Home » Warar »

Kooxda Caalamiga ah ee la Xiriirka Arrimmaha Soomaaliya (ICG) oo ka hadlaysa aayaha Soomaaliya

WAR-SAXAAFADEED 033/2009

Kooxda Caalamiga ah ee la Xiriirka Arrimmaha Soomaaliya (ICG) oo ka hadlaysa aayaha Soomaaliya

Nayroobi, 16 Diisembar 2009 – Wakiillo ka socda in ka badan 30 dal oo isugu jira kuwo caalami iyo kuwo gobolkaba ah ayaa ku shiraya magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya 17ka bishan Diisembar. Waxay ka wadahadli doonaan arrimo wax ku ool ah oo lagu taageerayo dowladda Soomaaliya iyo hirgelintii heshiiskii Jabuuti.

Isagoo soo dhoweynaya shirkan, Ergeyga Gaarka ah ee Qarammadda Midoobay u Qaabilsan Arrimmah Soomaaliya, Ahmedou Ould-Abdallah, SRSG, oo shirguddoomin doona shirka ICG, ayaa sheegay inay tahay waqtigii ku habboonaa in lagu soo bandhigi lahaa horumarkii la gaaray, sidoo kalena la qaadi lahaa tallaabooyin qeexan oo taaban karo ee hore loo qaado.

“Hadda waxaan haysanaa Dowladda Soomaaliya oo ah saaxiib lagu kalsoonyahay oo lagula shaqeyn karo si dib loogu soo unko hannaan maamul, iyo in dhidibbada loo dhiso xoojinta xasilloonida. Bulshada caalamku waa inay ka faa’iidaysato fursaddan si Dowladda Soomaaliya loo gaarsiiyo taageero iyo gurmad degdeg ah.”

“Ink.astoo ay jiraan caqabado badan iyo weerraro waxashtinimo ah oo ay soo qaadayaan kuwa doonaya inay weeciyaan geeddisocodka nabadda, haddana Dowladdu waxay ku guuleysatay inay ku taagnaato waddadeedii muddo ku dhow hal sanno. Dowladdu waxay haysataa ilaa iyo bisha Agoosto 2011 si ay waddada ugu xaarto soo celinta nabadda iyo dibudhiska nolosha dadka Soomaaliyeed.”

“Wax alla wixii kaalmo ah ee hadda dowladda loo fidiyo waxay in badan ka qiimo badan tahay kaalmo loo fidiyo mustaqbalka, sababtoo ah kaalmada hadda la gaarsiiyo waxay si buuxda ugu taageeraysaa inay xasilloonida soo celiso, iyo inay billowdo dib u dhiska qaranka. Nuxur ahaan, taageerada hadda la bixiyo waxay dammaanad qaadi doontaa mustaqbalka dambe.”

“Bulshada caalamku waxay si midaysan u cambaareysay qaraxyadii 3dii bishii Diisembar lala beegsaday magaalada Muqdisho. Waxaa sidaas si la mid ah loo baahnyahay in ku midaysnaato kana go’naato taageeridda dowladda si ay dowladdu u sii waddo dadaalka ay ku fulinayso heshiiskii Jabuuti.”

Md. Ould-Abdallah wuxuu sidoo kale Ururka Dalalka Islaamka (OIC) uga mahadceliyay abaabulka ay soo abaabuleen shirkan, sidoo kale wuxuu Dowladda Sacuudiga uga mahadceliyay martigelinta shirkan.

 

Donna G. Cusumano
Public Information Officer
United Nations Political Office For Somalia (UNPOS)
Telephone: Office    – 254 20 7627133
                     Mobile – 254 737 400133
Email: Donna.Cusumano@unon.org

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Kooxda Caalamiga ah ee la Xiriirka Arrimmaha Soomaaliya (ICG) oo ka hadlaysa aayaha Soomaaliya "

  1. mohamed mukhtar mohamed (bele) says:

    Ya damaanad qaadi-kara in dowladda sharif sakiin iyo sheik shariif in wada xajood la faristaan Muaradka sida (Al-shebaab-X.Islam-Ahlusuna waljama- iyo qeybaha kale.
    haddi ta la helo walaga-yaba inay wax hurmar ah ay gaari-doonaan.