Home » Announcements, Warar »

Kooxda Xulka Qaranka Soomaaliya oo u amabaxay Kenya….

Kooxda Xulka Qaranka Soomaaliya oo u amabaxay Kenya….

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Cayaartoyda Xulka Qaranka dalka Soomaaliya oo muddooyinkanba diyaar garrow ku jiray ayaa u amba baxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo ay kaga qeyb galayaan tartanka qaramada dalalka bariga iyo bartamaha Afrika oo sanadkan Kenya marti gelineyso.

Ka hor bixitaankooda ayaa munaasabad sagootin ah ciyaartoyda qaranka loogu qabtay dugsiga sare ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed,halkaas oo ay masuuliyiin fara badan khudbado ka jeediyeen.
Guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid Guuleed oo munaabadii sagootinta ka hadlay ayaa sheegay in cayaartoydu ay tan iyo 1-dii October tababar soo wadeen waxaana uu kula dar daarmay in ay muujiyaan karti iyo cayaar wanaag

“Dadka aad u tageysaan waxaa tihiin isku mid oo 9 bilood ayaad ku wda dhalateen , waxba idinma dheera marka laga reebo in ay heystaan nabad iyo dowlad adag, laakin ku dadaala in aad wax weyn soo hoysaan sababtoo ah shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba adinka ayay idin sii eegayaan”ayuu guddoomiye ku xigeenku u sheegay cayaartoyda qaranka.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Siciid Maxamuud Nuur Mugaambe oo isna goobta ka hadlay ayaa ugu horeyn u mahadceliyay intii gacan ka geysatey tababarka xulka Qaranka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in marka la eego kala horeynta dalalka xubnaha ka ah FIFA ay Soomaaliya ka horeyso ku dhawaad 50 dal oo Dowlado ay ka jiraan dhismena uu ka socday 20-kii sano ee Soomaaliya ay bur burka ku jirtay.

“Dadku waxaa ay nagu eedeeyaan in aanan koob keenin marka aan tartamada ka qeyb galno, bal is weydiiya ma jirtaa mar ay Soomaaliya soo qaaday koobka CECAFA xitaa markii ay dowladdu jirtay”ayuu Guddoomiyuhu yiri intii ay socotay khudbadiisa, waxaana uu amaan ujeediyay dhalinyarada xulka qaranka oo uu sheegay in ay karti iyo dhabar adeyg muujiyeen.

“Waxaa uu guddoomiyuhu xulka Qaranka u rajeeyay guul, isagoona sheegay in inkastoo dalku dhibaato adag ku jiro hadana xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagtu ma uusan seexan ee taa badalkeeda uu qabtay wax ka badan intii lagu qaban karyay dal fowdo ka jirto sida Soomaaliya oo kale.waxayna Ciyaarta ugu horeysa ay la ciyaarayaan Xulka Ruwanda waxay ciyaarta labaad la ciyaarayaan Xulka Simbabwe Ciyaarta sadexaad waxay la ciyaarayaan Xula Eretereya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.