Home » Warar »

War Saxaafadeed: Adkaynta Dhidibada Dhaqanka iyo Kobcinta Xirfada Farshaxanka

Muqdisho… Sebteembar 7, 2015: Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, waxay manta si rasmi ah u xirtay wajigii kowaad ee Ollolaha soo Noolaynta Dhaqanka iyo Farshaxanka oo muddo afar bilood ah si balaaran uga socday degmooyinka gobolada Banaadir, Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose. Ollolahan ayaa si balaaran uga hirgalay dalka oo dhan sanadka 2015, waana mid ku wajahan sidii loo soo noolayn lahaa dhaqanka midkiisa suuban ee isku xira ummada isla markaana kaabaya hirgalinta nidaamka dawliga. Waxaa sidoo kale uu ahaa mid lagu dhiirigalinayo xasiloonida iyo horumarka dadka iyo dalkaba.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa ollolahan ku tilmaamay mid ahmiyad weyn u leh ummadda Soomaaliyeed waxaana uu sheegay inuusan noqon doonin kii ugu dambeeyay ee ay wasaaradu sii wadi doonto olloleyaashan.
image
“Ma ahan in ummadeenu ku dhex dhunto dhaqamada kale ee waa inaan keena illaashano oo waliba casriyayno. Waxaana xasuusinayaa ummadda in dib loo jaleeco qiimahaan lahayn waayihii dhaqankeenu xooganaa ee aynaan labmin ama kuwo kale u hanqal taagin. Ka wasaarad ahaan waxaan ku dadaalaynaa in la xoojiyo dhaqanka, sidoo kalana la dhiiri galiyo farshaxanka oo ah mid kamid ah tiirarka dhaqanka lagu qotomin karo laguna gaarsiin karo caalamka oo dhan. Ayuu yiri wasiir Maareeye.

Dhanka kale Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xildhibaan Cabdullahi Colaad Rooble oo ka hadlay munaasabadii dabaaldaga xiritaanka ollolaha dhaqanka iyo farshaxanka ayaa xusay in hawshan wasaaraddu siweyn isaga xilsaartay mudadii olloluhu socday. Waxaana uu ku tilmaamay inuu muhiimad gooni ah u lahaa shacbigii deegaanada la gaarsiiyay oo dadku aad u soo dhaweeyeen. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu ollolahani qeyb-weyn ka qaatay dhiiri galinta nabada iyo xasiloodida iyo waliba inuu abuuray jawi dhiiri galinaya in bulshada deegaanadaasi u midoobaan inay ka hawl-galaan siday uga soo kaban lahaayeen dib-u dhicii dagaalada sokeeye, yana sidoo kale ka wada hawlgalaan siday ku gaari lahaayeen horumar una unki lahaayeen nolol barwaaqaa oo loo marayo wadiiqo ka duwan kii colaadaha ee ummadda daashaday.

“Wasaaraddu, waxay muddadii la soo dhaafay aad isugu howshay soo nooleynta iyo xoojinta dhaqankii dhaawucu gaaray, taas oo loo maray bandhigyo kala duwan oo dhaqanka la xiriira, oo lagu qabtay degmooyinka gobollada dalka intooda badan” ayuu yiri Cabdullaahi Colaad Rooble.

Waxaana uu cabdullahi intaas ku daray in ollolahani uu ka qeyb qaatay horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliyeed, taas oo lagu gaarayo hirgelinta barnaamijyo dadku ay u arki karaan wax qabadka dowladda gaar ahaan midkan Wasaaradda ee ku aaddan soo nooleynta dhaqanka iyo fanka Soomaaliyeed. Waxaana uu ugu danbayn u mahadceliyay dhamaan intii ka qeyb qaadatay hirgalinta ollolahan iyo hawl-fulinta mudadii uu socday ee afarta bilood ahayd.

Halkan ka Daalaco Sawirada

DHAMMAAD

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.