyo ajnabiba leh kuwaasoo iyana lagu diley Soomaaliya iyagoo inta badan faraha kula jiray howlihii muhiimka ahaa ee ay bulshadooda u hayeen.  

Shaqaalihii caafimaadka ee lagu diley Soomaaliya waxa ka mid ahaa. 

  •  
    • Dr Maxammed Warsame Cali oo ahaa dhaqtar si gaar ah ugu taqasusay cudurada haweenka (gynecology) intii aanay burburin dowladii dhexe ee Soomaaliyana ahaa agaasimihii cisbitaalka Banaadir waxa 11 nov 1992 ka afduubay cisbitaalka hooyada iyo dhalaanka SOS ee magaalada Muqdisho maleeshiyooyin ka tirsanaa kooxdii jeneral Maxamed Faarax Ceydiid waxana meydka Dr Warsame markii danbe laga helay goob ku taala magaalada Muqdisho.
    • Dr Mohammed Musa Sugule oo u shaqeynayey heya, da MSF waxa 8 dec 1992 ku diley magaalada Kismaayo maleeshiyooyin ka tirsanaa jabhadii SPM ee uu madaxda u ahaa Axmed Cumar Jees. Dr Sugule oo ka mid ahaa dad gaarayey 126 qof oo ay habytooda qabiil dartood Kismaayo ugu laayeen maleeshiyadii Axmed Cumar Jees intii u dhexeysay 8/10 dec 1992 waxa dilkiisa saxaafada u bandhigay sarkaalkii heystay Unicef Kismaayo oo lagu magacaabi jirey Sean Devereux kaasoo ay isna 2 Janaayo 1993 Kismaayo ku dileen isla maleeshiyadii Axmed Cumar Jees. (Xasuuqii Kismaayo fiiri: Human Rights Watch, Somalia beyond warlords The Need for a Verdict on Human Rights Abuses 1993) ama (Alison Mitchel U.S. Army Investigating Killings in a Somali Port january 5 1993 The New York Times )
    • 20 Feberaayo 1993 waxa maleeshiyooyin Soomaali ahi ay jidka isku xira Xamar iyo Baydhabo ku dileen Valerie Place oo aheyd kalkaaliso 23 jir ah oo u dhalatay dalka Ireland una shaqeyneysay hey ,ada Concern
    • 31 Ogoosto 1994 waxa cisbitaalka magaalada Baydhabo lagu diley 3 dhaqtar oo Hindi ah ka dib markii nin Soomaali ah uu banbo ku qarxiyey qol ay ku jireen.
    • 22 Oktoobar 1995 waxa magaalada Marka lagu diley Graziella Fumagalli oo aheyd haweeney madax ka ah cisbitaal lagu daweeyo cudurka TB oo ay maamuli jirtey hey, ada Caritas Italinana.
    • 20 June 1997 waxa magaalada Baydhabo lagu diley Dr Ricardo Marques oo ahaa dhaqtar Boortaqiis ah oo u shaqeynayey hey ,ada MSF.

 
 
 

