Home » Warar »

Warar dheeraad ah oo ku saabsan qaraxii ka dhacay Hotel SHAAMOW ee Muqdisho

3-dii Bishan December 11:15 ee barqannimo ayaa Hotelka SHAMOW waxaa ka dhacay Qarax aad u weyn kaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan, waxaana qaraxaasi lala beegsaday xili ay Hoteelka ka socotay Xaflad aad u balaaran oo ku saabsaneynd qallinjabin arday dhameysatay waxbarashadoodii Jaamcadda Banaadir, waxaana goobta markiiba ku geeriyooday saddex Wasiir oo ka tirsanaa Dowladda Federaalka oo kala ahaa Wasiirkii Waxbarashada Axmed C/llaahi Waayeel, Wasiirkii Tacliinta Sare Pro. Ibraahim Xasan Caddow iyo Wasiirkii Caafimaadka Qamar Aadan Cali, sidoo kale waxaa goobtaas ku dhintay Dr. Max’ed Aadan Shahiid, sidoo kale waxaa goobta ku geeriyooday Qaar ka mid ah ardaydii ka qalinjabineysay Jaamacadda Banaadir iyo suxufiyiin ka kala socotay Idaacadda Shabeele iyo Teleefishinka Alcarabiya, Max’ed Amiin Aadan Cabdulle iyo Xasan Subeyr Xaaji Xasan (Fantastik), waxa uu dhaawac culus ka soo gaaray Wasiirkii Isboortiga Suleymaan Colaad Rooble iyo qaar ka mid ah Dhakhaatiirta wax ka dhigta Jaamacadda Banaadir oo kala ahaa Max’ed Maxamuud Bidey, Max’ed Xuseen Bushkuleeti , Dr Tahliil, Dr Weheliye iyo weriye u shaqaynayey Idaacadda Xormo oo lagu magacaabo Max’ed Cabdi Xuseen (Madaale).

15 ka mid ahaa dadkii Dhaawaca ahaa ayaa loo qaaday Magaalada Nairoobi waxaana dadkaasi ugu daran Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Suleymaan Colaad Rooble oo isagu xaalad miir la’aan ah ku jira, waxayna Dhakhaatiirta Isbitaalka AGA KHAN la tacaalayaan dadkii ku soo dhaawacmay qaraxaasi, waxaana qaarkood laga muujiyey rajo wanaagsan in ay ka kacaan dhaawacooda, waxaana isbitaalka hareerihiisa buux dhaafiyey dad Soomaaliyeed oo aad uga damqaday qaraxaasi.

arday3

Warar dheeraad ah ayaa waxay sheegayaan in qaar ka mid ah dadka dhaawaca ah ee dhaawacoodu halis yahay loo qaadi doono Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga kadib markii ay aqbalaad ka heleen Dowladda Talyaaniga, iyadoo qarashka ku baxaya dadka dhaawaca ah ee la dhigay Isbitaalka AGA KHAN ay bixineyso Dowladda Federaalka, sidoo kale diyaaradda lagu qaaday ayaa waxaa qarashkeeda bixiyey Dowladda Federaalka.

Isbitaalka Madiina oo ay ku jiraan ilaa iyo 46 qofood oo dhaawac ah ayaa waxaa la sheegay in qaar ka mid ah xaaladooda caafimaad ay ka soo reyneyso iyadoo lagu talo jiro in qaar ka mid ah dadka dhaawaca ah mar kale loo qaado Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Qaraxaan oo ah kii ugu xumaa ee ka dhaca Dalka Soomaaliya ayaa waxaa cambaareeyey dhamaan ummadda Soomaaliyeed, qaarkoodna waxay ku tilmaameen fal xasuuq ah oo la eegtay dad aan waxba galabsan, Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif iyo Xubno ka tirsan Dowladda ayaa xarunta Gobolka Banaadir waxay saddexda Wasiir ku dukadeen salad Janaaso ah, waxaana lagu aasay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, iyadoo Madaxweyne Sheekh Shariif uu falkaasi ku tilmaamay mid la doonayo in lagu wiiqo hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya isla markaana looga soo horjeedo in dalka Soomaaliya ka dhalato Dowlad.

