Home » Warar »

Madax horay uga tirsanayd TFG oo Booqasho ku tegey magalada London iyo warar kale

Xaflad casho lagu soo dhoweynayo madax horay uga tirsanayd TFG oo lagu qabtay magalada London.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Xafladan oo ay soo qabanqabiyeen ururka Somali Peace Council (S.P.C) aya Kadhacday Makhaayada Blue Ocean ee Kutaal Xaafada shepherd bush Dadka lagu casumay xafladan ee martida ahaa waxaa ka mid ahaa wasirki hore ee arrimaha gudaha iyo amniga Maxamuud Ahmed Guuled Gacmo dheere , Abukaate Mohamed Ilka xanaf oo horay u soo noqday ku xigeenka wasiirka koowaad xukuumadi Cali Mohamed Geedi, wasiir ku xigeen ka tirsan Maamulka Puntland ee Somaliyeed Burhan Cilmi Falag, Hussein Xuubsireed oo ahaa afhayeenkii madaxweyne Yusuf, xilidhibaan Cali Faqay horayna u soo noqday wasiir hore uga tirsanaa isaguna dowladii hore, cali feysal oo ahaan jiray Xoghaya Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha dowlada Somalia TGF iyo marti sharaf kale iyo xubno ka tirsan ururka Golaha Nabadgelya Somaliyeed (S.P.C.)

Furitaanka xaflada waxaa furay Mohamed Yassin oo ah xiriryaha xaflada

Waxaa lagu soo dhoweeyey mudane Cali xaajii warsame oo ku furay aayado quraan ah iyo wacdi alle ka cabsi ah.

Waxaa ku xigay oo codbaahiyaha isna lagu soo dhoweeyey Mudane C/qaadir Xooshow oo ah xoghaya Somali Peace Council oo wax ka taabtay ahmiyada iyo hadafka ururka Somali Peace council oo hoosta ka xariiqay inay wali ku raad joogaan in lasoo celiyo qaranimadii iyo nabadii lagu yiqiinay Somalia.

Gudoomiyaha Somali Peace Council Maxamuud Axmed Xasan (Dayib) ayaa isna markiisa lagu soo dhoweyey si uu ereyadiisii halkaas uga sheego, wuxuuna yiri waad u jeedaan manta in dad nagu sheegi jiray amxaaro inay hada iyagii saf ugu jiraa ethopia inay tagaan oo wafdi ahaan u aadaan, marka waxaad garan kartaan inay wax wadaniyad ah aysan marki horeba ka ahay ee ay ka ahayd sidii ay kurisga ugu fariisan lahaayeen.

Muno ahmed Cabdalla (Diyana)oo iyadna halkaas ka so jeedisay buraanbur aad loogu riyaaqay dadkuna jeceleysteen, waxuu buraanburkedu ku saabsanaa ahmiyada nabadda iyo dib u unkida qaranimada Somalia, Muno diyana waxay mar walba ka muqataa fagaarayaasha nabada waxayna marki u danbeesay todobaadyo ka hor buraanbur qiira wadaniyadeedd leh ka hor jeedisay xaflada reer London ku soo dhoweynayeen Mudane Raisul wasaare Omar A. Sharmarke.

Sidoo kale waxaa guurow amaan u aha dadkii madaxda ahaa ee goobta fadhiyey u tirsay Murwo Shugri Cali Aden oo ah gabar ka tirsan ururka Somali Peace Council oo dadka xalay si weyn dadka u madadaalinayey.

Waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey codbaahiyha mudane Gacmo dheere oo ka mahadceliyey dadkii ku soo casumay xaflada, wuxuuna sheegay inuu u mahadcelinayo ururka Somali Peace Council.

Sidoo kale Dhinaca Fanaaniinta Waxaa Hees Dadka qiiro kalisay Xaflada kaqaatay Fanaanada weyn ee Caanka ah Siciido Cabdi Muuse Heestas oo Miraheeda ay kamid ahaayeen “Qaranyahow Dadkaakii Qabiil baa laweynoo qoomiyad ahaanshaha qoysqos kuduuliyo inta ay qabuuraha qaarbadan u hoydaan inagoo qaxootiya ciideena qanikaa soo laqaatan maayoo” . Heestaas oo uu miraheeda Curiyey Abwaanka Da’da yar Suldaan ibraahim Cali Shire.
Intaas kadib Waxa Codbaahiyaha Sidiiran loogu soo dhaweyay Mudane Maxamud Ahmed Guled Gacmo-dheere, wuxuu sheegay in somalida is necbeyn oo dad walaalo ah yihiin, Wuxuu hoosta ka xariiqay in Somalia xalkeedu yahay sharciga islaamka oo aan la khaldin, lana helaa madax aan xoolaha iyo hantida umada aysan dhicin.
Xaalada Somaalia xun ayey mareysaa mana ahan wax la sii fiirsan karo, ku dhowaad 200 oo xildhibaan ayaa hada ka doodaya ayuu yiri aayaha Somalia oo maraysa meel khatar ah. Wuxuu Gacmo dheere ku soo geba gaboobay hadalkiisa in Somali Peace Council ay wadada u furan nabadda kuna soo daraan ururka hay’addo kale iyo dad kale oo ay ka daacad tahay in xal la helo.

