Home » Warar »

Garoowe: Siminaar muddo 6 maalmood ah uga socday culimaudiinka oo la soo gabagabeeyay

Siminaar muddo 6 maalmood ah uga socday culimaudiinka deegaanada puntland oo maanta (dec 12)  lagu soo gabogabeeyey xarunta wasaaradda Caafimaadka ee magaalada Garoowe.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Siminaarkani oo ay soo qaban qaabisay hay’ada UNFPA islamarkaasna uu fulinayey ururka PUPA ayaa maanta waxaa lagu soo gabogabeeyey xarunta wasaaradda Caafimaadka ee magaalada Garoowe

Aqoon iswaydarsigani maanta lagu soo gabogabeeyey xarunta wasaaradda Caafimaadka DPL ayaa waxa uu ahaa mid diirada lagu saarayey ka hortaga cudurka HIV aidska iyo sidii dadka looga wacyigelin lahaa iyadoona ay ka soo qeybgaleen culimo udiin faro badan oo ka kala yimid gobolada sida Gobolka Cayn Sanaag Karkaar Mudug iyo Bari iyadoona diirada lagu saarayey wacyigelinta HIV aidska

Siminaarkani mudada 6 maalmood ah ka socday xarunta wasaarada caafimaadka ayaa waxaa ka soo qeybgalay xiritaankii siminaarkaasi Wasiiro Wakiilo ka kala socday hay’adaha caafimaadka iyo kuwa muxaliga ah.

Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadashay islamarkaasna taafaasiil ka bixisay waxa looga gollahaa siminaarkaasi Gudoomiyaha ururka PUPA Ardo Siciid Maxamed iyadoona sheegtay in ahmiyada laga lahaa siminaarkani uu yahay in bulshada laga wacyigelinyo cudurka HIV aidska oo isaga dhibaato ku haya bulshadda iyadoona la tababar culimo udiin faro badan oo iyaga ka kala yimid gobolada dalka kuwaasi oo sida ugu haboon dadka uga wacyigelin kara cudurka HIVaidska iyo halistiisa Ardo waxa ay xustay in siminaarkani ay gacan ka geysatay hay’ada UNFPA oo ay sheegtay in ay maalgelisay.

Waxaa isana nadasha shirkaasi ka Hadley Wasiir kuxigeenka Caafimadka DPL Dr Maxamed Xirsi Ducaal oo isana ku amaanay hay’ada UNFPA iyo ururka PUPA oo isana bixinayey tababarkani dadka lagaga wacyigelinayey cudurka HIV aidska isagoona culimada kula dardaarmay in ay aqoontooda uga faaideeyaan dadka kale. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadashay Sagal Cumar Maxamuud oo iyada wakiil ka ahayad hay’ada UNFPA iyadoona xustay in dadka tababarkani la siinayey ay yihiin culimo ku xeel dheer diinta islaamka iyadoona sheegtay in culimada ay yihiin kuwa ugu haboon oo dadka ka wacyigelin kara cudurka HIV aidska.

pll

Tababarkani oo qaatay wakhtigii loogu talogalay ayaa ugu danbeyntii gabogabadiisa waxaa halkaasi hadalo wax ku ool ah ka soo jeediyey Wasiir Cadaalada & Arimaha Diinta Mudane C\risaaq Axmed Geesood oo isana amaan iyo boogaadin u soo jeediyey hay’adaha ku hawlan la dagaalanka cudurka HIV aidska isagoona wasiirka uga mahad celiyey Madaxweynaha DPL C\raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud markii la doortayba sida uu ugu guntaday in la helo hay’ad u xilsaaran la dagaalanka cudurka isagoona carabka ku dhuftay in madaxweynaha uu sameeyey hay’ada la yiraahdo Puntland Commission Aids oo iyada ah hay’ada u xilsaaran aidska wasiirka oo hadalka si aad ah ugu dheeraaday ayaa waxaa uu culimada ka soo qeybgashay siminaarkaasi kula dardaarmay in ay iyaguna dhinacooda dadka uga faaideeyaan aqoonta ay barteen islamarkaasna ay masaajidada iyo meel kasta dadka kaga wacyi geliyaan cudurka HIV aidska oo faro kulul ku haya caalamka.

Xuseen Cabdulaahi Xasan
E-Mail Xuseen339@hotmail.com
Garowe Puntland Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.