Home » Warar »

Wasirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska oo Warbixin ka Dhageystey Maamulka iyo Dadweynaha Degmadda Afgooye mar uu halkaa tagey.

Wasiirka Howlaha Guuud iyo Dib u dhiska ee Dowladda Federaalka Eng Saalax Shiikh Cismaan iyo Wafdi Balaaran oo uu Hogaaminayey ayaa Kormeer Howleed ku Tagey Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose, Waxaa Safarka Wasiirka ku Wehliyey Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Sarakiisha Qaybaha Ciidamada
image
Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska oo ah Wasiirka ka soo jeeda Deegaanka Afgooye ayaa waxaa halkaa ku soo dhaweyey Maamulka Koonfur Galbeed , Maamulka Gobolka Shabeeladda Hoose, Saraakiisha Ciidamada, Odayaasha Deegaanka iyo Dadweyne aad u fara badan kuwaa oo ku faraxsana Imaanshaha Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Degamada Afgooye

.Ueedka Safarka Wasiirka ayaa ahaa in soo eego Xaaladda Nabadgelyo iyo mida Bulshada ee Deegaankaas ayaa mar uu Degmadda Afgooye kula hadlaya Mamulka, Odoyaasha iyo Dadweynaha ayaa u soo jeediyey inay la shaqeeyan Ciidamada si loo helo nabad waarto oo ah tilaabadda ugu muhimsan oo horumar ku gaari karaan Bulshada Deeganada Degmadda Afgooye

Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Eng Saalax Shiikh Cismaan ayaa u sheegay Dadweynaha Degmadda Afgooye in dowladda si deg deg ah uga jawaabi doonto baahida lagama maarmaanka ah oo ku saabsan arrimaha adeega Bulshada sida Dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Degmada Afgooye iyo Buundada Afgooye oo Labadooda oo uu ka muuqdey Burbur aad u baaxad weyn

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Deegaanada Afgooye oo iyana halkaa ka hadlay ayaa sheegey in Degmada Afgooye ay ka mid tahay Degmooyinka ugu Wax soo saarka badan Dalka, iyagoo u so jeediyey Bulshada Gobolka in ay ka faaidestaan Khayraadkaas islamarkaana si weyn uga shaqeeyaan arimaha Nabadgelyada oo la;anteed aan wax Horumar ah la gaari kain

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose oo isna Gabagbagadii ka Hadley ayaa u mahadceliyey Wafdiga balaaran ee uu Hogaaminayeen Xildhibaanada iy Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska isagoo sheegey in Gobolka ay ka jiraan Baahiyo fara badan gaar ahaan adeegyada Bulshada isagoo ugu baaqey Dowladda Federaalka in ay Baahiyahaas wax ka qabtaan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail Amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.