Home » Warar »

Jaamacadda Horn of Africa (Geeska Afrika ) oo Munaasabad Qalin jabin ah u qabatey ardey Gaareysa 120 ardey

Waxaa Hotelka City Palaca ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasbad Qalin jabin ardey oo dhameysatey Waxbarasho Heer Jaamacadeed kuwaa oo ka baxay Jaamacadda Horn of Africa , waxaana Munaasabadaas Qalin jabinta ah ka qayb galey Xildhibaano, Wasiiro, Maamulka Gobolka Banaadir , Waalidiin iyo Ardeyda Wax ka barata Jaamacadaas .

Ugu horeyn waxaa Munaasbadaas ka Hadley Maxamed Cismaan Abba Shiikh oo ah Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Horn Af Afrika waxaa uu sheegey in ardey gaareysa 120 ay ka qalin jabinayaan Jaamacada kuwaa oo dhameystey Kuliyadaha Caafimaadka , Ganacsiga iyo Information Technology ,isagoo sheegey in muddo 4 Sanno ah ay wax soo baranayeen.

Waxaa sidoo kale halkaaka Hadley Gudoomiyaha Boor Jaamacada Cabduqaadir Maxamed Dhicisow wuxuu ku dheeraadey Ujeedka loo Aas-Aasey Jaamacada Horn of Africa wuxuuna sheegey in Jaamacada ay dooneryso in ay soo saarto dad aqoon leh oo ku takhasusey Cilmiyada laga barto Dunida isagoo sheegeyin Jaamacada ay xiriir la leedahay Jaamacado ku yaal Dunida

Waxaa kaloo Munaasabadaas ka Hadley qaar ka mid ah ardeydii ka qalin jabisey Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda iyagoo dhamaantood u mahadceliyey Macalimiintii iyo intii ku gacansiisey muddadii ay wax baranayeen iyagoo ka codsadey Maamulka Jaamacada in ay u raadiyaan Waxbarasho Sare

Cabdulaahi Sheikh Cali Qaloocow oo ah

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorsheynta Qaran oo halkaa ka hadlay wuxuu ku dheeraadey Heerarkii Waxvarashada Soomaaliya ay soo martey , wuxuu kula dardaarmey ardey ka qalin jabisey Kuliyadaha kala duwan in ay aqoontooda uga faaiideeyaan Dadkooda iyo Dalkoode.

Xubnihii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Wasiiraka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Ing Saalax Shiikh Cismaan iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Maxamed Cabdulaahi Nuux oo Mahadcelin ka dib waxay sheegeen in Waxbarashada ay tahay mid keliya ee lagu gaari karo Horumar,waxay ugu baaqeen in ardeyda Qalin jabisey in aqoontooda uga faaiideyaan kuwa kale ee aan Waxbarashada haysan

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo muddo ku soo dhex jirey Bahda Waxbarashada ayaa u Mahadeceliyey intii soo qaban qaabisey Munaasabada Qalin jabinta Jaamacadda Horn of Africa, wuxuu ku dheeraadey sida ay u wanaagsan tahay in dadka ay dhowrtaan Dhaqankooda iyo afkooda waayo waxaa uu sheegey in dad aan lahayn Luqad ay dad ka dambeeyaan isagoo ula jeedey in Bulshada ay xoogga saaraan Afkooda .
image
Intii ay socotey Munaaabadaas qalin jabinta waxaa halkaa lagu soo bandhigey Ruwaayad ka hadleysa Faaiidada Waxbarashada iyadoo ugu dambeyntii ardey Dhameysteey Waxbarasahda la gudoonsiiyey Shahaaadooyin Aqoontooda ka tarjumeysa

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.