Home » Warar »

Puntland: Faroole oo kahadlay Dilalkii ka dhacay PL, iyo wararkale oo ku saabsan PL

Madaxwayne Faroole oo ka hadlay Dilalkii ka Dhacay Puntland.

Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa waxa uu ka hadalay Dilalkii loo gaystay mid kamid ah Xildhibaanada Puntland oo lagu Magacaabo Ibraahim Cali Daad iyo Gudoomiyaha Maxakamada Darajada Kowaad ee Gobolka Bari Maxamed Cabdi awaare oo labaduba lagu dilay Magaalooyinka Garowe iyo Bosaaso.
Madaxwayne C/raxmaan Faroole ayaa isaga oo ku sugan Caasimada Dalka Kenya ee Nairobi tacsi u diray Dhamaan Shacabka ku Dhaqan Degaanada Puntland iyo Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka Geriyoodeen Marxuumiintaasi.

Dhica kale Madaxwayne Faroole ayaa sheegay in ay Ciidamada Amaanka Puntland ay ku Raad jogaan Cida Falka Dilkaasi Gaysatay, waxuuna sidoo kale Shacabka Puntland ula Dardaarmay in ay ilaaliyaan Amaanka iyo Xasiloonida Puntland.

Madaxwayne Faroole ayaa sidoo kale ka Warbiyey Safarka uu ku tagay Magaalada Nairobi isagoo halkaasi kulamo la qaatay Saraakiil ka tirsan Wasaarada Arimaha Dibada ee Dalka Maraykanka oo uu Horkacayo Safiirka u fadhiya Dowlada Maraykanka Wadanka Kenya Minchael Rannebberger.

Kulankaasi ay wada qateen Madaxwyne Faroole iyo Saraakiisha Arimaha dibada ee Dalka Maraykana waxa uu sheegay madaxwaynuhu in ay isla soo qadeen Arimaha Burcad badeeda in wax laga qabto , Nabad galyada puntland in la tageero Tageeradaasi oo ah mid Dhaqaale iyo Mid Saanad malatiri.

Docda kale waxaa Haatan Dagen Magaalooyinka Basaaaso iyo Garowe oo labaduba ah Laf dhabarta Puntland,kadib Xalay oo ay ka dhaceen Dilal Toogasho oo loo gaystay laba Masuul oo ka tirsan Puntland.

Duqa Degmada Galkacyo oo ka Warbixiyey Qaraxii ka Dhacay Galkacyo

Duqa Degmada Galkacyo oo ka Warbixiyey Qaraxii ka Dhacay Xalay Magaalada Galkacyo.
Duqa Degmada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan ayaa waxa uu ka hadlay Qaraxyadii Xalayto Lagula Bartil Maamaysaday Dowlada Hoose ee Degmada Galkacyo isago sidoo sheegay in ay Qaraxyadii ay hayeen kuwa ay soo Maleegeen kooxo isku dayey in ay Qal qal giliyaan Degmada Galkacyo.

Waxuuna sidoo kale sheegay Duqa Degmada Galkacyo C/raxmaan Maxamuud Xaaji in ay cidi Wax ku noqon balse ay ay jiraan Qasaari yar yar oo soo gaaray Dhismayaasha Xarunta Dowlada Hoose ee Galkacyo.
Duqa Degmada Galkacyo Waxa u sheegay in falka Qaraxa uu Geestay Nin watay Bastoolad ka dib Bab Gacmeed uu gacanta ku watay ku tuuray Xarunta Dowlada Hoose ee Galkacyo , Ninkaasi Falka Qaraxa Geestay ayuu sheegay Duqa markii la qaban lahaa uu ku dhuuntay Meel ay Dad aad u fara badan Jogaan kadibna halkaasi ka baxsaday Ninka qaraxa Geestay.

Ciidamada Amaanka Puntland ee Galkacyo ayaa sheegay in ay wali ku raad jogaan Ninkii ka danbeeyey Qaraxii lagula Bartil maamaysaday Xurunta Dowlada Hoose ee Degmada Galkacyo.

Dhinaca kale Duqa Degmada Galkacyo waxa uu sidoo kale Carabka ku dhuftay in Qaraxaani uu Noqonayo Midkii Labaad ee ka dhaca Magaalada Galkacyo tan iyo markii la dooratay Maamulka Cusub ee Puntaland oo uu Madaxwaynaha ka yahay C/raxmaan Faroole.

