Home » Maqaallo »

Labaatan sano kadib iyo Soomaali halka ay taagan tahay | Jooje

Labaatan sano kadib iyo Soomaali halka ay taagan tahay.

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadibna dhammaan akhristayaasha sharafta iyo qadarinta mudanoow iga gudooma salaanta islaamka Asalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaat.

Marka hore waxa aan fursaddan uga faa’ideysanayaa tacsi aan u dirayo dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel walboo ay joogaanba, anigoo uga tacsiyeeynaya mas’uuliyiintii, waxgaradkii iyo aqoonyahanadii shalayto sida naxariis darada ah loogu qarxiyey xafladii qiimaha laheyd ee loo sameeyay dhalinyaradii ka qalanjabisay jaamacadihii waddanka. Runtii waa dhacdo ay soomaali meel walboo ay joogaanba xusuusnaan doonaan qaraxaas waxashnimada ah ee loo geystay maskaxdii iyo indhihii ummadda Soomaaliyeed. Nasiib darro ka weyn ma jirto intaas oo dhalinyaro oo qalinjabinaysay in farxadoodii loogu badalo masiibo iyo wax allaah laga magangalo.

Soomaaliyeey weli annagu dib ma u xisaabtannay, ma isweydiinay halka ay wax ka qaldan yihiin. Dunidoo idil dhibaato wey ka dhacdaa oo xal waa loo helaa , maxaa annaga inaga si ah. waxaad modaa in qof walbaa uu halkiisii isaga qaboobay oo uu is yiri waa laguu hagaajin doonaa waddankii ee sug waqtigaaga. Waxaa leys lahaa 20 sanadood waa waqti nagu filan oo Soomaali wax bay ku qaadanysaa dhacdooyinkii soo maray. Waxaa leys lahaa dadku dhibtu wey kartay oo wey ka tashanayaa, waxaa leys lahaa waxaa la gaaray xilligii waxgaradka, culumada iyo aqoonyahanada fursad la siin lahaa, waxaa kaloo leys lahaa koobkii wuu buuxsamay, nasiib daro waxaad moodaa in ay hadda bilow tahay Ciyaartii.

Soomaaliyeey ogaada qof walboo mas’uuliyaddu wey ku saaran tahay oo waa kugu waajib inaad raadisa sidii dadkan loo badbaadin lahaa. War waxeynu halis ugu jirnaa in dalkan uu shisheeye gacan u galo, waxaan halis ugu jirnaa in aynu baab’no, waxeynu halis ugu jirnaa in Soomaali ayaa jiri jirtay lagu sheekeysto. War aynu isdaba qabano, war aynu xisaabtanno, war aynu iska qabano cidda qaldan ee nagu dhex jirtaa. Marka aan leeyahay cidda qaldan qolo gaar ah farta kuma fiiqayo, ee Soomaali ayaan leeyahay war baara oo aynu iska soo dhex saarno kan fidnada iyo ballaayada nagu dhex wadaa.

SYL waxey ahaayeen dhalinyaro markaas da’doodu iska yareyd, aan aqoon baddan intooda baddan laheyn, laakiin la yimid niyad wanaagsan. Niyadoodii wanaagsaneyd waxey gaarsiisay in ay helaan kalsoonidii Soomaali oo dhan, waddankana gaarsiiyaan xoriyad kaamil ah. Haddaba maanta aqoontii wey korodhay, culumadeenii wey fara baddan yihiin, inta dhaqaale Allaah u dhiibay xisaab ma leh, odayaasheena, waxgaradkeena iyo dhammaan inta damiirka iska leh wey fara baddan yihiin, nasiib darro haddana salaadu meel bay iska qabsan la’dahay. Ma is weydiinay halkaas wax ka qaldan yihiin. Wax kale maaha waxaa nagu baddan qabyaaladda, nin jecleysiga, daneysiga, qaran duminta, shisheeye jecleysiga, munaafaqadda, xaasidnimadu, xaqiirnimada iyo wax walboo ummad kala geynaya, kala shaki iyo wax daranba.

Haddaba su’aasha isweydiinta iska leh wax ay tahay ma laga yaabaa in aynu helno rag u kaca howshan oo hogaanka inoo qabta sidii SYL iyagoo ka nadiif ah arimahaan kor ku soo sheegay oo dhan. Ma laga yaabaa in aynu helno kuwo Allaah ka baqaya, oo leh karti iyo aqoon ummad lagu kasban karo. Ma laga yaabaa in aynu helno kuwo aan gacan saddexaad wax ka sugeyn oo iyaga isku kalsoon, kasbada dadkooda. Malaga yaabaa in haddii dadkaas la helo Soomaali ay u istaagaan oo ku garab galaan dadaalkooda iyagoo aan u eegeyn yuu yahay, iyo wax kalaba.

Runtii waa macquul in la helo, laakiin waxey u baahan tahay sabar iyo dulqaad iyo howshoo lagu dhaqaaqo. Ogow wax walboo hirgalay waxey leeyihiin meel ay ka biloowdaan. Haddii aad aragto waddo Kun Kiiloomitir ah , waxa ay ka bilaabatay hal tallaabo iyo wax ka yar. Ogow jidku masahlana laakiin waxey u baahan tahay kelyo adeyg, daacadnimo, dulqaad iyo allaah oo la talo saarto. Ha u istaagin nin xun oo dhan iyo warxumotashiil. Sidoo kale ha u istaagin xaasid iyo daneyste. Mar walbaa la tasho kan har iyo habeen allaah baryaya oo u taagan sidii uu u arki lahaa Soomaali oo soo noqota, oo mid ah oo garbaha iyo gacmaha is heysta. La tasho kan ka tiiraanyeeysan dhacdooyinka foosha xun leh ee dalkeena kadhacay.

Soomaaliyeey hadalkii wuu fara batay, wax qabadkuna wuu yar yahay, waxaan hadalkeyga kusoo afjarayaa intii dhimatay Allaha u naxariisto, inta dhaawaca ah allaha u fududeeyo oo dhibta ka qaado, Soomaali inteeda kale waxaan leeyahay war hala tashado, oo sidan xal maaha oo aynu waxmagaratada iyo shisheeye kalkaakaba aynu iska qabano oo dalkeena u istaagno.

Wabilaahi Towfiiq

Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Leicester UK

saicentadv@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.