Dadweynaha ku nool Somaliland, Puntland, Waqooyi Bari Kenya iyo dalka dibaddiisaba ayaa waxay cambaareyn dusha uga tureen falkii waxashnimada ahaa ee loo gaystay arday ka qalinjabineysay Jaamacadda Banaadir, iyagoo sheegay in maalintaas farxadoodii loogu bedelay Murugo iyo uur ku taalo.

Abwaan Gaariye oo wax ka dhiga Jaamacadaha Hargeysa iyo Camuud ayaa waxa uu yiri “Nin baa hadda damcay in uu nin dilo, ninkii ayaa waxa uu ka galay meel ay arday dhooban tahay, haddana maalin kale ayuu damcay in uu dilo haddana waxa uu ka galay Masaajid sidaasi daarted waa uu isaga haray labadii maalmoodba, sidaas ayayna Soomaalidu u xormeyn jirtay Birimigeyda iyo goobaha Cibaadada” waxa uu sii daba dhigay “Nin mayd ah ayaa waxaa la soo saaray rati in cabaar ah markii la sii waday ayaa maydkii ratiga ka dhacay, ninkii waday ayaa yiri ‘Alle hadda ayuu sii go’ay’, reer Muqdisho haddaad go’deen, maadaama balaayaddaan idinku habsatay”.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam ayaa iska fogeeyey in ay wax lug ah ku lahaayeen qaraxaasi, waxayna mas’uuliyadda qaraxaasi dusha ka saareen Dowladda Federaalka ah iyo Ciidamada AMISOM. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa iska fogeeyey qaraxaasi, isagoo sheegay in cidda qaraxaasi gaysatay ay og yihiin shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/Qasim Salaad Xasan oo wajigiisa caro ka muuqatay ayaa waxa uu si kulul u cambaareeyey qaraxaasi, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed u soo jeediyey in ay si wadajir ah uga hortagaan dadka gaysanaya falka noocaas oo kale ah. Qaramada Midoobey ayaa iyana cambaareysay qaraxaasi, iyagoo sheegay in aysan waxba u dhimi doonin gacanta ay siiyaan Dowladda Federaalka, isku soo wada duuboo qaraxa ka dhacay Hoteelka SHAMOW ayaa waxa uu naxdin iyo anfariir geliyey Bulsahda Soomaaliyeed, iyagoo soo jeediyey in loo guntado ka hortaga falalka noocaas oo kale ah. 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Halkan ka daawo Aaskii wasiiradii ku dhintan Qaraxa

Kulan Tacsi ah oo lagu qabanayo London, UK

Innaa lillaahi waa innaa ilayhi raajicuun !

Odayaasha, culimaa’uddiinka, aqoon yanka, siyaasiyiinta iyo dhammaan waxgaradka Soomaaliyeed ee ku nool UK waxaa lala socodsiinayaa in maalinta Axadda ah, oo bisha Diseembarna tahay 6-da, kulan tacsi ahi uu ka dhici doono magaalada London.

Kulankaas oo ay soo abaabuleen qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee London, waxay dhammaan walaalaha ka codsanaynaa in ay ka soo qayb galaan kulankaas tacsida ah.