Wasiirka Waxbarshada Puntland oo ka Hadlay Deeqda Ardayda Puntland loo Fidiyey

JuxaWasiirka Waxbarshada Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa ka hadlay Deeqda Ardayda Puntland oo ay u fadisay Dowlada Sudan isagoo sheegay Wasiir in ay tahay mid ay ku tala jireen in ay wax kaga qabtaan waxbarshada Ardayda Puntalnd.

Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Jux waxa uu sidoo kale sheegay in ay jiraan Deeqyo aad u fara badan oo la gaarsiin doono Ardayda Puntland Degmooyinka ay ku sugan yihiin.

Ardayda Deeqda Waxbarasho ka heeshay Dowlada Sudan ayaa gaarayso 13Arday oo isugu jira Wilal iyo Gabdho kuwaaso oo laga qaaday Imtixaan Guud markii ay kasoo baxeen iskuuladooda Dugsiyada Sare.

Wasiirka Waxbarshada Puntland ayaa sidoo sheegay in ay si Cadaalad ah u soo xuleen Ardaydaasi ku Guulaystay in ay helaan Deeqda Waxbarashada ee Dalka Dibadiisa.

Hadalkaani kasoo yeeray Wasiirka Waxbarshada Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa Waxa uu ka sheegay Shir jara’id uu ku qabtay Xafiiskiisa isagoo sidoo kale sheegay in seddaxda Arday ee ugu Sareeso ay Waxbarashadooda ay Maal Galin donaan: Xafiiska Madaxwaynaha , Hay’ada Waxbarashada Africa ee AET iyo Wasaarada Waxbarshada Puntland.

Docda kale Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa sheegtay in Dhamaystirtay Manhajyada Waxbarashada ay wadagayaan Iskuulada Degaanada Puntland .

gaanniC/qaadir saciid cali(Gaanni)
Gaanni18@hotmail.com
Bosaaso-Somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Puntland: Faroole oo kahadlay Dilalkii ka dhacay PL, iyo wararkale oo ku saabsan PL "

  1. rashiid says:

    SWW
    Anigu waxaan oran lahaa dadkaan inta gobaladoodii dabka qabadsiiyey ee garan la sidii ay u damin lahaayeen 20 tankii sano ee la soo dhaafay .ee ku ducaysanaya in in puntland dab qabsado waxba haku mashquulina nin kale gurigiisa inaad dab galiso ee ka fakar sidii aad dabka gurigaaga uga damin lahayd.
    Kuwaan kale ee luuqada ka dhigtay faroole ayaa dad amxaaro u dhiibay.adeer faroole ma tagin ogaadeen dhexdi oo amxaaro idiinma dhiibin . waa idinka kuwa soo gubay ee dabka galiyey ee amxaarada ku diray dadkiinii waa idinka kuwa punland dhexdeeda isku laaya axmaaradana isku soo jaajuusa
    Waxaan idin oran lahaa waa la ogyaha ujeedadiin dal xoree in aanay ahay ee ay tahay lacago in carabta looga aruursado bakhaaro looga furto kenya iyo south africa .ee ka daaya dadkiina masaakiintaah dhibka iyo xabada. shacabka puntland ogaadeen kuma duulin mana nebca
    40 kun oo ogaadeena ayaa nabad ku degan kana ganacsata maa wax layeelo
    inta aan nabada rabina waan iska qabanaynaa dawladyadana waan ku kalsoonahay
    Madax wayne faroole suu rabo haku yimaado
    maanta shaqo fiican ayuu qabanayaa mahadi haka gaarto. labadii madax wayne ee ka horeeyey ee ku dadaalay inay nabad ku ilaashaan dalka nabadi haka gaarto.
    puntland nabad haku waarto.
    soomaalida nabada jecel ilaahay ha siiyo
    ka naxaw nafta waa aaamiiin

