Home » Warar »

Wasiirka Maaliyadda ayaa si diiran u soo dhaweeyey ansixinta dib u eegista miisaaniyada 2015

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Somaaliya mudane Maxamed Aden Farkeeti ayaa si diiran u soo dhaweeyey ansixinta dib u eegista lagu sameeyey miisaaniyadda, 2015, isagoona ku tilmaamay iney tahay talaabo looga hortagayo isu dheeli tir la’aanta dakhliga dowladda iyo kharashaadka baxaya kadib markii uu gaabis ku yimid qoondadii ay ku kabi lahaayeen deeq bixiyayaasha caalamka ee miisaaniyadii la ansixiyey sanadkaan bilowgiisa,.

Wasaaradda ayaa bishii hore u gudbisay soo jeein wax looga badalayo Miisaaniyadda golaha wasiiradda, waxaan goluhu si aqlabiyad ah isugu raacay in dib u eegis lagu sameeyo kharaashaadka dowladda,

Wasiirka maaliyadda Mudane Maxamed Adan Ibraahim “Fergeeti” ayaa tilmamay in dib u eegista miisaniyadda lagu sameeyay ay ku salaysan tahay inta badan talooyinkii ay soo jeediyeen xildhibaanada baarlamanka iyo waafajinta kharashaadka ku baxa hay’adaha dowladda.

“Miisaaniyadda qaar waa jarid qaarna waa dib u habayn, waxaana sababay dib u geeistaan in dowladda aysan soo gaarin qoonadadii laga sugayey deeq bixiyayaasha oo ahayd 49%. Waa xaqiiq inuu kor u kacay dakhliga dowladda, balse taa macnaheedu maahan inuu dabooli karo dhamaan baahiyaha jira” ayuu yiri Wasiir Farkeeti.

Xoghayaha Guddiga maaliyadda ee barlamaanka oo kulanka golaha shacabka ka hadlay ayaa sharaxay dib u eegista lagu sameeyay miisaniyadda dalka iyo inta laga dhimay misaaniyaaddi hore. Isagoo sheegay in dhimista lagu sameeyey miisaniyadda aysan saamayn doonin musharaadka ciidanka iyo shaqaalaha rayidka dowladda.

Kulan ay mudanayaasha baarlamanku ku ansixiyeen dib u eegista miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015-ka, ayaa socday mudo ku dhow sadex todobaad, waxaana wasaaradu qaadatay dhamaan talooyinkii wax ka badalka ahaa ee ay soo jeediyeen xilidhibaanada barlamaanka.

image

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.