Home » Warar »

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka banaadir oo xilkii la wareegay

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka banaadir oo maanta si buuxda xilkii Gobolka Banaadir uga wareegay Gudoomiyihii hore Maxamed Cusmaan Cali (dhagaxtuur)

Halkan ka daawo sawirro dheeraad ah
 
Waxaa maanta xarunta Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad balaaran oo ay xilka ku kala wareegayeen Gudoomiyihii hore iyo Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ee xilkaasi loo magacaabay.
 
Munaasabnadaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay Dowladda KMG ah iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waxana halkaasi ugu horayntii laga aqriyay waxqbadkii mudadii uu jiray Maamulka Gobolka Banaadir, iyo dhamaan wixii agab ah ee lagu wareejiyay Maamulka Cusub, iyadoo labada Masuul ee xilalka la kala wareegaayay ay kala saxiixdeen, islamarkaana is gacan qaadeen.
 
Waxaa halkaasi ugu horayntii hadalo ka soo jeediyay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali (dhagaxtuur)  oo ku dheeraaday waxyaabihii uu qabtay mudadii uu xilkaasi hayay, wuxuuna sheegay inuusan doonayn in Shacabka Soomaaliyeed inuu dhiigooda ku daadiyo kursiga uu fadhiyo, wuxuuna sheegay inuu taasi darteed in uu si Dimuqraadiyo ah inuu xilkii uu hayay ku wareejiyay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir.
 
Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ayaa isna halkaasi ka hadlay, wuxuuna balan qaaday inuu si daacadnimo ah uu xilkiisa u gudan doono, wuxuuna shaaca ka qaaday in howsha uu ka sii wadi doono halkii uu joogay Dhagaxtuur, wuxuuna cadeeyay inuu sidoo kale ka shaqayn doono nabadgelyada Magaalada Muqdisho.
 
Waxaa  sidoo kale ka mid ah Mas’uuliyiintii halkaasi ka hadashay ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi, Wasiirka arrimaha gudaha Sheekh C/Qaadir Cali Cumar iyo Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax.
 
Sidoo kale waxaa halkaasi lagu soo bandhigay Heeso iyo Riwaayad ka tarjumaysaa maamul wanaaga, iyadoo sidoo kale lagu soo bandhigay halkaasi Shiribyo iyo Guurow ay soo jeedinaayeen Bar baarta gaashaaman, waxaana Shiribkaasi ka mid ahaa:
 
Midka Cusub Allow Maceey………Midkii horena Meel Fiyow

guddf
 
Dukumintiyadii ka tarjumaayay waxqabadka Maamulkii hore ee Gobolka Banaadir oo aad u dheeraa ayaa waxay u qornaayeen sidan:
 

Ku: Wasaaradda Arrimaha gudaha XFKMG ah    Muqdisho.
Og: R/wasaaraha Xukuumadda FKMG ah    Muqdisho.
Og: Madax-weynaha Jamhuuriyadda Soomaliya    Muqdisho.

Ujeeddo: Xilwareejin.
 
Mudanayaal & Marwooyin Salan badan ka dib, waxaan halkaan idiinkugu soo gudbineynaa War bixin kooban oo la xiriirta Xilwareejinta Guddoomiyihii G/Banaadir ahna duqa Magalada Md. Maxamed Cusmaan Cali (dhagaxtuur) oo xilkaas loo doortay 23/11/08da, lana wareegay 25/11/08,  Xilwareejintaas oo ka kooban :-
 
Arrimaha Siyaasadda.
Arrimaha nabadgelyada.
Arrimaha dhaqaalaha.
Arrimaha Bulshada.
Arrimaha Dib u dhiska & Mashaariicda.
Arrimaha Shaqaalaha.
Arrimaha Gaadiidka D/hoose ee Xamar.
Arrimaha Qalabka Xafiisyada Yaalla.
Xiriirka Caalamiga ah
Arrimaha Qaxootiga

Dhammaan Dukumiintiyadaas oo faahfaahsan waxay ku lifaaqanyihiin Warqadda Xilwareejinta.
Wabilaahi towfiiq.

Xilwareejiye.      Xil lawareege.
Md. Maxamed Cusmaan Cali (dhagaxtuur) Md. C/risaaq Maxamed Nuur ( Eng.Nuune)
Guddoomiyihii Hore ee M/G/Banaadir   Gudd. G/Banaadir ahna duqa Magalaada.
Ahna Duqa Magaalada.

              Ujeeddo: Xilwareejin.

Mudanayaal iyo marwooyin, guddoomiyaha Gobolku wuxuu xilka la wareegay 25/11/2008 wuxuuna ku yimid hab ka duwan Madaxdii hore ee Gobolka taasoo ah Doorasho ka timid Golaha Deegaanka Xamar taasoo ahayd Guusha ugu weyn ee Gobolku gaaray 19 sanno ka dib, wuxuu howshiisa ka bilaabay:-
 
   Arrimaha Siyaasada.
 
