Home » Warar »

Maalintii Aaska Aqoonta Soomaaliyeed – Dec 3 2009

Umad waliba waxay lee dahay dadyaw kala duduwan xaga Aqoonta , Meeqaanka , Darajada iyo Da’da.
Jiilalka dalka Soomaaliyeed waa dad isku wada dhow dhow marka laga hadlayo xaga dhaqaalaha oo ma jirto Nolol sidaas u sii kala durugsan oo ay dadku ku kala gedisan yihiin. Lakiin waxaa lagu kala tagey wa Aqoonta , markii dawladii Soomaaliyeed dhacday dalkii burburay sharaftiina dhulka gashay dadkiina kala dhaqaaqeen qof walba wuxuu wejiga saaray meeshii ceshata.

Dadkii wax bartay intii ka horeysey burburka badankoodu wadanka way iskaga baxeen. Waxayna afka saareen dalalka Yurub , Amerika iyo dallalka aynu Bad iyo beriba deriska la nahay.

Inkastoo markastoo aan adeegsado Weedh muujinaysa Wada jir ama jamac Soomaaliyeed aan xasuusto in aysan jirin dad soomaaliyeed oo jamac maanta ah oo weliba Ereygan Agoonka ah ku Midaysan{Soomaali}. Hadana weli waxaan qorayaa Luqadii Soomaaliga ahayd oo aan aamisanahay in tan la wada lee yahay inkastoo dad badani ayada lafteeda ka tageen ay tahay Luqadan.

Dadkii shalay ku dhamaaday qarraxii Bahalnimada ahaa, Nacasnimada ahaa Diin la’aanta ahaa , Dadnimo xumada ahaa Gumayta iyo gaaguuntirka Umada indhaheeda ahaa. Aan is waydiinee yey haayeen dadkii ku dhintay?

Dadkaasi waxay u qaybsanaayeen Saddex nooc oo kala ah.
1:Caqligii iyo Waayo aragnimada Soomaaliyeed.
2: Ubaxii tacaliinta iyo Rajada
3: Codkii shacabka

Aan u kala horaysiiyo sidaan u kala horumariyey. Kooxdaasi koowaad waxay ahayd Professeradii . Dhaqaatiirtii , macalimiintii iyo Wasiiradii ku Hoobtay qaraxii Caqli xumada iyo cawaanimada. kuwani waa dadkii huwanaa Aqoontii wadatay Waayo aragnimada iyo Xirfada dhan 40 ilaa 30 sanadood. Waa kuwii wax laga hadhi laahaa si ay ugu Ayan jiilka danbe, Waa kuwii kala hagi laha dadkan aan caqli iyo cilmo toona lahayn ee sida Ugaadha is Baacsanaya, waa Macalimiintii 20ka sano u soo samrayey Qaranka baaba’ay ee dhulka galay. Lana tacaalayey jahliga ayagoo u dhabar adagayey. nasiib darose la is raaciyey ayagiin iyo kuwii ay ku soo tacab iyo taagba beeleen,

a1

Waa astaanta dalka iyo qarranimada. muujisa in Qaran {Nation} lee yahay dad wax bartay. qof kastoo jooga meel Soomaaliya ka baxsan waa garan karaa meesha bulshada ama dalkaas uu joogo Meeqaamka ay ka leeyihiin bulshadooda sida loogu faano loona dhawro Sharaftooda iyo karaamadooda. Waxaa hubaal ah nin dalalka Soomaaliya ku xeeran ee deriska la ah sida Kenya , Djibout , Ethiopia , Yemen iyo Ugandha laga heli karo Kumanyaal Professors, halka Soomaaliya ay adag tahay in ay boqol gadhaan xataa marka lagu daro kuwa Debeda ku dhaqan ee dallalka kale dhalashadooda haysta.

Kuwaas ayaa shalay waxaa dab qabadsiiyey oo Bam ku qarxiyey Ruux kale oo Soomaaliyeed ama wata Feker dad Soomaaliyeed aamisana in uu ku jano tegayo.

