Home » Maqaallo »

Xisbul Islaamoow Goormaad Baraarugteen | Maxamed Nuur

XISBUL ISLAAMOOW, GOORMAAD BARAARUGTEEN ?
 
Marka hore Illahay ayaa mahad idilkeed is  ka leh, nabadgalyo iyo naxariisna Nabigeena dushiisa Allaha yeelo.
 
Sidaa oo ay  tahay waxaa mudan inaan cadeyno dhowr arimood, si aan u fahanno dulucda Faalada.
 
1- Xisbul Islaam yaa la yiraahdaa?
 
2- Goornaa la Aas’aasay?
 
3- Waa Xisbi Ceynkee ah?
 
4- Maxay ku kala duwan yihiin kooxda Al-Shabaab?
 
Su’aalahaas iyo kuwa kaleba waxaad jawaabtooda kaga bogan doontaan faaladan hadii Alle idmo.
 
Xisbul Islaam waa urur ka kooban 4 kooxood oo dhamaantood ka tirsanaa Daladii weyneed ee Maxkamadaha Islaamka ee dalka ka hana qaaday bartamihii 2006-dii.waxaana Xisiga si buuxda shaaca looga qaaday dhismihiisa bishii 2-aad ee sanadkan, ka dib shirar gogol xaar ahaa oo ay kooxaha Xisbiga ku midoobay lahaayeen Isbuucyadaas, waxaana Xisbiga lagu dhisay howdka fog ee gobolka J/hoose, iyadoo hogaanka Xisbigana loo doortay Dr. Cumar Imaam Abu bakar, ku xigeenadiisana waxaa loo doortay Sheikh Xasan Turki ku xigeenka koowaad, Sheikh Maxamed Mire ku xigeenka labaad.
 
Sadex bilood ka dib 26 bishii May ayaa waxaa xilkii uu u hayey Xisbiga iska casilay Gudomiye Dr. Cumar Imaam, waxaana isla goobta lagu caleemo saaray Sheikh Xasan Daahir Aweys oo markii Xisbiga la dhisayey dalka ka maqnaa, lana wareegay hogaankii Xisbiga.
 
Xisbigan waa Xisbi Islaami ah, isla markaasna leh cudud ciidan, waxaana hogaamiya rag u badan ururkii horey loo oran jiray Al-Itixaad Al-Islaami oo goor danbe loo badalay Il-Ictisaam, waxaana marka la soo uruuriyo ay yihiin Xisbi afkaartiisu ku qotonto in wadanka Soomaaliya loo helo dowlad ku dhaqanta shareecada Islaamka, sida ka muuqatana waxa ay ogolyihiin xuduudaha caalamiga ah ee ka jira dunida.
 
Xisbigan wuxuu uga duwan yahay ururka ay jaalka ahaayeen ee Al-Shabaab dhowr arimood.
 
1- Waxay ogolyihiin in Soomaalidu ay iskood u tashato, isuguna yimaadaan shir ay uga wada hadlayaan aayahooda, iyadoo ayan ku dhex jirin gacmo kale, halka kooxda Al-Shabaab ay qabto in aan Muslimka la kala qaadin oo uu dalku ka dhexeeyo, isla markaasna ay dad aan Soomaali ahayn ay talada dalka wax ku leeyihiin.
 
2- Xisbigu waxay ogolyihiin xuduudaha caalamiga ah, hadii aan lagu soo duulinna diyaar uma aha inay xuduud kale u talaabaan, halka kooxda Al-Shabaab ay qabto in xuduudaha ay yihiin xuduudo Isticmaarku sameeyey in loo hogaansamana ayba gaalnimo tahay, waaba hadii ayan gaal ku xukumin cida aaminsan xuduudaha caalamiga ahee.
 
Fiiro gaar ah.
 
Xisbigu sax uma arko xuduudaha caalamiga ah, laakiin waxa ay qabaan in xiligan aan indhaha laga qarsan karin duruufta lagu sugan yahay.
 
3- Xisbiga dhalinyarada u dagaalanta kama qeyb qaataan weerarada Isqarxinta ah, mana jiro qof ka mid ah Xisbiga oo isku qarxiyey xeryaha  ciidamada shisheeye iyo xitaa kuwa dowlada, halka kooxda Al-Shabaab dagaalyahanadooda ay si aad ah ugu dagaalamaan isqarxinta, walow xubno ka tirsan Xisbiga ay soo dhaweeyaan weerarada Isqarxinta ah ee ay fuliyaan dagaalyahanada xarakada Al-Shabaab.
 
