Home » Warar »

BAAQA Jaaliyadda Puntland iyo Jubaland ee Gobolka Massachusetts, USA

BAAQA

Jaaliyadaha Puntland iyo Jubaland ee Gobolka Massachusetts, United States of America

Ku: Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Ku: Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland.

Ku: Golaha Wasiiradda Dowladda Puntland.

Ku: Golaha Walkiilada Dowladda Puntland.

Ku: Odey dhaqameedyada deeganadda Puntland.

Og: Shacabiweynaha Puntland Gudaha iyo Dibada.

Ujeedo: Talo bixin

Haddii aynu nahay waxgaradka, Culimaa;udiinka, Aqoonyahaniinta, Siyaasiyiinta, Ganacsatada, dhalinyaradda ee ka soo jeeda deegaanadda Puntland iyo Jubaland ee gobolka Massachusetts waxaan TALO u soo jeedineynaa Maamulka Dowlada Puntland in aan marnaba loo dhiibin qof Soomaali ah Dowladda Itoobiya.

Waxaan kula talineynaa hadii aynu nahay Jaaliyadaha ka soo jeeda Puntland iyo Jubaland ee degan Gobolka Massachusetts ee cariga Mareykanka, talooyinkan hoos ku xusan.

1. In marnaba Dowlada Puntland aysan isku dayin in ay u dhiibaan Itoobiya Muwaadin Soomaali ah.

2. In ay Dowladda Puntland ku kalsoonaato Ilaahey iyo shacabkeeda nabadda jecel.

3. In haddii Dowaldda Puntland ay qabato Muwaadin Soomaaliyeed oo dambi ka galay Dowladaha aan dariska nahay in la horkeena Maxkamadaha Dowladda Puntland.
Gabagabadii BAAQA Jaaliyaddaha Puntland iyo Jubaland ee Gobolka Massachusetts ee dalka Mareykanka waxay taageersan yihiin marwalba Horumarka, Nabadgalyada, kala dambeynta ka jirta deegaanada Puntland iyo Maamulka Dowladda.

Waxaan ka rajynaynaa Maamulka Dowlada Puntland heer walaba in ay naga aqbalaan talooyinka aan u soo jeedinay.

Baaqaan waxaa saxiixay waxgaradka, aqoonyahaniinta, culimaa’udiinka, Ganacsatada, iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda deeganadda Puntland iyo Jubaland ee Gobolka Massachusetts, USA.

Fiiro Gaara: Dowladda Puntland waxaan u gudbinay mid la mid ah BAAQAN.

ALLAAHU AKBAR WALILAAHIL XAMDU

Puntland Guuleysta Aakhiro iyo Aduun

Baaqa waxaa ku saxiixnaa  62 qof oo magacyadooda lagala xiriiri karo emailka hoose:

Abdulkadir Hindi
abdulkadirhindi@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " BAAQA Jaaliyadda Puntland iyo Jubaland ee Gobolka Massachusetts, USA "

  1. Muwadin Ayanle birre says:

    WAA FIGRAD AAD UWACAN OO KUSOCOTA MADAXDA PUNTLAND WAA HADII AY WAX QADANAYAANE

    ADINKA AYAA NA XUKUMA EE ETHOPIA NAMA XUKUNTO SIDAS LA SOCDA WALIGIIN

  2. Baaqani wuu fiican yahay, waan tageers-
    sanahay, Puntland iska jir taariikh-
    xumida kaa soo gaari doonta dadka Soo-
    maaliyeed ee aad u gacan gelisid Xabashi