Kooxdan labaad waa Dhaqaatiirtii u soo gudubtey rajadda iyo Mustaqbal nuuraya . u dhabar adaygay Sanawaad dal Foodo iyo faqri hadheeyey, waxay ku soo dhex koreen ku soo barteen hadana, meel geerida iyo Noloshu u dhaxayso daqiiqado. Waxay hiigsanayeen in ay dalkooda iyo dadkooda wax u qabtaan.

arday3

markan ay halkan Safanyihiin waa daqiiqadii u danbeeyey ee niyadoodu u sheegaysey in ay gaadheen Yoolkoodii{ Goal}. Waase daqiiqadihii u danbeeyey ee Noloshooda. ay ku soo dhamaysteen wax barasho Cidhiidhi iyo caqabado badan {Sufferer}. waa Calaamad muujinaysey in ay weli jiraan dad Soomaalinimadu ku jirto oo amisan in ay dhulkooda wax u bartaana kuna bartaan waxna u qabtaan dadkooda Baaba’aya ee kooda dhiig baxa loola soo cararo Nairobi ka dibna hawada ku naf bax ka dib qarash badan .

Waxaa cid kastoo Bini’adam ah ashqarar iyo fajaciso ku noqotey dad laynaya oo xasuuqayaa Aqontoodii iyo kuwii kala hadhay Xoogaga ee Ubaxii maanta ahaa. hadaad booqato Warbaahinta caalamka ama aad dhagaysato amase aad daawato waxaad arkaysa Hilibkii ardaydi. Dhaqaatiir iyo Profesirdii Soomaaliyeed. Kuwaasoo xataa wax laga aaso aan la garan karin hilibkooda. Weriye ka mid ah kuwa caalamiga ah kana warbixinayey dhibaatadan shalay ku habsatay Soomaaliya ayaa yidhi ” Waa dal ay la degtay Nabad la’aan , Faqri iyo dad la’aan” taas waxaa loo fasirtey wadaniyiin ma leh Soomalidu.

a6

Codkii Shacabkana lagu dar. Suxufiyiinta joog gudaha Soomaaliya waa hal laba midgoole dhengadeeyey dhana uma bed qabo. waxay noqdeen Hadhuudh aad muudo in loodaadiyey shinbiro gaajaysan. Waxay ka mid yihiin dadka yar ay ku danbayso Soomaalinimada iyo dhabar adeyga aan la ilaawi kareyn. Waxay yihiin suxufiyiin ku shaqaynaysa Muta dawacnimo mudo labaatan sano ah {Volunteer}.Waxaase ay ka mid noqdeen dadkii shalay raacay intii badnayd rajadii umadda Soomaaliyeed iyo Aqoontoodiiba.

Umadda iyo Kelmeda Soomaaliyeed iskuma haboona. Waayo ma jirto umad ama dad jira oo beegsada hal doorkooda iyo kan hormuudka u ah. Maaha umad kuwa aan ka dhiidhiyin tan oo kale ee aan qaadin Kacdoon shacab. Umadi waa tii dhiig iyo damiiru ku danbeeyo. kana dhiidhiya oo diida Dulmiga iyo dhibaatada joogta ah ee ka sii daraysa maalinba maalinta ka danbaysa.

Wuxuu qof kastoo dunida jooga maanta la yaaban yahay ma jiro xataa weli 100 qof oo Soomaaliyeed oo arintan ka banaan baxay. shalay gelinkii hore intii aan qaraxu dhicin waxaa Muqdisho ka socdey banaan bax lagaga soo horjeedo Akari Ciidan oo jagadii laga qaaday. waxaana shalay ay ahayd maalin qaranka Soomaaliyeed dhulka galay mudana in loogu yeedho { National Disaster}or Dark day Of Somalia}.
Waxaa muuqata in Dadka Soomaliyeed ay wadaniyadii ku bedesheen qadiyado kale oo qaarkood inagu cusub yihiin. taasoo hada maraysa Caqiido in qof Muslim ah loo dilo qadiyada Caqiido ayadoo ay soo bexeen arimo badan oo shacabka Soomaaliyeed dooriyey.

Waxaana maanta shacabkan la gudboon in ay dabo qabtaan waxa hadhay ee ah Boqolkiiba wax ka yar shan iyo afartan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Aqoonyahankiina hada uu marayo boqolkiiba labo.
Alloow u Naxariis dadkii Xaqdarada ku Le’day”

Suleiman Mohamud Hashi Dheere
Nairobi,Kenya
xaashidheere1@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Maalintii Aaska Aqoonta Soomaaliyeed – Dec 3 2009 "

  1. dhakuul says:

    waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa dhamaan dadkii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay hotelka shamoow 3 bishaan waxaana alle wayne uga baryaayaa in uu janadii ka waraabiyo inta hadeerna u jiifta alle u sakhiro,
    waxaana leeyahay soomaaliyeey waxaad sugtaanba waa tan oo kale mar hadii la idinka dilay indhihi waa aqoontii maxaa idiin haray