  •  
    • Bishii Janaayo 1999 waxa agagaarka degmada Garbohaarey ee gobolka Gedo lagu diley Dr Manmohan Bhogal oo ahaa dhaqtar xoolaha daweeya oo u shaqeynayey hey, ad Talyaani ah oo lagu magacaabo Terra Nuova. Dhaqtarkan waxa markii la dilayey uu ku howlanaa barnaamij xoolaha looga talaalayey cudurka Dabakaruubka ee laaya Lo,da (Rinderpest)
    • 15 Septmebar 1999 waxa niman hubeysani ay agagaarka degmada Balcad ku dhaawaceen Dr Ayuub Sheekh Yarow oo ahaa dhaqtar u shaqeynayey hey,ada Unicef. Dr Ayuub oo markii la dhaawacayey ku howlanaa barnaamij talaalka caruurta ah waxa uu 16 septembar 1999 u geeriyooday dhaawacii gaarey iyadoo lagu daweynayo cisbitaalka Keysaney.
    • 28 April 2001 waxa niman hubeysani ay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ku dileen Dr Daahir Sheekh Axmed oo ahaa dhaqtar bartay (Radilology) oo ka shaqeyn jirey cisbitaalka Mount Sinai ee Muqdisho.
    • 4 july 2003 waxa niman hubeysani ay iridka cisbitaalka Mount Sinai ee magaalada Muqdisho ku dileen Dr. Husayn Muhammad Nur oo ahaa dhaqtar ku taqasusay cudurada indhaha. Dr Huseyn oo dib ugu noqday Soomaaliya 1990 waxa uu ka mid ahaa dhaqaatiirta faro ku tiriska ah ee ku adkeysanayey iney umadooda u sii shaqeeyaan. (Dr Xusseen waxa ay walaalo ahaayeen Xassan Maxamed Nuur Shaatigaduud)
    • 7 Oktoobar 2003 waxa magaalada Boorama lagu diley Dr Annalena Tonelli oo aheyd haweeney 60 jir ah oo maamule ka aheyd cisbitaal lagu daweeyo cudurka qaaxada TB. Dr Tonelli waxa ay Boorama ka shaqeyneysay tan iyo 1994.
    • 23 Oktoobar 2005 waxa nin hubeysani uu magaalada Kismaayo ku diley Dr Cabdi Maxamed Aadan oo ahaa dhaqtar reer Kismaayo ah oo ka shaqeynayey xarun caafimaad oo ku taala Kismaayo.
    • 17 Septembar 2006 waxa niman hubeysan oo ka tirsanaa xarakada Alshabaab ay cisbitaalka SOS Muqdisho ku dileen sister Leonella oo magaceeda dhabta ahi ahaa Rosa Sgorbati. Haweeneydan oo dadeedu aheyd 60 jir caruurta ku xanaaneyn jirtey cisbitaalka SOS waxa ay Soomaaliya ka shaqeyneysay mudo 38 sano ah. Inkastoo madaxda kooxihii maxkamadaha ee waqtigaa heystay Muqdisho ay balanqaadeen in ay sharciga soo taagi doonaan ragii dilka fuliyey hadana taasi ma dhicin. 
    • 27 June 2007 waxa niman hubeysan ay degmada Ceelberde ku dileen Dr Maxamed Muuse Cali oo ahaa dhaqtar u shaqeynayey hey,ad lagu magacaabo International Medical Corps.
    • 11 Oktoobar 2007 waxa niman hubeysani ay goob caafimaad oo ku taala magaalada Muqdisho ku dileen Dr C/llaahi Cali Xalane (Dr Cigaal).
    • 28 Janaayo 2008 waxa qarax ka dhashay miino dhulka lagu aasay magaalada Kismaayo ugu geeriyooday Dr Victor Okumu oo ahaa dhaqtar Keenyaan ah oo u shaqeynayey hey, ada MSF. Dr viktor oo taqasuskiisu ahaa qaliinka haweenka dhalaya (obstetrics surgeon) waxa la geeriyooday Damien Lehalle oo ahaa nin Faransiis ah oo qaabilsanaa saadka iyo Maxamed Cabdi Cali Bidhaan oo ahaa darawalkii ku waday baabuurka.
    • 3 Dicembar 2009 waxa qarax lala beegsaday xaflad qalin jebin ah oo ka dheceysay Hotel Shamo ku dhintay 22 qof oo uu ka mid ahaa Dr. Maxamed Warsame Shahiid. Weerarkan oo dadkii ku dhintay ay u badnaayeen arday ka baxday jaamacada Banaadir qeybteeda caafimaadka waxa kale oo ku dhaawacmay dhaqaatiirta kala ah. Dr. C/llaahi Xasan Maalin oo ahaa Agaasimihii Isbitaalka SOS ee Muqdisho, Dr. Tahaliil Cabdi Afrax, Dr. C/llaahi Sheekh Xuseen (Bushkuleeti), Dr. Maxamed Maxamuud Bidey iyo Dr. Wehliye

 
 

Tixraac. —– Human Rights Watch, Somalia beyond warlords The Need for a Verdict on Human Rights Abuses 1993

——- Alison Mitchel U.S. Army Investigating Killings in a Somali Port january 5 1993  The New York Times.

—— Médecins Sans Frontières. Three MSF aid workers killed in serious incident in Kismayo, Somalia, 28 January 2008.

—— Dennis King, Chronology of Humanitarian Aid Workers killed in 1997 – 2001 reliefweb Int 2002,

Reuters Suicide bomber kills three Somali ministers dec 3 2009 

Fiiro Gaar ah: Dilka dhaqaatiirtan ma jirto cid maxkamad loo soo taagay oo loo xukumay.  

Qalinkii Abdulahi M. Osman

Sweden

Wixii talo ah ama tusaale iigu soo dir

Ugaas1@msn.com 

Wixii aan qalday halaga raali ahaado wixii aan ka tagayna sixid u furan waxanan maqaalka ku soo gunaanadayaa  

”Arladeena dahabaa iliilaha ka jiifee

Hadaan aalad baartiyo aqoon lagu fulshaa jirin

Il miyaan wax uga guri

Intaan oday ku faaniyo kala aano gudashiyo

Qabiil ururiheynaa asaageen na dhaafaye

Amaah nalagu caayiyo caawimaad ajnabiyoo

Aflagaado dabotaal qaran kuma aflaxayee

Na taageer alahayoow” 

(Cabdulle Raage Taraawiil) 

Ilaahow Nabad Nabad iyo Cadaalad 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Shaqaalihii Caafimaadka Ee Lagu Diley Soomaaliya 1992 – 2009 "

  1. waxaam marka hore umahad celinayaa dadka waxa garadka ah ee siku mashquuliayay inaysan lumin halyeeyadii caafimaad ee soo mara somaliya inay keediyaan dambiyada laga galay shacabka somaaliyeed ee xad gudubka ku ah shareecad islaamka waxaana dhamaantood dhaqaatiirta somaaliyeed ee xaq darada lagu dilay ilaahay uga baryayaa inuu janadiisa geeyo waa mahadsantihiin somalitalk

  2. Waddani says:

    Waad mahadsan tahay Abdullaahi.
    Arrintaan waxay daliil cad u tahay hagar daamada ummadda somaliyeed loo ma leegayo.
    Waxaa jirta oraah ah” dil aqoonta iyo maskaxda fayow, rarana jahliga” Macnuhu waxaa weeye: dadka aqoonta leh iyo waxgaradka dila, jaahiliintana rarta,sida dameeraha. Arrinta ina haysata waa sidaas.