In uu xaliyo wixii khilaafaad ahay ee Gobolka ka jiray Maamul ahaan iyo bulsho ahaanba.

Waxaa la dhameystiray Qaab dhismeedka Golaha Deegaanka Xamar iyo howlgelintoodaba.

Maamulka Gobolku isagoo hor kacaaya dadweynaha Gobolka wuxuu noqday Gogoshii lagu soo dhaweeyey Dowlaadii lagu soo doortay Wadanka jabuuti ilaa iyo hadana wuxuu la garab taagan yahay taageero hiil iyo hooba ah.

Maamulku wuxuu xooga saaray dayactirka Wadooyinka muhiimka ah iyo nadaafada Magaalada
Sidoo kale dib abaabulida bulsha weynta ku dhaqan Gobolka Banaadir iyo mideyntoodaba.

Abaabul Shirar Dadweyne oo lagu maraayay Degmooyinka G/Banaadir 3dii Biloodba Mar, kaasoo  lagu qiimeynaayey Xaalada guud ee Gobalk & Dhibatada sida Nabadgelyada, Dhaqaalaha, & Arrimaha bulshada.

Waxaa dib u habeen lagu sameeyay Maamulada ka jira Degmooyinka G/Banaadir
Waxaa dib loo dhisay ururada bulshada Degmooyinka sida haweenka & Dhalinyarada.

Waxaa sidoo kale hada socda oo gacanta lagu hayaa dhismihii ururka dhallinyarada & haweenka ee heer Gobal.
Gobalku wuxuu abuuray kooxo suugaan ley ah sida barbaarta gaashaaman & kooxda fanka.

Maamulka G/Banaadir wuxuu leeyahay Shir waqtiyeeysan, sidoo kale wuxuu qabtaa shirar aan caadi aheyn oo ay xaaladaha dalka ka jira abuureen.

Muddada shaqaddaan lagu jiray  waxaa xilalkii & Shaqadii ay qaranka u haayeen darteed Caddowga u dilay 94 qof oo isugu jira heer Gobal ilaa heer deris.
 
Arrimaha Nabadgelyada.
 
Gobalka Banaadir Arrimaha Nabadgelyada wuxuu la wadaagaa durrufaha guud ee dalka ka jira inkastoo caasimaddu Dalka intiisa kale  ka culustahay, hadana Dagaalo badan ku soo noqnoqdeen waxaa la sameeyay dalaal dheeri iyo Iskaashi wada shaqeyn oo ka dhaxeeya Dowlada dhexe, Qaybta guud ee ciidanka Booliska G/Banaadir, taliyayaasha saldhiga booliiska , Madaxda degmooyinka & Maamulka G/Banaadir.
 
Gobalka wuxuu si toos uga qayb galay dagaaladii ugu Dambeeyay oo lagui difaacaayay dalka Dadka & Diinta, inkasta oo ay Culabtaasi jirtay hadana waxan isleenahay rajadu waay soo fiicnaaneysaa.
 
Arrimaha Bulshada.
 
Sida aad la socotaan Gobalka Banaadir waxaa ku nool Shacab aad u fara badan oo lagu qiyaaso 1’500  ( Hal Milyan & bar in ka badan ) Caasimadda dalka waxaa ku dhacay Bur burki dagaalada sokeeyey ay keeneen  kii ugu xumaa, waxaana ka barakacay oo afarta gees ka degan barakacayaal aad u tiro badan.
 
Xaaladahaas adag oo leh Nabadgelya xumida, Gaajada & Caafimaad darrida waxan isku daynay in aan wajahno si aan bulshada ugu adeegno, wax yaabihii noo qabsoomay Xagga Arrimaha Bulshada waxaa ka mid ahaa:-
 
16 Degmo ee G/Banaadir  waxaa laga furay 16 jiko oo lagu cunta siiyo in ka badan 80’000 oo qofood Maalinkasta, kuwaas oo ah Bulshada Danyarta ah, Barnaamijkaas waxaa naga Kaalmeeya Hay’adda W.F.P. & Hay’adda Saacid.

Waxaa kaloo lagu guuleystay in wax laga qabto Nadaafadda wadooyinka & Billicsamida Magaalada, waxaana ka howlgala shaqale gaaraya 4’800 oo qof, taasoo ay naga caawiso Hay’ada W.F.P oo siisa Raashin Shaqo ku bedelasho, hase yeeshee howlshaasi hadda waa joogsatay.

Sidoo kale wuxuu Maamulka  G/Banaair dib u abaabulay Naadigi Isportiga eeDowlada D/hoose Xamar howshaas oo hadda meel sare mareyso.

