Home » Maqaallo »

Ma ka Qayb Qaadanaysaa – Duminta Qaranimada Somaliyeed.

Ma ka Qayb Qaadanaysaa – Duminta Qaranimada Somaliyeed.

Kala qaybinta, Googoyta, Qolo qolaynta, kala Qoqobidda Map u samaynta Somalia , ku dhiiri galinta Jufokasta ama Qabiil walba, Yagleelidda Dowlad Goboleed ama Dowlad u gaar ah, waa horseedka burburka Qaranimada Somaliyeed & Khayraadkiisaba, ka qayb qaadashadeeduna waa khiyaamo Qaran ,waa sida uu u arko Qoraagu

Somaliyeey
Qabiilada Somalia intee bay ka kooban yihiin, Yaase tira koobay, Qabiil kastana intee Jufo buu ka kooban yahay.

Suurta gal ma noqonaysaa in Dalku yeesho 100 Jufo oo mid walba dhisto Dowlad ama Dowlad Goboleed, midwalbana hoos tago hubna ka soo qaato sida baryahaan la caadaystay Dowladda ……….. Garanaye adiguba garo.

Qabiilku ama Jufadu haddii ay isku tashato, wax walba ayada baa iskugu filan, samaysan karta, Gaari kartana horumarka ay ku tashato, inta Somalia ku jirto Koomada ama isku imaanayso.

Somaliyeey
Qabiilku- dhaqan, Xeer iyo Nidaam uu waligiis ku soo dhaqmaayay buu leeyahay, Wuxuu kale uu haystaa Distuur uu isku xukumo oo Samaawi ah , haddiise labadaas ay ka shaqayn waayeen , Qabiil Dowlad Sheeganaaya iyo Jufo Dowlad Goboleed Sheeganaysaa, Maamul wanaagsan ma keeni karaa, Qaranimose ma lagu gaarayaa WAA MAYA WAA MAYA –

Deegaan kasta waxaa Xaq loogu leeyahay Inuu xaq dhooro dariskiisa , Sokeeye iyo Shisheeyaba , Kala Nabad galaana , lagana Nabad galo, markase Caqligu lumo- waa marka aad isku tashan waydo, Gacan shisheeyana aad Qoorta gashatid,
Somaliyeey
Hay`ad ama Shaqsi iskama baxsho dhaqaale amaba Lacag , waa inaad u fulisaa danaha gaarka ah ee uu kaa leeyahay, Shacabkana u ma sheegi kartid ujeedada ka danbaysa lacagta lagu soo siiyay ( waa inaad ku sheegtaa¬ waa horumarita Deegaanka iyo Maamulka oo La Wanaajiyo ¬.

Shacabka Somalieeyd – waa ka soo daalay dulan la dulmiyo, hadana uma horayso In la isku soo adeegsado Somali, wayna ka dabaalan jireen, Rabbigoodna waa la garab gali jiray, kuwii dulmin jirayna , waa la yaqaan halka ay ku danbeeyeen.

Kuwa ku howlannow , loona soo xilsaarayow, sheganaayow, Somali baanu samata bixinaynaa, waxaana ka shaqayayaa sidii Dalka u yeelan la haa Dowlad Federal ah, taasina waxayna ku imaan kartaa ayada oo Jufakasta samaysato Dowlad ama Dowlad |Goboleed – Raali ahaada , Shacbigu waa tashan doonaa, waana tashan ayaa, Idin kama yeelidoono ee dadkiina dhinaca ka raaca yaadan dhumine.

Qoraagani wuuu ka digayaa cawaaqibta ka dhalan doonta falalka kor ku xussa , waayo Jufo waxay u sii qayb santaa Faracyo ama laamo. Farackasta ma doonayo inay u Dowladayso mid uusanba waxbaba u ogayn, Taas waxaa ka dhalan doona Burbur iyo colaadd fogaata, waxaana Masuuliyadeeda qaadidoona kuwii ku Taliyay iyo intii ku raacdayba.

Somaliyey
Dalka Dowlad baa ka dhisan la aqoon san yahay waxaan ku taliaayaa ayada aanu Dhoo dhoobanno, aanu toosinno, waa dariiqa ugu dhow uguna sahlan Badbaadinta Dalka iyo dadkaba.

Wabillahi Towfiiq

qaarey
Avv.Abdullahi Farah Qaarey

Email: avv_qaarey@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Ma ka Qayb Qaadanaysaa – Duminta Qaranimada Somaliyeed. "

  1. XAAD says:

    Bal hoos ka akhri waxa ninkaani horey u qorey dowlada Shariif ka hor, markaas ayaa waxaa kuu soo baxaya ciduu yahay, iyo inay wadaninimada uu sheeganayo ay dhab ka tahay.
    http://www.hobyo-one.com/index.php?name=News&file=article&sid=191

  2. Waddani says:

    Asc aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay niyaddaada wanaagsan ee waddaniyaddu ku dheehan tahay.
    Dalku wuxuu leeyahay labo cadow oo dawladnimada somaliya hortaagan mid somali ah iyo mid shisheeye ah. Kan somaliga ah malaha cilmi,caqiido toosan oo isku kalsooni ku abuurta, waddaniyad, wacyi qoddo dheer, siyaasad cad iwm. Koox ama qofwalba ama qabiil walba dano gaara ayuu raadin oo ah “aan is arko ama waa ciideyn talada dalka”
    Tan labaad waxaa nagu xeeran dalal aan wanaaggeenna dooneyn oo malaayiin lacag ah ku bixinaya burburka iyo abuurka jifo goboleedyada, kuna adeeganaya caws cunayaasha aan damiirka laheyn.
    Marka dalku dad maskax fayow oo ahdaaf cad cad leh ayuu u baahan yahay oo calankii iyo sharaftii kor u soo qaada.