4- Xisbiga waxay la dagaalamaan dowlada KMG ah, waxayna u arkaan dowlad in ay khatar ku tahay Diinta Islaamka, balse waxa ay ka gaabsadaan xukunka ay qaadanayaan Mas’uuliyiinta dowlada mana isticmaalaan ereyga ridadda, halka kooxda Al-Shabaab ay u ‘arkaan dowlad Riddo ah, Mas’uuliyiintoodana ay u yaqaanaa Murtadiin.
 
 
Sidoo kale Xubno ka tirsan Xisbiga ayaa dowlada ku sheega dowlad rido ah, balse qoraaga faaladan uma kala cada in ay tahay fikradooda shaqsiga ah iyo in Xisbigu la qabo oo aan banaanka si wada jir ah loogu soo saarin.
 
5-Xisbiga kama mid aha dagaalyahano aan Soomaali ahayn, dhamaan dhalinyarada u dagaalantana waa Soomaali, halka kooxda Al-Shabaab ay la joogaan dagaalyahano aan Soomaali ahayn oo weliba qaarkood ay Mas’uuliyiin sar sare ka yihiin ciidanka.
 
6-Xisbigu waxay u arkaan kooxda Al-Shabaab koox Mujaahidiin ah oo mudan in lala midoobo, walow marka la ‘eego waxyaabaha aan soo xusay ay adag tahay in ay midoobaan, halka kooxda Al-Shabaab ay u ‘aragto in iyada lagu biiro hogaanka Jihaadkana looga danbeeyo Usama Bin-Ladim.
 
Xisbigu tan iyo markii la aas aasay waxay ku jireen dagaal sida muuqata bilowgiisii ayan si fiican uga fiirsanin, waxaana dagaaladaas ay sababeen inay qaataan go’aamo aan ka fiirsi lahayn oo ay ku khasabtay duruufta dagaalka, “walow qaadashada go’aan aan sax ahayn aan marnaba marmarsiiyo loo heli karin”, halka dhinaca kale ay ka aamuseen arimo la doonayey inay go’aan cad ka qaataan oo qaar ka mid ah ilaa iyo hada laga sugayo.
 
Xisbul Islaam iyaga oo xisbi ka kooban 4 kooxood ah, hadana uma ayan arkin inay wax badan ku kala duwan yihiin kooxda Al-Shabaab, waxaadna moodaa in Xisbigu ay indhaha ka laabteen kala duwanaanshaha iyaga iyo kooxda Al-Shabaab oo iyadu u ‘aragtay in saaxada aynan wada qaadin labada kooxood, isla markaasna qabtay in aan wax badan la ‘aamini karin Xisbiga, sida markii danbe soo baxdayba.
 
Waxaa xusid mudan in rag ka mid ah Xisbiga ay arkayeen in wax badan la kala hufo, isla markaasna daaha laga qaado in ay kala aragti duwan yihiin Xisbiga iyo Shabaabka,  balse iyagoo ku jiray dagaal adag  iyo qaar ka mid ah hogaanka Xisiga oo ka baqayey in laga dhex faa’iideysto ayaa wax badan oo jiritaanka Xisbiga khatar ku ahaa isaga aamusay.
 
Markii ay Hay’ada Culimada Soomaaliyeed  ay bayaanka ka soo saareen magaalada Muqdisho, horaantii sanadkan, isla markaasna ay la kulmeen dhamaan dhinacyadii isku hayey magaalada ayaa waxaa jawaab laga waayey ururka Xisbul Islaam, iyagoo sida ay Culimadu sheegeen ku warceliyey inay isku noqon doonaan oo jawaab laga heli doono!
 
Wax yar aan idin xusuusiyo jawaabihii ay dhinacyada isku hayey magaalada Muqdisho ay ka bixiyeen dhex dhexaadintii hay’ada Culimada Soomaaliyeed, waxaana arinkaas sharaxaya Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo Muxaarado uga warbixiyey wixii uu kala soo kulmay Muqdisho markii uu ku soo laabtay magaalada Nairobi bishii 3-aad ee sanadkan.
 
Shiikh Umal ayaa wuxuu ka warbixiyey dhinacyadii ay la kulmeen iyo jawaabihii ay bixiyeen qolo kasta wuxuuna yiri  ” Waxaan ugu horeyn la kulannay Sheikh Shariif, waano iyo xasuusin alle ka dib, waxaan u bandhignay qodobadii aan ka dooneynay, wuu naga aqbalay, waxaan ku niri adiga kaligaa ma dooneyno inaad tiraahdo waan aqbalay ee waxaan kaa dooneynaa inaad wasiirada u gudbiso oo xukuumadu ay wada qaadato, wuu naga aqbalay, wuxuuna balan qaaday inuu si deg deg ah u fulin doono arinkaas” ayuu yiri Shiikh Umal.
 