  2. Cawil says:

    A/c Marka hore,waxaan aad u soo dhawaynayaa sida Daacadnimada iyo hawlkarnimadu ay ku jirto oo uu u muujiyay Wasiirka waxbarashada (Juxaa), runtii wuxuu ku soo kordhiyay Juxaa waxbarashada Puntland wax wayn oo aan ahayn kaliya ardadaan waxbarashada deeqda ah loo raadiyay. ee wuxuu ku guulaystay waxyaabo badan oo ay san qaban Wasiiradii xafiiska uga horeeyay. tankale dadka comments qoray, way ka hadlikaran dareenka ay ka qabaan Madaxwayne faroole laakin waxaa fican inay ku saleeyan xaqiiqada, waana inay noqotaaa mid ay huban marka ay soo bandhigayaan. Madaxwayne faroole waxaa doortay Ummada reer Puntland oo ay Wiikiil u yihiin Baarlamaankooda. qofka leh Burcad lacagtooda ayuu ku soo baxay. waa maangaab wuxuuna meel kaga dhacay ummada reer puntland sharaftooda. hadii aad tahay mawaadin reer puntland ah oo xalaalku dhashay waxas ha qorin hadii aad tahay dadka maskaxdoodu xabada muqdisho ka dhacaysa waxyeeshay ha ka hadlin arrimaha puntland. adigoo ka yimid Bog cadda aduunka ugu dhibka badan. puntland waxay heshay madaxwaynihii ay raadinaysay, waxaana dhaboobay himiladii shacabka oo ay isbadalka ku doonayeen. waa madaxwayne daacad ah hadii cidi jaajus u tahay Ethopia iyo Maraykanaka waa layaqaan. aniguna carabaabi maaayo.

  3. Sharma'arke says:

    Maxadweyne Dr.Faroole waa madaxwayne u qalma jagada uu hayo waana ku taageersan nahay in uu amniga PL aad ula socdo wixii ka horyimaadana gacan bir ah ku qabto.

    Madaxweynaheena xaqqa ah ee cilmiga caqliga iyo garashada u sxbka ah ee Dr.Abdirixmaan Sheekh Maxamed Sheekh Maxamuud Faroole waxaanu ugu baaqaynaa in uusan marna dhag jalaq u siin dadka hadaladda cuqdadku ka muuqato meelaha ku qoroya oo uu markasta danta umadda ka raacdo.

    Dadka Dr.Faroole burcad badeedka ku sheeganayna waxaan leenahay Faroole waligiis waxaas waa ka madaxbanaanaa malaha waxaa dacar idin ku kiciyay hormarka iyo habsami usocodka uu u horseeday dadka iyo Dowladda PL, waxay ila tahay in aan howshaas baaxadda leh oo uu hayo Dr.Faroole adin lagu baajin karin bal afna warkiisba dhaaf.

  4. c/raxmaan says:

    s/c
    faroole waa kuma?
    c/raxmana maxaad faroole waa madaxeynaha xiligaan talada haya runtii nin walba oo soo mara xilka madaxtinimo wuxuu mudanyahy sharaftiisa laakiin su aasha aan kor kusoo qoray hadaan u gada galo runtii faroole waanin kusoo baxay hantida burcad badeeda ka qawleesata xeebaha somalia iyo inta ku xeeran wuxuuna waqtigaan lajooga u soo ifbaxayaa jaajuus sida walaalkayga qoraalkaan iga horeeyey uu kusoo qorayba kaaso aad moodo inuu dulaalayo dad walaalihiisa sidoo kalena khiyaamayo umada rer buntland sida hada laga war qabona waxaa uu kusoo jeedaa addis ababa si uu bilad ugasoo qaato halkaas taasoo uu kumutaystay dad masaakiina inuu usoo xir xiro kuna laayo qaarkood xabsiayada puntland
    sidoo kale wuxuu lacag iyo heshiis la saxiixday farool dowlada america si uu uugu dhexdaro ciidamada puntaland logayaqaan (BIS) laakiin magacooda dhabta ah waasidaan CIIDAMADA ASHAHADA LADIRIRKA) waxaa cad inuu faroole noqday kii loo hanweyna auu noqdayhada kii lugu hungoobay
    bey wabilaahitowfiiq

  5. geedi says:

    salan kadib runahantii butiland shacbaka adayan uga tacsiyaynaynaa lakin madaxda way khaimeen umada somaliyeed iyado la arko cadahayna inu forle yahay nin jajusuus ah maraykaniyo itobiya intuu ku sas yahayna wax uukusokordhin kara amniga wadanka majirto bal way ka sidari uun eee hala iska qabto umada somaliyeed oodhana ukhaimay cadow ayuu uso wada ua tageraaaaaaaaaa