Waxaa isna markiisa halkaas hadal kooban ka jeediyey Abukaate Caydid Ilka Xanaf, u mahad celiyey ururka Somali Peace Council.

lon1

Abukaate Ilka xanaf, wuxuu shegay in xaalka Somalia uu is badalay oo xataa dadku qabiilka sidoo hore aysan ku ahayn, Waxuu dadkii xaflada joogay u shegay in la isku tanaaslo lana taageero madaxda haatan xafiiska haysa waxaa laga yaabaa in qaranimo lagu gaaro, inkastoo aan ognahay in wali xaalku xun yahay.

Waxaa isna markiisa microphonka lagu soo dhoweeyey Wasiirka xigeenka wasaarada beeraha Puntland Mudane Burhan Cilmi wuxuu goobta ka cadeyey in Puntland waligeed hormud u noqoneyso qaranimada somaaliya waxana idiin shegayaa buu yiri in Puntland waligeed ka tirsanaan doonto federaalka kamana go,ayno somaliya inteed kale. Waxa kaliya oo aan hada heysano waa dowlada federaalka sidaa darted marnaba xiirirkeena waan wanaajin doonaa mar walba.

Dadkii Xaflada kahadlay Waxa kamid Aha Afhayeenkii Madaxweynahi hore Somalai C/lahi Yusuf Mudane Xuseen Xuubsireed , cali faysal, Xildhibaan Cali Faqay, C/qadir tarakarays, iyo Xubno Kale Oo katirsan ururka Somali Peace Coucil.

Ugu danbayntii Waxa Mikrafoonka Lagusoodhaweyay Gudoomiyaha Gudida Qabanqaabta Ururka Somali Peace Council Aadan Shire,

Gebagebadii Xaflada Ayaa Waxa Shahaado Sharaf Lagudoonsiiyey madaxdii Hore ee DFKS waxan Shahadooyinkaas gudoonsiyey Gudoomiyaha odayaasha SPC Aadan Guureeye Kaarshe iyo Kuxigeenka SPC Aba Sheekh.

AYUUB OMAR
sharaxle@hotmail.com


Puntland oo Digniin u dirtay Maamul Somaliland .

Madaxwayne ku Xigeenka Puntland C/samad Cali Shire ahna Sii haya Xilka Madaxwaynimo Puntland ayaa baaq Digniin ah u diray Maamulka la Magac baxay Somaliland, Baqaasi oo ku Wajahnaa in ay Maamulka Somaliland ay isaga baxaan Guud ahaan Gobolka Sool.

Hadalkaani kasoo yeeray Madaxwayne ku Xigeenka Puntland Genaraal C/samad Cali Shire ayaa waxa uu ka sheegay Xaflad lagu warijinaayo Dowlada Puntland Qalab Caafimaad oo la gaarsiinayo isbitaalada Magaalatan Bosaaso.

Gen C/samad Cali Shire ayaa waxa uu kaloo sheegay in ay Maamulka Somaliland ay Damacsan yihiin in ay guud ahaan gobolka sool uu ka mid noqdo Gobolada hoostaga Maamulka Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa waxa ay gacanta ku hayaan Gobolka sool mudo labo sano, iyagoo gobolkaasi kula wareegay Awood Ciidan.

lon2
Docda kale Madaxwayne ku Xigeenka Puntland C/samad Cali Shire ayaa waxa uu sidoo kale sheegay inay san doonaynin in ay Puntland kula wareegto Gobolka Sool awood balse ay doonayso in si Nabad galya ah uu Gacanta ugu soo galo Gobolkaasi .

Digniintani kasoo yeeray Madaxwaye ku Xigeenka Puntland ayaa ahayn kii ugu horeeyey balse tiro ka dhowr jeer ayey Puntland ku Cel celisay in ay Maamulka Somaliland ay isaga baxaan Guud ahaan Gobolka Sool.

C/qaadir saciid Cali Gaanni
gaani18@hotmail.com
bosaaso-somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Madax horay uga tirsanayd TFG oo Booqasho ku tegey magalada London iyo warar kale "

  1. ssc says:

    ma umalynysaan in uu cabdisamd wax soo wado

  2. M.I. Adan says:

    Dalkeenu Dad Malaha Miyaa
    Diintu Midnimo Maleh Miyaa
    Dadku Xag Malaha Miyaa
    Duunyadu Dhaqasho Malaha Miyaa
    Dadku Xishood Malaha Miyaa
    Dumarku Xag Dhor Malaha Miyaa
    Dilku Denbi Ma>aha Miyaa
    Daaraha Laduminaayo Dad Malaha Miyaa
    Dawladnimadu Qiimo Malaha Miyaa
    Derisku Kudasho Malaha Miyaa
    Dabaabaduhu Kuwii Cadowga Ma<aha Miyaa
    Dulmigu Kii Ala Kadigay Ma.aha Miyaa
    Da,yartu Diin ,in labaro Uma baahna Miyaa
    Daacadnimadu Amaan Malaha Miyaa
    Doorashadu Waqti Malaha Miyaa
    Dadweynuhu Mowqif Malaha Miyaa
    Damiirkeenu Mashaqeeyo Miyaa
    Dirirteenu Madhamaato Miyaa
    Daawadeenu Heshiis Ma,aha Miyaa
    Doqonka Dabka Shidaa
    Dad celiyo Malaha Miyaa
    Dalka Inlakala Qaybiyo
    Dad Diido Malaha Miyaa
    Duli Inlagu Noolaado
    Dad Diido Malaha miyaa
    Dalka Inlaga Wada haajiro
    Dad Diidaa Malaha Miyaa
    Dadka Danta Shisheeye Dalkooda Kufulinaayo
    Dad Udigaa Malaha miyaa