Ustaad shiikh badiicu zamaan saciid Al-nuurasi (2)
Badiicu zamaan Al-nuurasi markuu asaasay madarasadiisii magaalada waan ayaa waxaa bilaabmay dagaalweynihii koowaad ee Adduunka, kadib Shiikha iyo Ardadiisii oo 3 kun ah ayaa dagaalkaas ka qeyb galay si ay u difaacaan wadanka, markii uu Ruushku ku soo duulay, waxayna Shiikha iyo Ardeydiisu muujiyeen geesinimo xad dhaaf ah sida ay soo Sheegeen dadkii ka ag dagaalamaayey.
Waxaana ka Shahiiday ardeydii Qaar fara badan ilaa markii danbe uu Ruushku ka guuleystay oo qabsaday magaaladii Bitliis oo dhan.
Kadibna Shiikha iyo Ardeydiisii intii soo hadhay waa la qafaashay waxaana la geeyey xabsi ku yaala ( kostarma) oo ku taal meelaha aan la aqoonin ee Seybeeriya halkaas ayeyna labo sano ku jireen.
Shiikhu kama suulin in uu uu wacdiyo ama Duruus u akhriyo ardeydiisii iyo waliba maxaabiista kale.
Waxaa xabsigaas soo siyaaran jiray sarkaal caan ah oo ka mid ah ciidamada Ruushka,waliba wuxuu ahaa nin aad u xun oo xaasid ah oo maxaabiista oo dhami ka baqato markuu xabsiga yimaado taas ayuuna asagu jeclaa ,se wuxuu dhawr mar arkay Ruux aan ka cabsan oo aan u istaagin marka uu soo galo waana Shiikh badiicu zamaan, markaas ayuu markii danbe weydiiyey oo uu yiri waxaan u maleynayaa in aadan i garaneynin, markaasuu Shiikhu yiri waan ku aqaanaa sow ma tihid Fikilo Niikulu Fiitish oo ah Sarkaal ka tirsan Ciidanka Ruushka .waxaa yaabay Sarkaalkii oo yiri haddaba maxaad iigu istaagi weyday? Markaas ayuu Shiikhu ugu jawaabay : ( Diinteyda ayaan ku faanaya , Sharaftaas darteed ayaa ii diideysa in aan Ruux kale u istaago ).
Sarkaalkii baa xanaaqay waxaana soo dhawaatay markii Shiikha loo taxaabi lahaa meeshii lagu dili lahaa, Se Shiikhu wuxuu ka fadilay dhimashada in uu ku noolaado dulinimo, waxaase dhacday in uu Sarkaalkii cafiyey kadib markii uu dil ku xukumay.
Labo sano kadib ayaa laga soo daayey Maxaabiistii wuxuuna ku soo noqday magaaladii waan, kadibna waxaa looga yeeray Ankara oo dawladu soo dhaweysay markii ay maqashay Geesinimadii ay muujiyeen Shiikha iyo Ardeydiisii.
Shiikha si aad ah baa loo soo dhaweeyey se asagu kuma qancin meesha wuxuu kula kulmay ,wuxuu arkay Dawladii oo ka sii fogaaneysa Diintii iyo Ruuxdeedii ayagoo ku marmarsiyoonaaya in ay Yurub ku dayanayaan, wuxuuna diyaariyey kitaab uu kula hadlaayo Dawladda iyo Baarlamaankaba waxaana ka mid ahaa talooyinkiisii :
( Kuwa la soo saarayoow —wuxuu ka wadaa Madaxda Baarlamaanka —- waxaa la idiin soo saari doonaa maalin weyn oo qiyaamaha ayuu ka wadaa , waxaana idinka codsanayaa toban Arrimood oo ay ka mid yihiin:
1) in ay Xukuumadu laazimto arrimaha Diinta oo ay ugu horeyso salaada oo la tukado.
2) in ay Dawladdu ogaato in in reer galbeedka oo indho la,aan la iska raaco ay tahay khatar weyn.
Codsigaas waxaa ka soo baxay in 60 baarlamaanyahan ay qaateen oo salaadii bilaabeen.
Codsigaas waa la daabacay waxaana loo qeybiyey xubnihii baarlamaanka iyo madaxda dawladda iyo saraakiisha ciidamada, taas ayaa markaas keentay in Madaxa Dawladda uu colaad u qaado Shiikh Badiicul Zamaan.