Sheikha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ” ka dib waxaan u tagnay oo la kulannay ra’isul wasaaraha isna sidoo kale ayaan u sheegnay waxa aan ka dooneynay, wuu naga aqbalay, wuxuuna balan qaaday inuu diyaar u yahay inuu u gudbiyo golaha wasiirada, isla markiiba laba wasiir ayuu u saaray arinkaas” ayuu mar kale sheegay Sheikh Umal.
 
Intaas ka dib Sheikha ayaa sheegay in 12 ka mid ah Culimadu balse isagu uusan ka mid ahayn loo diray inay la kulmaan gudoomiyaha baarlamaanka Sheikh Aadan madoobe, wuxuuna intaas raaciyey in Aadan madoobe laga dalbaday 2 arimood, waa mida horee in isaga iyo dowladii hore ay marka hore ilaahay u towbad keenaan si cad, waa mida labaade in uu ka shaqeeyo in baarlamaanku ay aqbalaan in wadanka shereecada lagu xukumo, wuxuuna sheikhu sheegay in Aadan madoobe aqbalay labada arimoodba, wuxuuna sheegay ” Aadan madoobe” in laba arimood ay haysteen, waa mide in ayan  markii xor ahayn, waa mida kalee inay ahaayeen jaahiliin.
 
Sheikh Umal ayaa sidoo kale sheegay inay la kulmeen Xisbul Islaam, wuxuuna sheegay dood dheer ka dib iyo su’aalo in Xisbul Islaam ay sheegeen inay isku laabanayaan oo jawaab laga helayo, wuxuuse Sheikhu cadeeyey inay aad u kala aamin baxeen Dadkii shalay Maxkamadaha isla ahaa ee hada is khilaafay, wuxuuna ku nuux nuuxsaday in Xisbul Islaam ay shaki weyn ka qabeen balan qaadyada ka soo yeerayey dowlada, waxaase xusid mudan in Sheikhu uu rajo ka qabay in Xisbul Islaam ay aqbalaan dhex dhexaadinta culimada.
 
Sidoo kale Sheikhu wuxuu sheegay inay la kulmeen Al Shabaab, wuxuuna qiray inay 4 jeer la fariisteen, Sheikha ayaa intaas ku daray in dood dheer iyo su’aalo furan ka dib  ay Al Shabaab ku adkeysteen mowqifkoodii ahaa in dowladan ay tahay dowlad gaalo ah wax wada hadal ahna ayan la galayn.
 
Hadaba sida kuu muuqata akhristow ururka Xisbul Islaam ma qaadanin go’aan cad, halka labada dhinac ee kale ay kala qaateen laba go’aan oo iska soo horjeeda, waxaase isweydiin mudan maxaa sababay inay halkaas dhexe istaagaan?
 
Xisbul Islaam ma ayan dooneyn inay dowlada uu Madaxda ka yahay Sheikh Shariif Sheikh Axmed waafaqaan, iyadoo sida ka muuqata ay aad uga aamin baxeen Sheikh Shariif iyo raga kale ee ay Maxkamadihii Islaamiga ahaa ka wada tirsanaayeen, isla markaasna waxa ay ku nuux nuuxsadeen inay xaaraan tahay in wax lagu darsado dowlada KMG ah.
 
Mida kale Xisbul Islaam ma ayan dooneyn inay khilaafaan ururka kale ee Al-Shabaab oo ay u ‘arkayeen inayan ku kala hari karin la dagaalanka dowlada KMG ah ee ay aadka uga biyo diidsanaayeen qaabka ay ku timid, balse sida muuqata Xisbul Islaam si aan ka fiirsi lahayn ayey ushooda ugu dhiibteen xarakada Shabaab.
 
Marka si xeel dheer loogu kuur galo sida Xisbigu u dhaqmay waxaa banaanka u soo baxaya in Xisbigu ayan in badan u fiirsanin in ay yihiin Xisbi madax banaan, isla markaasna laga doonayey inay qaataan go’aan cad oo ay ka fiirsadeen, marka laga tago shaashada oo ay uga muuqanayeen cida ay is hayeen ” dowlada KMG ah”  iyo sida ayan uga maarmin gaashaanbuur.
 
Bilowgii todobaadkan ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shir dhowr maalmood uga soconayey Xisbul islaam iyo qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed, waxaana shirkaas lagu go’aansaday in shir danbe ay isugu yimaadaan dhamaan Culimada Soomaaliyeed, si aragti isku mid ah ay uga qaataan xaalada cakiran ee dalku ku sugan yahay, waxaa kale oo shirkaas lagu garwaaqsaday in la soo nooleeyo dowrkii Culimada Soomaaliyeed.
 
Hadaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa waxa ay tahay ururka Xisbul Islaam ma xiligan ayey soo baraarugeen marka ay soo saareen go’aankii ay 8, bilood ka hor u sheegeen Culimada Soomaaliyeed inay soo saarayaan?  mase markii ay garwaaqsadeen in xarakada kale ee ay jaalka ahaayeen ee Al-Shabaab ay tahay xarako go’aankeeda leh oo dooneysa in aragtidooda lagu socdo ayaa Xisbul islaam waxa ay ogaadeen inay markii hore go’aan jilicsan qaateen? horaa waxaa loo yiri Madaxtinimo waxaa kaa qaada 3 arimood, gar leexsan, go’aan jilicsan iyo gacan gudhan.
 
Gunaanad
 
Xisbul Islaam waxaa laga doonayaa marka hore inay iyagu lugohooda isku dowdaan oo ay aragti mid ah qaataan, ka dibna ay go’aan cad ka qaataan arimaha Soomaaliya ka taagan, iyagoo go’aankooda ka fogeynaya colaada kala dhexeysa dowlada KMG ah, iyo ilaalinta danaha kooxda ay hada kala dhaqaaqeen ee Al-Shabaab.waxaana taas kor uqaadeysaa dowrka masuuliyadeed ee uu xisbigaan ku dhex leyahay Dadka Soomaliyeed.
 
W/Q Maxamed Nuur Shire
 mncismaan@hotmail.com
       Nairobi-Kenya

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Xisbul Islaamoow Goormaad Baraarugteen | Maxamed Nuur "

  1. Hersi says:

    maxkamado+xisbulislaam+shabaab+ictisam+itixaad+salafiya jadiidah=wahaabiya waana firqah shaaddah oo aan islaam shaqo ku laheyn laakiin waa ay sheegtaan waayo waxaan iyaga aheynba waa ugaalo ..falkii shalay iyo kii dorraad iyo kii saakun maxaa farqi ah oo udhaxeya shalay waxey kuwaan qabeen baa maanta ku dhacay qolo walba oo sheydaan raacda dhib baa udameyn..diintu shalay iyo maanta toona maqabin in dhiiga qofka walaalkaa ah ee muslim ka aad baneysato sidoo kale maalkiisa iyo cirdigiisa daka heysta aqallada dadkii lahaa isla markaana isla meeshaas lagu goonayo dhiig qof muslim ah oo aan waxba galabsan si joogto ah waa meel ay ku dhacdey caro ilaah waxaana ilaah ku saladey hogaamiyayaal dagaal dadkii hoojiyey iyo kuwo kaloo magacdiin ku dumiya diinta iyo dalka ..war hooy haloosoo laabto mabaa,di,dii ahlu-sunna waljamaaca iyo culimadii assalka aheyd isla markaana laga guuraa magaalda (muqdisho ama balli dhiig)hadba kaad utaqaan marka xigtana wahaabiya dalka laga nadiifiyaa lagana sifeeyaa markaasaa xalku imaan xaqiiqda aadka uqaraar waa taa waana intaa laqaattaa ilaahoow adaa marqaati ah inaan gaarsiiyey intaa umaddaada soomaaliyed

  2. maxamed says:

    waa sidaasuu sheegay walaalkeen abdilahi horta marka la doonaayo in cid la baabiyo iyadaa la isku diraa alshabaab waxa ay toos gacan saar ulaleedahay rag carbeed xisbul islaamna waxay toos xidhiidh ula leedahay eretetia dawladana waxa toos u wata maraykan iyo ehiopia markaa halkaas waxaan ka ogaan karnaa in dantii umada halkaasi ka baxday isla mar ahaantaasina dano shisheeyo loo adeegayo carbtu markaad wax ahayd ee dawlada aad ahayd way ku caawin jirtay waxayna ku andacooni jirtay inay somalia a ka mid tahay bahweynta carabta maantana waxba kuuma qabanayaan markaa dawlada ahayd kiiniya way ku sharfi jirtay maantana waxba kuuma qabanayaan haday sidan kusocotana somalia waa loo yaabi

  3. waar walaalayaal maalin aan maanta ahaynbaad arki doontaan waxaan sheekayo anigu waxbaan arkay waxbaan darsay waxbaan akhriyay waxbaan ogaaday hadaad idinku iska horodaan anigu ma seexdo waar horta kaca waar waxan wax ka daranbaa la idinka damacsanyahay dhulkoo dhan in la idinkala wereegaa la idin la doonayaa xisbul islaamiyo alshabaabiyo waar qofka danta guud ka talinayaa sidan uma dagaalameen sidan wax umay sameeyeen dadka masaakiinte ee qaxayay u tudhi lahaayeen maanta somalia way ka dhamaadeen dadkii caqliga lahaa way sii socdaan dadkii wax garanayay walaa dawlad walaa urur maanta waa wax magarato wabilaahi tawfiiq