Si wax looga qabto haweenka & dhalaanka ku nool Caasimadda Caafimadkooda waxaa lagu guuleystay in la dhiso lana howlgeliyo 8 MCH, waxaa kaloo la furay Goobo lagu khuudiyo Carruurta yar yare e Nafaqa darrada heyso & waliba Haweenka liito ilaa 8 Degmo.

Gobalka wuxuu kaloo ku guuleystay in uu dhiso 8 Jardiino Nasasho oo Magaalada dhexdeeda ah iyo  4 Aargo.
Waxaa xiriiro lala sameeyay Daladaha wax-barasho ee ka jira Gobalka & Wasaaradda wax barashada si loo helo manaahij mideysan & Arday aqoontooda meel iskala jaan qaado.

Haddaba, dhammaan howlahaas la soo qabtay Gobalka cid kale uma kaashan haddana wuxuu diyaar u yahay in uu sii wado inta karaantiisa ah.
 
Mashaariicda Gobalka fuliyay Dib u dhis & dayactirba.
Maamulka wuxuu mudnaanta siiyay sidii wax looga qaban laha adeegyadii bulshada ee bur buray wixii la soo nooleyn karo, waxaana u suurta galay arrimaha soo socda:-
MCHda waxaa la dayactiray 8 MCH kuwaasoo aad u burbursanaa.

Jardiinooyin waxaa la dhisay 8 jardiino kuwaas hadda ka mid ah billicda Magaalada.

Xurumaha Degmooyinka waxaa la dayactiray 8 Degmo, Waddooyinka waxaa la dayactiray 8 waddo oo waaweyn.
Bulaacadaha biyaha qaada waxaa la dayactiray 3 Bulaacadood.

Guryaha D/hoose ee Xamar Dhismo & Dayactir waxaa lagu sameeyay 8 Guri.

Saldhig Booliis waxaa la dayactiray 4 Saldhig.

Waxaa la dayactiray 19 Kawaan.

Waxaa la dhisay 14 Balan balyo suuqeed.

Waxaa la dayactiray 2 Bukaan eegto
Maamulka wuxuu ka qayb qaatay Dayactirkii Masjidka Isbaheysiga Islaamka & Masjidyo kale.

Waxaa kaloo Maamulak G/Banaadir  dayactiray Dugsiga hoose dhexe ee X/jajab, Hoose dhexe Kaaraan, hoose dhexe Siyaad, Hoose dhexe Dhamme Yaasiin carte, Dugsiga sare ee Bartamaha, Dugsiga sare ee Degmada wadajir, waxaana dayctirkooda iska kaashaday Maamulka G/Banaadir, Wasaaradda Wax barashada, & Hay’addo Samafaleed.

Arrimaha Shaqaalaha.
 
Shaqaalaha D/hoose ee Xamar ka shaqeeya oo hadda howsha faraha ku haya waxay gaarayaan 1’477 Shaqaale, kuwaas oo u kala  baxa.
 
Shaqaalaha Xarunta Gobalka   307   Shaqaale.
Nadaahadda Guud ee D/hoose  900  Shaqaale.
Ciidanka Ilaalinta deegaanka     99      Askari.
Maamulka D/G/Banaadir  171 Shaqaale.
Shaqaalahaan ma qaadan wax gunno ah muddo 9 Bilood ah.
Arrimaha dhaqaalaha.
 
Sida aad la socotaan Maamulka G/banaadir biloowgii sanadka 2009 ka waxaa u isku dayey  kobcinta dhaqaalaha, hase yeeshee wax badan uma suurtagelin duruufaha jira awgood, waxaana xirmay arrimo nabad gelyo awgood dhamman suuqyadii Canshuuraha laga qaadi jiray, Baraha contaroolada ee soo gala magalada oo dakhliga ka soo xaroon

jiray hadda waxaa ku soo haray Gacanta Gobalka Dhaqaalaha ka soo gala Dekadda & Hal Bar kontarool oo aan sidii la rabay u shaqeyn.
 
Sidaa darted, Gobalka wuxuu ku jiraa dadaal dib loogu furayo suuqyada  Degmooyinka Gacanta Dowladda ku jira, & Ka howlgalka Garoonka Diyaraha muqdisho.
 
Dhaqaalaha Gaarka ah.
 
Inkastoo Dagaalo badan ka dhaceen Magaalada xamar Baraakac badanna uu ka jira gudaha & agagaaraheeda  haddana baladku wuxuu sameeyay hormar, waxaana abuurmay xaafado cusub oo waaweeyn, sidoo kale waxaa abuurmay Shirkaddo Ganacsi oo hormarsan, sida shirkadaha Isgaarsiinta, Xawaaladaha, Warshado yar yar oo ganacsi & Shirkado Gaar loo leeyahay.
 
