Home » Warar »

Wafti Jaaliyada Soomaalida K/Afrika, wasiiro iyo Madax UN-ka ah oo xalato u ambobaxay Geneva

Wafti ka kooban wasiiro xukuumada K/Afrika ah, madax ka socota xafiiska UN-ta ee wadamada koonfurta afrika iyo Jaaliyada Soomaalida k/Afrika ee SASA ayaa xalayto k ambobaxay magaalada Johannesburg iyagoo kusii jeeda magaalada Geneva ee dalka Switzerland oo ay kaga qeybgalayaan shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga.
 
Agaasimaha Guud ee ururka Jaaliyada Soomaalida (Somali Association of South Africa) ee marka magaceeda lasoo gaabiyo uu yahaya SASA Mudane Axmed Dawlo ayaa hogaaminayay waftiga jaaliyada oo dowlada iyo qaramada midoobey ay u xusheen in ay shirkaasi ka matalaan dhamaan jaaliyadaha shisheeyaha jinsiyadaha kala duwan ee dalkani ku nool.
 
Waftiga ayaa kadib marka ay ka qeybgalaan shirka Geneva barito ka furmayo la kulmi doona xoghayaha guud ee qaramada Midoobey Banki Moon iyo madax kale oo ka tirsan qaramada midoobey iyo wadamada aduunka ee qaabila qaxootiga.
 
Shirka ayaa looga wada hadli rabaa arrimaha qaxootiga, qaar ahaan dicaafa qaxootiga iyo sidii dib u dejin loogu samayn lahaa, wadamada qaarada Yurub ayaa sanadkan soo jeedinyey barnaamij salbalaaran oo ay dib u dejin ugu sameynayaan kumanaan qoys oo Afrika laga qaadayo.
                                               
Dalkani K/Afrika oo dhawaanahan ay doodo xoogan ka taagnaayeen arrimaha qaxootiga kadib rabshadihii shisheeye nacaybka dalkani ka dhacay 2008 dii ayaa waxaa shirka si weyn looga wadahadli doonaa mustaqbalka malaayiin qaxooti ah oo dalkani ku nool oo ay Soomalida ka mid tahay.
 
Axmed Dawlo ayaa yiri “shirka waxaan u sheegi doonaa wax kasta oo xog ah oo an ka heyno Soomaalida iyo guud ahaan qaxootiga dalkani oo ah dhibaatadooda, dabcan waa in aan dhanka kale muujinaa tixgalin aan u heeyno dowlada dalka ee magangalyada na siisey, laakiin taasi micnaheedu ma ahan in la duudsiiyo xaqa dadka, wasiiro badan ayaan wadahadalnay, madaxtooyada xariiro ayaa na dhexmaray, shirar ayaan yeelanay, waxaa jira waxyaalo ay dowladu naga fileyso dhab ahaantiina inta n hadda ka aragno waa xukuumad diyaar u ah in xal laga gaaro waxyaalo baddan, wallow marka hoos loo dhaadhaco aad arkeyso waxyaabo aanan ku farax galineynin”.
 
Mar aan wax ka weeydiiney kumanaan Soomaali ah oo illaa haatan imtixaanaad laga qaaday iyo sida laga yeelayo ayuu ku jawaabay “taasi inaga doorkeena waan kasoo baxnay, wuxuu ahaa in aan gudbino diiwaanka dadka dhibateysan, si xaq ah ayaanan u gudbiney, inta aan ka war hayo UN_ta waxay waraysatay 11 kun Soomaali ah, intooda badan waxbaa loo qabanayaa sida aan ka warhayo, laakiin cilada ay madaxda UN-ka iyo dowlada ii sheegeen waxaa ka mid ah in dadka ay wada sheegteen sheekooyin isku mid ah, taasina su’aalo badan ayaa ka yimid, laakiin shirkani waa fagaare fiican oo aan ugu doodi karno xuquuqda dadka, ma doonayo in aan dadka rajo galiyo”.
 
SASA ayay tahay in kullan weeynaya ay ka jeediso warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo ka hadlaysa dhibatooyinka iyo wanaaga dadyoowga qaxootiga ah ee wadamada dhaca dhana koonfureed ee qaarada Afrika.
 
Kullan golaha dhexe iyo golaha fullinta ee jaaliyada ay ku yeesheen xaruntooda Johannesburg ayaa lagu gorfeeyey amuuraha Soomaalida u gaarka ah ee ay tahay in waftiga uu shirka hordhigo waxaana la’isku raacay in cabasho iyo mahad naq labadaba ay tahay in lagu soo bandhigo shirka.
 
Ururka Jaaliyada oo ah mid aqoonsi lixaad leh ka heysta dowlada dalka iyo hey’adaha caalamiga ah ayaa noqotey cod u dooda qaxootiyada oo dhan, shirar badan oo caalami ah wafti heer sare uga qeybgashay oo uu ka midyahay shirkii midab takoorka iyo kuwa madaxda Afrika iyo Aduunka ay isugu yimaadeen oo dhowr ah.
 
Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo), Email: saxansoxo1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.