Marna wuxuu la kulmay Madaxweynihii macangaga ahaa ee Mustafa kamaal Atotoki oo uu kula kulmay Guriga Ummadda ayagoo ay joogaan koox badan oo ka mid ah xildhibaanada dawladda, wuxuuna Madaxweynuhu ku yiri Badiicu Zamaan : ( Waan u baahan nahay Shiikh Geesi ah adigoo kale, waxaan kuu casuumay in aan ka faa,ideysano Afkaartiina xeesha dheer, waxaa ugu horeeya aad naga dalabteen waxay aheyd in aan Salaadda oogno taas ayaanna khilaaf na dhex dhigtay) !!!.
Markaas ayuu Shiikhu Badiicu Zamaan Aayado Quraan ah iyo Axaadiis tilmaameysa waajibnimada Salaada iyo maqaamka ay ku leedahay Diinta Islaamka, Markaas ayuu Shiikhu soo fiiriyey Madaxweynaha oo ku yiri : ( madaxweyne ,madaxweyne waxa ugu weyn ee IImaanka ku xiga waa Salaadda , Ruuxxii ka tagana waa khaa,in , Khaa,inkana lama Adeeco ) !!!!.
Markii Shiikhu soo saaray Maqaalkiisii tobnaad ee Risaalooyinkiisii Al-Nuur oo uu uga hadlaayey Maalinta Qiyaamo , waxaana lagu daabacay si sir ah magaaladda Istanbuul aad baanu u faafay, taas ayaa marmarsiinyo looga dhigtay oo la soo xirxiray Shiikh Saciid Al-nuurasi iyo 120 ardeysiisa ka mid ah, waxaana loo taxaabay Maxkamada weyn ee Askiishhar, waxaana halkaas ka bilaabatay dacwad socotay Toban bilood oo ku soo gabagabooday in la xiro shan adeydiisa ka mid ah oo lagu xukumay min lix bilood, Shiikhana wax tuhmad ah markii loo waayey ayaa lagu xukumay Sanad maadaama uu diiday xukunka Cilmaaniga ah ee dawladdu ku dhaqanto.
Shiikhu wuxuu ka yiri Maxkamadda horteeda :
( Kuwa wax xukumaayoow Haddii Xabsigaan aadka u dhibaatada badan uu la xariiro nafteyda iyo shakhsiyadeeda waan ka aamusi lahaa sidaan toban sano oo horeba aan uga aamusay, laakiin arrintani waxay khuseysaa nolosha dad fara badan iyo sacaadadoodaba.
Risaalooyinka Nuurna waxay ka tarjumayaan xaqaa,iqda Quraanka , haddii aan lahaan lahaa 100 madax oo midba maalin la goynaayo kama tagaayo arrinkan , ajasha ilaahayna wey imanaeysaa, haddii aan adinka idinka badbaadana taas ayaanan ka badbaadeynin) !!!!.
Ninkaas weynina kama suulin in uu Maxkamad laga cafiyo haddana mid kale la geeyo laga bilaabo 1950-1960 waxana lagu qiyaasay 47 maxkamadood.
Hatanna waxaan i noo haray darsi kale oon ku soo gabagabeynayaa Siirada Caalimkaan oo ah :
Horudhac gaaban oo laga soo qaatay Buug la yiraahdo ( Siiraddii Imaamka mujadidka ah ee Al-Imaam calaamah badiicu Zamaan Saciid Al-nuurasi ) oo uu qoray Ustaadka faadilka ah ee Caasim Al-xuseyni Horudhac aad u fiicanna uu u sameeyey oo na tusineysa Jihaadka Caalimkaas weyn iyo waliba qaar kale oo ka mid ah hadaladiisii dhaxal galka noqday insha laah waa inoo mar kale iyo Culumadeenii Qarnigii tagay ma loo helay kuwa badala. (1)
FII AMAANI LAAH.
SHIIKH SAAHID MAXAMED YUSUF
ISLII ( EASTLEIGH NAIROBI, KENYA)
ALMUTAKHASIS FIL XARAKAAT AL-ISLAAMIYAH
(1) maadaana aan shiikha Siiradiisa yareystay markii hore ayaan ku abaalmariyey in aan dhamaanteed soo guuriyo oon
kaligiis qeyb seddexaad ka dhigo ayadoo lala qabo in aan dadku sidaas u sii aqoonin.
AAWW,
Sheekh Saahid Alle ha kaa Abaal mariyo sida wanaagsan ee aad noogu soo gudbisay Siiradii sheekh al-Nuuraasi, iyo kuwa kaleba, Fadlan nooga dhig mid isku xig xigta soo gudbintaada waayo inay isu dhowdahay ayey akhriska xiiso leeyahay, hadayan jirin wax dhib ah oo dib dhigga keenaya, Raalina ahow.
AAWW