Sidoo kale waxaa horumar sameeyay Masaajidyada & Goobaha Diinta lagu barto Dhammaan howlahaas waxay qabsoomeen ayadoo aan dowladi wadin waxaayna rajo galinayaan Shacabka & Habka ganacsiga horumarsan.
Dib u heshiisiinta.
 
Bulshada ku nool G/Banaadir waa Dad jecel Nabadda waxaayna soo dhaweeyaan Mar walba Shirarka dib u heshiisiinta Gudaha & Dibaddaba, Tusaale waxaa u ah shirkii dib u heshiisiinta qaranka soomaliyeed ee lagu qabtay Xamar, & Banaan baxyadii lagu taageerayey Go’aanadiisa, sidoo kale shirkii dib u hishiisiinta ee lagu doortay Madax-weynaha Jamhuuriyadda Soomalaiya laguna qabtay dalka Jabauuti kaasoo Gobalka u soo dhaweeyay si heer sare ah.
 
Xiriirka Caalamka.
 
D/hoose ee Xamar waxay bilawaday in ay xirrir la yeelato Caalamka si ay isa kaashadaan arrimo dan u ah bulshada soomaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool G/Banaadir waxayna ku guuleystay in ay xubin ka noqoto Golayaal caalami ah sida United Cities and local governments ( UCLG) & IUTP & in ay dib u soo nooleyso Xiriirkii ka dhaxeeyay Magaalooyinka sida Gobalka Lambardiya, Amman Caasimadda Wadanka Urdun, Nairobi Kenya, Adid ababa, Athenis, Kaasabalanka, Yaundi Caamarun, Istud garti City jarmalka, & yeman dhammaan Caasimadahas & Magaalooyinkaas oo uu Gudoomiyaha G/Banadir ahna duqa Magaalada Muqdisho uu safarada ku soo kala bixiyay wuxuu ku guuleystay in uu sameeyo Xiriir iskaashi oo dhexmara Magaalada Muqdisho & Magaalooyinkaas, Taasoo tix-raac u noqon karta Maamulka G/Banaadir.

   Arrimaha barakacayaasha

Sida aan wada ognahay dagaaladii isdaba jooga ahaa ee ka dhacaayey Magaalada Mqudisho waxey sababeen Barakac aad u tira badan, waxaan Magaalada Gudaheeda iyo dhinacyadeedaba ka abuurmay Xeryo ay ku nool yihiin barakacayaal tira badan.
 
Magaalada gudeheeda waxaa ku yaalla 688 kaam, tirade qoysaska barakacayaasha ah ee Xamar ku nool waxey gaarayaan 23,770 qoys.kuwaas oo aad iyo aad u tabaaleysan mana helaan Kaalmada hay’adaha Samafalka siiyaan Kaamamka Magaalada ka banaanka ku yaalla.

Waaxda Gaadiidka D/hoose ee Xamar.
 
Waaxda Gaadiidka D/hoose ee Xamar waxay soo gudbineysaa Liiska gaadiidka ama Baabuurta Mas’uuliyiinta sare ee Maamulka G/Banadir, & 16 Degmo ee G/Banaadir waxayna kala yihiin sidatan:-
 
Guddoomiyihii hore M/G/B. Maxamed Cumar Xabeeb  1 Land Cruiser

Maxamed Cumar Nuur ( M. yarrow )    1 land cruser
Axmed Aadan Shiddo      1 ToyotaQoqa
C/laahi Firimbi       1 Land cruiser
Axmed Tahliil Warsame      1 LeylaCalawi
C/Fataax Shaaweey       1 Land cuiser
Cabdi Xaashi liibaan        1 rinood
Cumar Aweys Nuur (Dacas)      1 Baraado
Jamaal Xaaji Axmed       1 Land Cruiser
C/Rashid Ibraahim        1 MarketII
Sheekha Muudey Gacal      1 Land cruiser
Aamina Muuse Cadde      1 rinood
Nuur Xasan Cali Dakhle      1 Rinood
Liiska Madaxda degmooyinka G/Banaadir.
Wadajir  & Dharkenley      2 Rinood
Hodan     & W/dhigley       2 Rinood
X/weyne & C/casiis       2 Rinood
Kaaraan  &B-dheere       2 rinood.
Liiska Baabuurta Burburtay.
Guddomihii G/Banaadir 1 Land cruiser wuuna Burburay.
Degmada Waaberi  1 Rinood waa gubtay
Degmada Hiliwaa   1 Baraado waa Gubtay
Shangaani    1 Rinood waa la dhacay
Yaaqshiid   1 Baraado waa Burburay
Xamar Jajab   1 Rinood waa Burburay
Shibis    1 rinood waa Burburay
Deyniile   1 Rinood waa Burburay
H/Wadaag   1 Rinood waa la dhacay
 
Mahadsanidin.

 waxaa soo tebiyey
Mahamud Ahmed Hassan
xuurshe114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.