Home » Warar »

Ujeedo: Baaq nabadeed oo ku socoda Dawladda KMG iyo Xogaga ka soo horjeeda

BAAQ
Ujeedo: Baaq nabadeed oo ku socoda Dawladda KMG iyo Xogaga ka soo horjeeda

Ururka nabadda iyo horumarinta Soomaliyeed ee dalka Sweden wuxuu baaq nabadeed u dirayaa Dowladda KMG iyo xoogagga ka soo horjeeda.

Waxaan wada ognahay in shacbiga somaliyeed ay muddo dhan 19 sano ay ku jireen dhibaatooyin ay mid yihiin dagaalo sokeeye, barakicin, dil kufsi iyo ku tiirsanaan gargaar baniadan nimo ay dhamaan sababeen hogaamiye kooxeedyo iyo maleeshiyo beeledyo ka talinayay dalka .

Waxaa xigay markii dalka ay si sharci daro ah ay ku qabsadeen ciidama Etiopia kuwasoo sababay dhimashada in kabadan labatan kun oo qofood, dhawaca boqolaak kun, barkakicinta malayuun iyo u nugleynta shacbiga somaliyeed baahida ay u qabaan gargaar baniaadan nimo.

Waxaa xusid mudan shacbiga reer konfurta iyo bartamaha Somaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, oo ahaa kuwi dhibaatoyinka ugu badan ay u geysteen cidamada Ethiopia isla markaana ku dadaalay ka xoreynta dalka cadawga qabsaday.

Hadaba ma waxaa loogu abaal guday in dib markale loo laayo loona barakiciyo?

Waxaan ognahay in shacbiga reer muqidho ay ku sugan yihiin gobihii ay ku barakacsanayeen xiligii cidamada Ethiopia ay dalka joogeen.
Hadaba waxaan soo jeedin lahayn

Qodobadan hoos ku xusan:

1. Waa in dowladda KMG, ciidamada AMISOM iyo xoggaga ka soo horjeed si shuruud la’aan ah ay u joojiyaan xasuuqa naxariisdarada ah ee ku socda shacabkaaa reer Muqdishu.

2. Waa in si degdeg ah loo joojiyaa dagaalka lagu dhexdagaalamayo meelaha dadka shacbka ah ku noolyihiin

3. Waa in la fura wadahadalo si loo soo afjaro colaada dhamaan weeydey ee halaaga u horseedey shacabka Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Ururka Nabada iyo Horumarinta Soomaaliyeed ee Sweden
Eng.Abdulkadir Shiek Yusuf Guuleed,
E_mail: Somali.peace@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Ujeedo: Baaq nabadeed oo ku socoda Dawladda KMG iyo Xogaga ka soo horjeeda "

  1. cali says:

    s.c.w aad iyo aad ayaad ugu mahad san tahay in nabadad aad ku baaqdo waan ubaahanahay
    nabada waxaana muujisay walaalahaaga dhii gooda sharcidarada loo daadinayo karaankaada aad muujisay sida aad oga xuntahay siina wad walaal waxaan is leeyahay waxa ugu darani waa ciidamada ajnabigaa ee iska xasuuqaya shacbiga iyo dolad ku sheega oo aad moodo safar iyo hub urursi iyo dagaal in aay ku baaqaan maahane aan xalkale lagu heeyn rag badan ooah siyaa siyiin somali ah ayaa isku dayay in ay heshii siiyaan walaalaha lakiin cidkastaa denteeda gaarkaa ayeey ku dheg tay, yeey dolad uyihiin ? xasuuq ayeey ku wadaan shabigoodiiye ,wada hadalada unka iyowadama shisheeye kubaaqayaan run saasa maahan’, somalina maanta walaal dhaba malahan ilaah ayaa kaweyn wax kasto asgaana awoodleh
    cadaaladad darada ilaahay hanaga bixiyo dowlada waxaan ugu baaqayaa dagaal wax aad ku keenaysaan malaha lahadla raga siyaasadiina diidan hadal dhab ah kaliya mid afka ah maya.

  2. maxamed says:

    waa run in somalia in kabadan 20 sano ay kusoo jirtay qax iyo dhibaato waxaa kaliya oo maanta xal lagu gaadhikaraa in labad baadiyo dadkii kudhashay nidaam la’aanta somalia waayo yagu waxba kagaran maayaan dawlad markaa waa in labaraa waxay dawladi tahay

  3. Abdirashid Dirie Ali says:

    waxaan kuu sheegayaa, shiikhoow wadanka
    waa lagu soo duulay, kuwa kusoo dulay xabada hajoojiyaan wadan haka baxaan,kuwa aad sheegayso dawlad ma,ahan waacalooshooda ushaqeystayaal

  4. Xassan says:

    Ing. Abdulkaadir, waa ku mahadsanyahay baaqa uu soo jeediyay, laakiin waxuusan la socon in baaqyo sidaas oo kale ah loo dirayay muddo badan. Dadkani ma filayo in aay wax iska badalayaan in aay kasii daraan mooyee labada qolaba oo madaxtinimada isku haysta.
    Allow kacaan cusub noo dhali oo labadaba xaaqa.