Home » Warar »

Dugsiga Jaabir Bin Xayaan oo ku guuleystey Tartankii Dugsiyada Gobolka Banaadir

Halkan ka daawo sawirro dheeraad ah

Dugsiga Jaabir Bin Xayaan ayaa ku guuleystay tartankii loo qabtay dugsiyada gobalka Banaadir ee uu soo qaban qaabiyay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta laguna maamuusayay maalinta macalinka Soomaaliyeed

Tartankan ayaa lagu waday in ay ka qeyb galaan dhamaan dugisyada gobalka Banaadir laakin hada 8 dugsi oo keliya ayaa ka qeyb galay iyadoo sababtuna ay tahay Magaalda Muqdisho oo iskuuladii iyo caruurtii dhiganeysayba ay ka barakeceen inta badan.

Cayaartii kama dambeysta ahayd ee shalay ayaa waxaa isugu soo haray dugsiyada kala ah Al Mathal iyo Jaabir Bin Xayaan waxaana cayaartaas oo ahayd mid aad u adag ay ku soo idlaatay daqiiqadihii loogu talagalay 3-2 oo ay guushu ku raacday cayaartoydii ku dheeleysay magaca dugsiga Jaabir Bin Xayaan.
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe ayaa wariye yaasha u sheegay in ujeedka tartankan loo qabtay ay tahay in loogu googol xaaro dib usoo nooleynta tartamaduii dugsiyada dalka, iyadoo dugsiyadu ay ahaayeen meelaha ugu badan ee cayaartodya Soomaaliyeed laga soo bar baariyay.

Shalay ka hor intii aanay cayaartu bilaaban ayaa waxaa la arkayay taageerayaasha iyo ardayda labada iskuul oo isu goodinaya mid walibana kan kale ku leeyahay “Dhulka ayaan madaxa kuu dhigi doonaa koobkana anaga ayaa leh” laakin gari laba nin kama wada qoslisee waxaa koobkii la tagay iskuulka Jaabir Bin Xayaan.
Si-kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysey ee xiriirka kubadda cagta uu dugsiyada gobolka banaadir u qabto tartan weyn oo ay ka qeyb-galayaan ilaa 8 dugsi,waxaana mugdi ku jirin in dugsiyada laga heli karo ciyaartoy mustaqball leh oo daafaca magaca qaranka soomaliya,iyadoo ay qeyb ka tahay dadaalka uu xiriirka kubadda cagta iminka ku doonayo inuu dib-boorka isaga jafo ka dib sanado badan oo aan la qaban tartamo gudaha ah xaaladda dalka awgeed.

ciyaar1

Waxaana dhowaan xiriirku suura-geliyey in ilaa 30 macalimiin ka kala socdey muqdisho,gobolada dalka iyo caalamka ay fifa tababar mudo todobaad ah ku soo siisey dalka jabuuti,iyada oo dhowaana la filaayo in xiriirka uu qabto tartankii horyaalka heerka 2aad iyo kii gobolada dalka soomaliya wejigiisa labaad oo ka dhici doona gobolada hoos taga-maamul goboleedka putland.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.