Goobta: 356 Holloway Road, London N7
Maalinta: Axadda, 06/12/2009
Saacadda: 17:00 -21:00
Wixii macluumaad dheeri ah kala soo xiriir: 0975 117 1449

ama la xiriir: saidshire@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Warar dheeraad ah oo ku saabsan qaraxii ka dhacay Hotel SHAAMOW ee Muqdisho "

  1. waxaa dhamaan tacsi udirayaa umada soomaliyed meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay hotel shaamaw oo isugu jiray madaxda iyo aqoonyahanada ditoorada ardayda iyo dadwaynihii kale ee ka soo qayb galay xafladaa eheladoodii waxaana eebe uga baryayaa in ilaahay u naxariisto eheladii ayka dhinteena samir ka siiyo AAMIIN AAMIIN AAMIIN

  2. yusuf sharif says:

    Salaanta islaamka ka dib Alle ha u naxiisto dadkaan laakiin waxaa weli la yaabanahay dadka soomaaliyeed badankood oo runta iyo xaqiiqada sheegin wax kasta oo dhaco oo gardaro lagu sameeya dadka ka dhidhiya ogna qoladda ka dambeysa in marna uu afkooda soo marin wax ka dambeeya isqarxinta socotamaalmahan dambe ama bilahan dambe ama sanooyinkan dambe war ilaah ka yaaba ee sheega runta yaa ka dambeyey kii beledweyne ee dadka badan ee wax galka ah lagu gumaaday ? dad baa lagu yaqaan isqarxinta oo ku faana ama soomali haisku qarxiyaan ama qolo kale ha isku qarxiyaan waa taa ay weligod sheegan jiray ma haddey la xumaatay ? waa taa dadka ay gaal ka dhigi jireen ? oo ay ku xukumeen murtidiin ma haddey islaamka ay sheeganaan islaam mahee ku soo dareen haddii ay islaamkaasi ku soo dareen ma ahan iyaga waan dhihi laheen laakiin waad u jeedaan in maalin iyo habeen ay doonayaan in ay wax dilaa ama qarxiyaan taasi ayaa kuu caddeyneysa in ay ayaga ka dambeyaa dadka iyaga waxii ka soo hara waa gaalo murtadiin ah oo waxay ku xumanyahiin in la dilo marka maxay u diidayaa in iyaga ka dambeeya? ma hadda ayey qaraar la noqday ama ku noqday dhiiga dadka qaar ay ku sheegeen murtidiin ? mise xisaabta ayaa ka qaldamay ?

  3. Bashir Yusuf says:

    Alle ha u naxiisto dadkaan, Aamin. laakiin yaan la hilmaamin dadkaan waxay ahaayeen dad waxtar u lahaa dadka iyo dalka somalia. Marka howshii ay wadaan hala sii wado. Kuwa booskooda lagu badalaana Alle ha ku guulaysiiyo in ay dadka iyo Dalka Somalia horumar gaarsiiyaan. Aamin. Masiibadaan Alle ha ka dhigo mid dadka Somalida isku soo dhawayso oo gacaltooyo ku abuurta iskana qabtaan midka duliga la raadinayo.

  4. Abdi says:

    si cad taloow ma loo hubaa in uu qof is qarxiyey?

    yaa falkan gaystay? yaa ka danbeeyey maxaa laga faaiidayaase?

    waa laba mid uun, inuu soo qaban qaabiyey mid aan waxba garanhaynin,sababtoo ah kani horta jihadma ahayn, walaahi inuuna kani jihaadshaqo kulahayn. yaa la laynayey,shacabka, marka shacab la laayo oo barakaysan diinta kuma baran. kumana jirto.

    waa tan labad e markale qofkii falkan ka danbeyey cawaan buu ahaa. mar hadii uusan karin ahayn dagaal barakaysan ma laga yaabaa in ay fuliyeen dad leh dano. sida in dad shacab ah la laayo sida kan oo kale deeedna la yiraahdo dadkaas waxaa laysay qolada nabad diidka ah.

    labada dhinac ee is haya uunbuu midkood fuliyey taasaa cad. balse kii falayoow hadaad soomaali ahaydna dhiig dameer baa kugu jira. hadii uu ajnabi ahaana nijaas buu ahaa. balse hadii kii is falkan gaystayoow waxaan ku faraxsanahay in ay caddaaladda dhabta ahi tahay maalinta qiyaame. lagu dulmi maayo hubaal.

    Somaaliga dhintayoow eebe hakuu naxariisto.