Home » Faallo »

Hanyari hoos bay ku dhigtaa!!

Waxaa qoray

Cabdinuur Faarax Maxamuud

Email- abdinuur02@gmail.com

image

Han weynaan ama han yaraan), waxaa loola jeeda hadba wuxuu qofku ku qanco tusaale ahaan haddii hankaagu yahay inaad xukunto Qaaradda Africa , kuma qancin karato inaad xukunto Xaafad ama hal Beel ama Hal Gobol..

Hankaagu haduu yahay inaad mideyso Qaran kuma qanci kartid Qabiil, hankagu hadduu yahay inaad raadiso Qaran kuma qanci kartid qoys kaliya..

Tusaale kale haddii aad hankaagu yahay ama aad ku qanacsan tahay inaad xukunto hal Tuulo, laakiin laguu dhiibo labo tuulo aad ayaad ugu qancaysaa waayo hankaagu waa hal Tuulo

·

Soomaalidii hore ayaa ku maahmaahday ”

· Reer Seddex baa hoog u ah, seddex-baase hoog labbaada

· Hoggaan xumo ayaa hooga haddii ay odayga gashaa hoog labbaada.

· Hanyari ama hawo gaabni ayaa hooga haddii ay hogganka gashaa hoog labbaada

· Hunguri xumo ayaa hooga , haddii ay (Habarta) gashaa hoog labbaada..

Micnaha maahmaahyadaas waxay caddeynayaan hanyaridu inay tahay hoog iyo halaag sidookalena hoggaanka haddii ay kaa gasho ayaa ka sii daran waayo ummad aan hoggaan waanaagsan lahayn waxay ku dambaysaa baa`ba iyo tariikh madow..

Soomaali bari ayeey ahayd dad hanweyn oo iskala wayn asaagood waxay,ahaan jireen dad astura ceebahooda oo xitaa haddii naftu dhaafayso an laga daremi jirin si ay u ilaaliyaan sharaftooda iyo qaranimadooda waana tii ay ku maahmaaheen,, Haddii aad dhimanayso dhareerka waa la iska duwaa), Soomaali waa bay han lahayd laakiin maanta xaggee hankii Soomaalidu joga siiba hoggaamiyayaash Soomaalida?..

Sidookale waa kuwii lahaa Cadawgaaga dhuux sagaaro ayaa loogu dhaashtaa), ayaga` oo ula jeeday waliga Hankaagu ha sarreeyo hana is hoosdhigin ninka ku farxaysan jabkaaga iyo tafaraaruqaaga), ama kala qeybsanaantaada maanta se waxaan ku faana kala qaybinta dadka Soomaalida soo hanyari mahan?..

Waxaan maalin dhawayd daawaday xaflad ay isku yimadeen hoggaamiyayaasha Soomaalida intooda badan waa la isku qoslayaa waa la isa salaamaya laakiin qalbigoodu waa kala jeeda waxaa dhexedda ugu jira oo sidii nin dulaala midba gaar ula faqaya siyaasi kale oo reer Itoobiya siyaasiinta iyo higgaamiyayaasha Soomaalidu waxay ku qanacsan yihiin oo hankoodii noqday in wiilka Itoobiyaanka uu, u kala dabqaado, Bal si dhabka u eeg waxaa loo kala turjumayaa waa Soomaali, waxa halkaas dhigay hoggaamiyayaasha Soomaalida waa hanyari..

Soomaaliya waa dad muslima isku luuqad ku hadla is wada yaqaan isku wada jinsiyadda haddana leh dhulka Adduunka ama carro edag ugu qanisan haddii ay noqon lahayd khayraadka dibiiciga haddii ay noqon lahayd xoolaha nool, baddaha ku xeeran, iyo Wabiyadda aadka u waweyn , waxaase curyaamiyey hanyari” hanyari waa hoog”..

Haddana Soomaaliya waa dadka ugu dambeeya adduunka qarnigaan 21,naad haddii ay nqon lahayd dhaqaalo midnimo talo wadaag iyo qaranimo intaba adduunka waa ka dambeeyaanna waxaana halkaas dhigay waa hanyari hogaamiye kasta oo Soomaaliyeed manta wuxuu ku qanacsan yahay inuu qarankiisii waddankiisii iyo sharaftisii u daba fariisto wiil asaagiisa, Nin hanyari ma hana qaado hara loo yiri..

Musuqmasuqa khiyaanada iyo maamul xumada ayaa waxay noo noqotay hooy aan can ku noqonay qarnigan, waxaa na maamula oo turjumaan noo kala ah haddii aan Soomaali nahay, Itoobiya, iyo Kiinya, waxaan garay xili an shisheeyaha ugu yeero dawladdaha walaaleheenna laakiin qofkja Soomaaliyeed aan ugu yeero cadawgeenna..

Qaranimadeennii waxaan dhaafsanay hanyari, ninka Soomaaliga ee manta matalaya Hoggaanka dadka Soomaalida meel kasta ha jogee wuxuu ku qanacsan yahay waxa ka yar hal gobol ama labo gobol, inuu maamulo oo uu dhaafsado dhammaan sharaftii iyo qaranimadii Soomaaliyeed, goormay soo bixin doonaan wiilal iyo hablo mideeya dadka Soomaaliyeed? Hankooduna ka tarjumo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Midnimadu waa guul

Cabdinuur Faarax Maxamuud

Falanqeeye arrimaha bulshada

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.