Home » Warar »

Warbixinta Kooban ee Saddex-biloodlaha ee Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada: Siinaysa Fiiro Gaar ah Hor-u-Digidda Xilliga Deyrta

Saaxiibayaal,

Hayadda Falanqaynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada (FSNAU) waxay hadda baahisay Warbixinta Kooban ee Saddex-biloodlaha ee Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada: Siinaysa Fiiro Gaar ah Hor-u-Digidda Xilliga Deyrta. Warbixintan koobani waxay xog ka bixinaysaa qaybaha kala ah Cimilada, Colaadda Sokeeye, Beeraha, Xoolaha, Suuqyada iyo Nafaqada iyo waliba xogta muhiimka ah ee isbeddellada cusub:

· Daadad roobeedyo ka dhacay meelo ka mid ah diisha Wabiga Shabelle toddobaadkii u dambeeyay ee bishii 10aad, oo geystay barakac baabi’in hanti

· In ka badan 100,000 oo qof ayaa barakacay laga soo billabo bishii 7aad 2009, uguna wacantahay nabadgalyo darri iyo hab-nololeedkii oo lumay

· Gallley iyo dalagga dakhli celinta oo wanaagsan oo (Jubba ah) iyo soo hormarka curadasha roobabka deyrta oo dedejiyay abuuridda xilliga Deyrta iyo koritaanka dalagga

· Xaaladda daaqa oo soo wanaagsanaanaysa ee inta badan ee Soomaaliya roobabka Deyrta oo wanaagsan awigeed angeland

· Baadhisyo lagu caddeeyay Daacuun caloole iyo tirada shuban biyood daraan oo laga helay qaybo badanoo Soomaaliya ah

· Helitaanka cunnada ee saboolka reer magaalka oo billabay inuu soo taro laga billabo bishii 6aad 2009, marka laga reebo gobollada dhexe.

Qoraalkan waxaad ka soo minguurin kartaa khadkan soo socda:

AKHRI:  http://www.fsnau.org/fileadmin/uploads/1612.pdf  

Haddii aad su’aal qabto, fadlan nagala soo xidhiidh info@fsnau.org  .

cunto

Xurmo Wacan,

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.